Arbaco , 25 Juun 2025 {HMC} Yaaku awood Sareeyo dagaalkii Iran iyo Israa’iil?
Arbaco , 25 Juun 2025 {HMC} Yaaku awood Sareeyo dagaalkii Iran iyo Israa’iil?
Arbaco , 25 Juun 2025 {HMC} WAR DEG DEG:.Ciidamada dowlada oo la wareegay Masaajid Cali gaduud.
Arbaco , 25 Juun 2025 {HMC} Shiinaha oo markii ugu Horeysay Taageero weyn siineysa Ciidanka Xooga Dalka.
Arbaco , 25 Juun 2025 {HMC} Muxuu yahay Diyaaradaha iyo hubka cusub ee Turkiga uu keenay Soomaaliya?
Arbaco , 25 Juun 2025 {HMC} Banaanbaxyo maanta laga Cabsi qabo in ay ka dhacaan Kenya iyo Ciidanka oo heegan la galiyay.
Arbaco , 25 Juun 2025 {HMC} Shir u dhaxeeya MW Xasan sheekh iyo Mucaaradka oo goordhow ka furmaya Muqdisho.
Arbaco , 25 Juun 2025 {HMC} Iran oo Basaasiin daldashay iyo Madaxda Israel oo godadka kasoo baxay
Arbaco 25 June 2025 {HMC} Wakaalada wararka ee dalka Iran ayaa sheegtay, in Iran ay daldashay saddex nin oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Israel.
Wakaalada Mizan ayaa sheegtay, in sidoo kale lagu helay dambi ah, in ay isku dayeen in ay dalka soo galiyaan qalab si ay “u fuliyaan dilal qorsheysan”.
Mizan ayaa magacowday Ali, Azad Shojai iyo Rasoul Ahmad Rasuul loo xiray inay isku dayayeen in ay “iskaashi wada shaqeyn ah” la galeen Israa’iil.
Iran ayaa sidoo kale xirtay 700 oo qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la lahaayeen Israa’iil intii lagu guda jiray dagaalka 12-ka maalmood socday, sida ay sheegtay warbaahinta gacan saarka la leh dowladda ee Nour News
Arbaco 25 June 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Muqdisho Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu.
Kulanka dhexmaray labada masuul ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray iskaashiga labada dowladood ee dhinaca Difaaca iyo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.
Danjiraha dowlada Shiinaha ayaa dhankiisa balan qaaday in dowladdiisa kaalin weyn ka qaadanayso qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo sidii ay ugu guulleysan lahayeen sugida, xaqiijinta amniga guud ee dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa uga mahadceliyey dowlada Shiinaha taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo iskaashiga labada dal.
Ugu dambeyntii kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo Soomaaliya iyo Shiinaha ay yihiin laba wadan oo leh xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan, kuwaas oo iska taageera dhinacyada amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida labada dowladood.
Arbaco 25 June 2025 {HMC}Dowladda Turkiga ayaa markale dalka keentay diyaarado dagaal iyo qalab militari, kuwaas oo loogu talagalay xoojinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Qalabkan oo ay kamid yihiin Diyaaradaha qumaatiga u kaca ah iyo kolonyo gaadiid gaashaaman, ayaa si rasmi ah uga soo degay garoonka Aadan Cadde.
Gaadiidka iyo saanadda kale ee la socotay waxay ka mid yihiin kuwa ugu sarreeya ee ay farsameeyaan shirkadaha militari ee Turkiga, waxaana loogu talagalay in ay sare u qaadaan awoodda Ciidanka Xoogga ee xaqiijinta Amniga iyo dagaalka AS.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa hore ugu heshiiyay in ay sare u qaadan Iskaashiga dhinaca Amniga, si loo dardar galiyo howlgallada ka socda dalka.
Dhawaan ayay aheyd markii Turkiga dalka keenay saanad kale oo ciidan, kuwaasi oo ay siday diyaaradda Xamuulka qaada Qadar Airlines.