Home Blog Page 764

Sidee ugu safray wasiirka arrimaha dibadda Iran dibadda xilli ay xiran tahay hawada Iran.?

Sabti, 21 June 2025 {HMC} Iyadoo hawada Iran xiran tahay, wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa u safray Geneva isaga iyo xubno ka socda wafdiga siyaasadda Iran si ay ula kulmaan wasiirrada arrimaha dibadda ee saddex dal oo Yurub ah iyo wakiilka sare ee Midowga Yurub ee arrimaha dibadda.

Tani waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu ka tago Iran tan iyo markii ay weerareen Israel iyo bilowgii dagaalka u dhexeeya labada dal. Lama shaacin sida uu Arakchi uga baxay Iran dagaalka ka dib.

Iyadoo hawada Iran xiran tahay ayaa su’aasha la is weydiinayaa waxay tahay sida uu wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ugu suuragashay inuu dalka uga baxo.

Xiritaanka hawada Iran waa go’aan gudaha ah oo ka soo baxay militariga iyo hay’adaha siyaasadeed ee Iran, kaas oo lala socodsiinayo hay’adda duulista rayidka si loo fuliyo.

In kasta oo cirku ka xidhan yahay diyaaradaha, dalalku waxay soo saari karaan ogolaanshaha gaadiidka, degista, duulista, ama nooc kasta oo kale oo loo isticmaalo hawadooda xaalad kasta.

Qaabkan, marka la bixiyo oggolaanshaha, ogaysiisa ay dawladdu bixiso ayaa lagu ogeysiinayaa isbeddellada cusub ee xaaladaha hawada.

Ogeysiisyadani waa farriimo rasmi ah oo loo diro duuliyayaasha, shirkadaha diyaaradaha, iyo hay’adaha ka hagaya hawada in la xaddiday, madaarrada, meelaha la maro, ama hawada la xaddiday, la beddelay, ama khatar la geliyay, ama si ku meel gaar ah ama ujeeddo gaar ah loo furay, gaar ahaan xilliyada dagaalka.

Diyaaradda Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran kasoo qaaday wadankii ay ka yimaadeen ee ku wajahan goobaha ay ka howlgalaan ayaa ah diyaarado ay leedahay dowlada Iran oo aan loo aqoonsan duulimaad ganacsi iyo mid rakaab toona.

Marka uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ku maqan yahay howlo shaqo oo uu dibadda u aadayo, waxaa suurtagal ah in dowladda Iran ay ku dhawaaqdo in si degdeg ah loo furay marin gaar ah, taasoo u ogolaaneysa in diyaaradda wasiirka ay baxdo.

Habkaas oo kale ayaa loo isticmaali karaa in lagu daadgureeyo dadka ajnabiga ah. Waxa suurtogal ah in duruufo dagaal dartood loo doorto dariiqa duullimaad ee diyaaradda uu la socdo Wasiirka Arrimaha Dibadda si ay hawada Iran ugu sii jiri doonto wakhtiga ugu yar ee suurtogalka ah, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan uga qaadi doonta goobta khatarta ah.

XIGASHO BBC

Iiran iyo Israa’iil Yaa guuleystay toddobaadka koowaad. ?

Sabti, 21 June 2025 {HMC} Toddobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu noqday mid aan caadi ahayn. Ma ahayn dagaal ku dhisan rasaas, balse wuxuu noqday dagaal lagu burburinayo kalsooni, sumcad iyo sirdoon.

Iiraan waxay iska dhigtay in la wiiqay awooddeedii gantaallada kadib weerarro Israa’iil ka geysatay gudaha Tehran.

Warar si xeeladaysan loo faafiyay waxay muujinayeen in saldhigyo muhiim ah la beegsaday, taasoo abuurtay dareen degganaan been ah oo gudaha Israa’iil ah.Laakiin marka daaha laga rogay — gantaallo culus oo Iiraan kasoo riday gudaha dalkeeda ayaa si lama filaan ah u gaaray bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaal wadnaha Telaabiib.

Waxa la ogaaday Iiraan inan la wiiqin awoodeeda, balse ay ku dhaqmaysay qorshe khiyaano dagaal ah , oo lagu gaaray in warar aan jirin lagu daadiyay warbaahinta, kaddibna la beegsaday Israa’iil, xilli aysan feejignayn.

Israa’iil waxay si dhaqso ah u wajahday burbur ku yimid nidaamkeeda difaaca, waa wax u dhigma nabar lala gaaray wadnaha, sababtoo ah mid ka mid ah awoodaha Israa’iil aan horey looga hor imaan, waxay ku jirtay nidaamyada difaaca, xaaladan waxay ka dhigtay Israa’iil , isla markiiba inay la xiriirto xulafadeeda Maraykanka iyo reer Yurub si ay taageero dhanka sirdoonka iyo difaaca u hesho.

Laakiin su’aasha ay dad badan is waydiinayaan waxay tahay: Haddii Telaabiib la beegsaday, xaggee kale oo badbaado ah oo haray?

Iiraan kama jawaabin weerarkii Israa’iil si toos ah oo milatari, balse waxay u adeegsatay sirdoon, khiyaano maskaxeed, iyo xeelad niyad burburin ah.

Weerarkeedu ma ahayn mid tiro badan, balse wuxuu ahaa mid bartilmaameed leh, niyad jebin ku dhisan, oo lagu soo bandhigay sida ay Israa’iil u nugushahay!Tani waxay muujinaysaa in Iraan ay dagaalka hadda u aragto fursad istiraatiiji ah oo lagu xaqiijinayo saddex yool:

1.In laga muquuniyo Israa’iil gudaha guryaha ay ka taliyaan.

