Axad, 22 Juun 2025 {HMC} Mareeykanka oo weerar ku qaaday Goobaha Nukliyeerka ee wadanka Mareeykanka.
Axad, 22 Juun 2025 {HMC} Mareeykanka oo weerar ku qaaday Goobaha Nukliyeerka ee wadanka Mareeykanka.
Axad, 22 June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Ahmed
Farsamadii ::Yasiin Ali Ahmed
HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO
Axad, 22 June 2025 {HMC} 400 magaalo laga bilaabo Xayfa ee waqooyiga ilaa Talaviv, Quds ilaa deegaanada Badda dhimatay ayaa halmar weerar lagu qaaday.
Warbaahinta ISR|L ayaa isku raacday in uu yahay weerar xoogan oo nidaamyada difaacu ay si xoogan iskaga caabin waayeen, oo ay qaarkood ku dhaceen goobo muhiim ah, oo dhaawacyada in ka badan 20 qof durba la xaqiijinayo, mid kamid ah aagaga aadka loo sugo amnigooda ee kuyaala Xayfa ayay ku dhaceen gantaal toos ah.
TELEGRAMKA-Muuqaalada
Warbaahinta ISR|L ayaa sheegaysa in weerarkan saaka uu ahaa midkii ugu xooganaa ee ay |ran ku qaado magaalooyinka waa weyn, 400 goobood ayaa halmar la weeraray, nidaamka difaaca hawada waa qaban waayay.
In ka badan 25 qof ayaa dhaawacyo qaba, 5 ayaa la xaqiijiyey dhaawacyo culus ah, 4 dhexdhexaad ah iyo inta kale oo isbitaalada la dhigay, kala gurida ayaa wali socota ma jirto faahfaahin dheeraad ah.
Afhayeenka ciidanka ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku dhawaaqay in ay beegsadeen garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, Xarumaha hoggaanka, baaritaanka Biological, Amniga iyo kantaroolka.
In ka badan 25 qof ayaa dhaawacyo loo diwaangaliyey, dadku guryaha ayey kujireen waana dumeen guryuhu, Channel-ka 12aad ee ISR|L ayaa qiray in gantaaladu ay geysteen khasaare xoogan, 400 gooboodna ay halmar ku wada dhaceen midba gaarkiisa, nidaamka difaacuna shaqeyn waayay.
Axad, 22 June 2025 {HMC} War kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu baahiyay telefishinka afka dowladda ku hadla, ayaa lagu sheegey in xalay weerar dhinaca cirka ah lagu qaaday xarumo kuyaalla degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Dowladda warka kasoo baxay , ayaa lagu sheegay in xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, xalay lagu burburiyay labo xarumood oo kooxda Al Shabaab ay u adeegsan jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka.
“Mid ka mid ah xarumaha la beegsaday ayaa lagu soo waramayaa inay ku jireen gaadiid lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, waxaana la arkayay xaruntaasi oo si daran u gubanaysa markii lagu burburiyay howlgal bartilmaameed ah” ayaa lagu yiri warka dowladda.
Dowladda Soomaaliya, ayaa horey u sheegtay in weerar dhinaca cirka ah oi habeenno kahor , sidoo kale ka dhacay degmada Aadan Yabaal lagu dilay saraakiil iyo dagaallamayaal katirsanaa Al Shabaab.
Axad, 22 June 2025 {HMC} Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeeyeen
saddex goobood oo ku yaalla Iiraan, talaabo si toos ah Mareykanka uga qeyb-gelienysa dadaalka Israel ee lagu doonayay in lagu curyaamiyo barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas.
“Waxaan soo gabagabaynay weerar aad u guuleystay oo aan ku qaadnay saddexda goobood ee Nukliyeerka ee Iiraan, oo ay ku jiraan Fordow, Natanz, iyo Esfahan,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
“Dhammaan diyaaraduhu waxay hadda ka baxsan yihiin hawada
Iiraan. Culeys buuxa oo bambooyin ah ayaa lagu soo daadiyay goobta ugu muhiimsan, Fordow. Dhammaan diyaaraduhu waxay si nabad ah ugu socdaan saldhigyadooda.”
Trump wuxuu sheegay in la adeegsaday diyaaradaha qarsoon ee B-2
(B-2 stealth bombers) balse ma uusan cayimin noocyada bambooyinka la soo daadiyay. Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaan isla markiiba faahfaahin ka bixin hawlgalka.
“Tani waa waqti taariikhi ah oo u ah Mareykanka, Israa’iil, iyo guud
ahaan dunida. Iiraan waa inay hadda oggolaataa inay dagaalkan
dhammayso. Mahadsanid!” ayuu ku qoray barta Truth Social.
Duqaymahaani waa go’aan halis ku ah Maraykanka maadaama Iiraan ay ballanqaaday inay aargudan doonto haddii ay ku biirto weerarka Israel. Sidoo kale, shakhsiyan Trump ayay khatar ku tahay, isagoo ku guuleystay Aqalka Cad isagoo ballanqaaday inuu Maraykanka ka ilaalin doono khilaafaadka dibadda ee kharashka badan, isla markaana quursaday qiimaha faragelinta Maraykanka.
Sabdi, 21 Juun 2025 {HMC} Iiran iyo Israa’iil Yaa guuleystay toddobaadka koowaad. ?
Sabdi, 21 Juun 2025 {HMC} Hogaamiyaha Iran oo Magacaabay Dadkii Badalilahaa haddii la dilo.
Sabti, 21 June 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Salaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Mudane Cabdullahi Cali Elihya.
Kulankaasi ayaa dhacay intii uu socday shirkii 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka, arrimaha caalamiga ah, iyo isbeddellada ka socda mandaqadda.
Sidoo kale, waxaa la xoojiyay muhiimadda ay leedahay sii ballaarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait, si loo kobciyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.