2.In lagu abuuro cabsi guud oo dadweyne, si nidaamka Israa’iil cadaadis siyaasadeed uga wajaho gudaha.

3.In caalamka laga tuso in Iiraan aysan ahayn cadow la sii eedeyn karo, balse tahay awood si xeeladaysan u hawlgasha.

Maxaa la filan karaa todobaadka xiga?

Iiraan waxay u badan tahay inay sii waddo weerarro goos-goos ah oo la beegsado saldhigyo amni iyo meelaha deg deg u dhalinaya niyad-jab sida garoomada, saldhigyo sirdoon, ama xarumaha tamarta.

Israa’iil waxay dib u eegaysaa hannaanka ay u adeegsatay difaaceeda iyo sirdoonkeeda, waxaana suuragal ah in ay fuliso weerar si buuxda u wajahan Tehran ama xarumaha ilaalada kacaanka Iiraan.

Xulafada caalamka, gaar ahaan Mareykanka, waxay ku jiraan feejignaan sare, waana halka ka saaraysa dagaalkan dheeli-tirka oo u rogi kara dagaal dhammeystiran oo gobolka wada gaara, ama waxay u dhaqaaqi doonaan in dhinacyada xalka diblomaasiyadda lagu soo celiyo!

Yaa guuleystay illa hadda?

Haddii guusha lagu cabbiro ciddii la yaabtay cadowgeeda, Iiraan ayaa heshay dhibcahaas.
Haddii guusha lagu cabbiro ciddii fulisay weerarro ay ku dhex jiraan howlgallo sirdoon oo khaarijin ah ee beegsiga saraakiil iyo saynisyahanno , Israa’iil ayaa isku muujinaya in aysan burburin.

Laakiin dagaalkan, guushiisu ma ahan cidda riday gantaalka ugu horreeya — waa cidda sii jiri karta toddobaadyo dheeraad ah, iyadoo wali heysta sirdoon shaqeynaya, bulsho aaminsan, iyo xulafo diyaar ah!

XIGASHO Iman Jamac

Cali Khamenei oo Magacaabay Dadkii Badalilahaa haddii la dilo.

Sabti, 21 June 2025 {HMC} Saraakiisha Iran ayaa sheegay in hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, uu soo xushay saddex wadaad oo waaweyn oo u sharaxan inay xilka kala wareegaan hadii la dilo.

Waxa ay intaa ku dareen in Hogaamiyaha Sare uu ka warqabo in Israel ama Mareykanka laga yaabo inay isku dayaan inay dilaan.

Isaga oo ka duulaya suurtogalnimadaas, waxa uu qaatay go’aan aan caadi ahayn oo uu ku hawlgelinayo Golaha Khubarada, oo ah hay’ad diimeed u xilsaaran magacaabista Hoggaamiyaha Sare, isaga oo si degdeg ah uga dhex doortay qofka beddelaya saddexda magac ee uu soo jeediyay, sida laga soo xigtay New York Times.

Habka magacaabista Hoggaamiyaha Sare ee cusub ee Iran waxay caadi ahaan qaadataa bilo, iyadoo wadaadadu magacyo ka dooranayaan liiskooda. Laakin iyadoo dalka uu dagaal ku jiro, saraakiishu waxay yiraahdeen Khamenei “wuxuu rabaa inuu xaqiijiyo kala-guur degdeg ah oo nidaamsan si uu u ilaaliyo dhaxalkiisa una ilaaliyo nidaamka.

” Si kastaba ha ahaatee, waxay carrabka ku adkeeyeen in Mojtaba, oo ah ina Ali Khamenei, uusan ka mid ahayn musharrixiinta beddeli doona hoggaamiyaha sare.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay Colaada Bariga dhaxe.?

0

Sabdi, 21 Juun 2025 {HMC} Maxaa kasoo kordhay Colaada Bariga dhaxe.?

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynahii hore ee Mareeykanka oo Soo diray fariin ka careeysiisay Netanyahu

0

 

 

Sabdi, 21 Juun 2025 {HMC}  Madaxweynahii hore ee Mareeykanka oo Soo diray fariin ka careeysiisay Netanyahu

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay safarka Madaxweynaha Jubbland oo Puntland ku Wajahan

0

Sabdi, 21 Juun 2025 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay safarka Madaxweynaha Jubbland oo Puntland ku Wajahan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Dhagaweyne ”Maanta Imtixaanka aad ku galeysaan Moqokori dad badan ayaa dhiigooda u huray”

0

Sabdi, 21 Juun 2025 {HMC}   Xildhibaan Dhagaweyne ”Maanta Imtixaanka aad ku galeysaan Moqokori dad badan ayaa dhiigooda u huray”

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Tiradii ugu badneyd oo sanadkan ufadhiisatay imtixaanka Dugsiga dhaxe ee Hirshabeelle

0

Sabdi, 21 Juun 2025 {HMC} Tiradii ugu badneyd oo sanadkan ufadhiisatay imtixaanka Dugsiga dhaxe ee Hirshabeelle

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} 200 oo Milyan oo israa’il ugu baxdo Maalintii Difaaca Weerarada Ian.

0

Sabdi, 21 Juun 2025 {HMC}  200 oo Milyan oo israa’il ugu baxdo Maalintii Difaaca Weerarada Ian.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Erdogan oo Israa’iil ku eedeeyay in ay tahaycaqabadda ugu weyn ee Bariga Dhexe

0

Sabdi, 21 Juun 2025 {HMC}  Erdogan oo Israa’iil ku eedeeyay in ay tahaycaqabadda ugu weyn ee Bariga Dhexe

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA