Home Blog Page 766

SSC-Khaatumo President condemns brutal gang rape in Las Anod, vows swift justice

0

Friday 20,June -2025 {HMC}  The President of SSC-Khaatumo, Abdikadir Ahmed Ali Firdhiye, has strongly condemned the gang rape and torture of two sisters in Las Anod, describing the attack as a heinous crime that has deeply shaken the community.

In a statement issued on Thursday, President Firdhiye commended the swift response of SSC-Khaatumo’s security forces, who arrested 23 suspects in connection with the incident. One suspect remains at large and is being actively pursued.

“The SSC-Khaatumo administration is firmly committed to defending the dignity and rights of women,” said Firdhiye. “The perpetrators are now in custody, and we are determined to ensure justice is served swiftly and without leniency. We will not allow such an atrocity to ever happen again in our community.”
President Firdhiye criticized law enforcement for allowing one of the suspects to sit for national certificate exams while in custody, calling it “a disgrace to SSC-Khaatumo and the innocent girls who were violated.” He promised that those responsible for this decision would be held accountable.

The President also voiced support for peaceful public protests that erupted in Las Anod following the attack, acknowledging the public’s right to express outrage. However, he condemned the destruction of businesses and public property, warning that “there are individuals exploiting this tragedy to fuel unrest and chaos in the city.”

The assault occurred around 10:30 p.m. on Friday, June 14, 2025, and has drawn widespread condemnation from civil society, community leaders, and Somali citizens online. The SSC-Khaatumo Police Command pledged to release the names and photos of the suspects to promote transparency and public trust.

Source Hiiraan online

Kenyan court sentences men for aiding AS militants in 2019 hotel attack

0

Friday 20,June -2025 {HMC} A court in Kenya on Thursday sentenced two men to 30 years in prison for facilitating the 2019 attack on a Nairobi luxury hotel complex that left 21 people dead.

The court heard that Hussein Mohamed Abdille Ali and Mohamed Abdi Ali, both Kenyans, sent money and helped acquire fake identification documents for the militants, who died during the attack on the DusitD2 complex.

Al-Qaida-linked militant group al-Shabab, based in neighboring Somalia, claimed responsibility for the daytime attack, one of its deadliest inside Kenya. It occurred six years after an attack killed 67 people at Nairobi’s Westgate Shopping Mall and four years after an attack killed 147 students at Garissa University in northern Kenya.

Al-Shabab has vowed retribution against Kenya for sending troops to Somalia to fight it since 2011, and continue to stage attacks in Somalia and Kenya.

Judge Diana Kavedza during her sentencing said the judgement spoke for the survivors who deserve closure.

She noted “one of the most comprehensive counterterrorism investigations in Kenya’s history, as law enforcement agencies pursued not only the attackers’ immediate associates but also financiers, facilitators and logistical coordinators who enabled the attack.”

Foreign nationals, including an American and a Briton, were among those killed in the 2019 attack.

Source AP

{DAAWO MUUQAALKA} Sanbaloolshe oo Xildhibaan loogu Doortay magaalada jowhar.

0

Jimco , 20 Juun 2025 {HMC} Sanbaloolshe oo Xildhibaan loogu Doortay magaalada jowhar.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Sanbaloolshe oo Ku Guuleystay Kursiga HOP058 ee Baarlamaanka 11-aad

Jimco , 20 June 2025 {HMC} – Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka bisha Juun, 2025 Waxaa xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhacday doorashada dib-u-buuxinta kursiga #HOP058 kaas oo ka bannaanaa Baarlamaanka 11-aad ee Dalka.

Doorashada oo ay ka soo qeybgaleen xubno labada gole ee Dowladda, bulshada rayidka iyo ergada beesha leh kursiga bannaanaa ayaa waxaa tanaasulay musharax Ismaaciil Warsame Faarax.

Ergada doorashada ee kursiga #HOP058 waxaa soo xaadirtay 101 ergo, Doorashada waxay u dhacday hab xasiloon waxaana cod gacan-taag ah ku guulleystay musharrax Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo helay 98 Cod halka ay ka ka aamustay 3 Codbixiye.

Natiijada waxaa ku dhawaaqay Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorrashooyinka Qaranka, waxaana uu goobta ku guddoonsiiyey Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) shahaadada Xildhibaanimo.

{DAAWO MUUQAALKA} kursi ka Banaan Golaha shacabka oo doorashadiisa Maanta lagu qabaanayo Jowhar.

0

Jimco , 20 Juun 2025 {HMC} kursi ka Banaan Golaha shacabka oo doorashadiisa Maanta lagu qabaanayo Jowhar.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Raisul wasaare Xamse oo kuln la qaatay mucaaradka Maamulka Puntland.

0

Jimco , 20 Juun 2025 {HMC} Raisul wasaare Xamse oo kuln la qaatay mucaaradka Maamulka Puntland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} iiraan oo Saakay weerar Culus ku qaday Israa’iil.

0

Jimco , 20 Juun 2025 {HMC} iiraan oo Saakay weerar Culus ku qaday Israa’iil.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ma isku dhaw yihiin xiriir ahaan Pakistan iyo Iran?

Jimco , 20 June 2025 {HMC} – Pakistan iyo Iran waxa ay wadaagaan xuduud dhan 750 KM. Pakistaan ​​waxay u badan yihiin Sunni, halka Iran ay Shiico yihiin.

Xiriirka labada dal ayaan ahayn mid mar walba wanagsan, waxaana marar badan xiriirkooda xumeeyay xuduudka.

Pakistan ayaa taariikh ahaan xiriir dhow la leh Sacuudiga oo ay muddo dheer xafiiltan uu ka dhaxeeyay Iran.

Machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatijiyadeed (IISS) ayaa warbixin ku qoray: “Kacaankii Islaamka ee Iran ka dib 1979-kii waxaa si toos ah u saameeyay xiriirka Pakistan, kacaankaas ka dib waxaa sii xoogeystay u janjeerta Iran ee ku wajahan Shiicada, si kale haddii loo dhigo, dhaqanka Shiicada ayaa noqday mid aad u caan ah, sidaas darteed, Islaamku wuxuu noqday arrin kala qaybsanaan ah.”

Isla sanadkaas oo ahaa 1979-kii, Midowgii Soofiyeeti ayaa ku duulay Afgaanistaan. Taasi waxay xoojisay aqoonsiga Sunniga ee Pakistan, waxayna xoojisay isku soo dhawaanshaha Sacuudiga.

Sida laga soo xigtay machadka caalamiga ah ee daraasaadka istaraatiijiyadda, Sacuudi Carabiya ayaa markaa Pakistan ku faafisay fikradda Wahaabismka iyada oo loo marayo dugsiyo diimeed iyo siyaabo kale.

Ciidanka Pakistan ayaa door ka qaatay sugidda ammaanka Sacuudiga, waxayna taa beddelkeeda kaalmo dhaqaale ka heleen Sacuudiga.

Pakistan waa quwada kaliya ee nukliyeerka ah ee wadamada Islaamka. Markii cunaqabataynta la saaray kadib tijaabadii Nukliyeerka ee Pakistan, Sacuudi Carabiya waxay siin jirtay kaalmo dhaqaale.

1980-meeyadii, Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya, iyagoo adeegsanaya Pakistan, waxay taageereen Mujaahidiinta Afgaanistaan ​​ee ka soo horjeeda Midowgii Soofiyeeti. Ka dib, kooxahaas waxaa ka soo baxay Talibanka Afgaanistaan ​​iyo Al-Qaacida.

“Iran iyada oo ka jawaabaysa, waxay qortay Shiicada Afgaanistaan ​​​​si ay uga dagaallamaan Ciraaq,” ayuu yiri machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatijiyadda. “Danta istaraatiijiyadeed ee Iran ee Afgaanistaan ​​waxay ku xiran tahay Hindiya, tani waxay yaraynaysaa kalsoonida Pakistan ee Iran.”

Bishii Janaayo ee la soo dhaafay, Iran iyo Pakistan waxay bilaabeen weeraro midba midka kale. Labada dal ayaa midba midka kale ku eedeynayaa inuu taageero kooxaha argagixisada.

Xiliga uu Trump go’aaminayo inuu galayo dagaalka Iraan_Israa’iil

Jimco , 20 June 2025 {HMC} – Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Donald Trump ayaa muddo laba todobaad gudahood go’aan ka gaari doona in Mareykanka uu si toos ah ugu lug yeesho dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israel, isagoo weliba rumeysan inay jirto “fursad weyn oo lagu wada hadli karo”.

Mar sii horreysayna, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iran ayaa BBC-da u sheegay in ay “dhibaato” u horseedi doonto gobolka haddii Mareykanku uu ku lug yeesho dagaalka.

Trump ayaa labada toddobaad qabsaday sababo la xirriira “fursado weyn oo wadahadal ah” oo lala yeesho Iran, tallaabadaas oo hoos u dhigtay heerka xiisadaha, ayuu qoray wariyaha BBC ee Waqooyiga Ameerika.

Mareykanka iyo UK ayaa isku raacay in Iran aysan waligeed “sameysan karin hub nukliyeer ah”, kadib kulan dhexmaray xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo xoghayaha arrimaha dibadda UK David Lammy.

Lammy ayaa lagu wadaa in uu Geneva kula kulmo dhiggiisa Faransiiska, Jarmalka, Midowga Yurub iyo Iran gelinka dambe ee Jimcaha maanta.

Maxaynu ka ognahay Barnaamijka Nukliyeerka IIraan?

Jimco , 20 June 2025 {HMC} – Iiraan waxaa ay marwalba sheegtaa in barnaamijkeeda nukliyeerka uu gabi ahaanba yahay mid nabdeed aysana waligeed doonin inay horumariso hubka nukliyeerka.

Si kastaba ha ahaatee, toban sano ku dhowaad baaritaan ay samaynaysay IAEA ayaa lagu helay caddeyn ah in Iiraan ay samaysay ”dhaqdhaqaaqyo la xiriira horumarinta qalabka qarxa ee nukliyeerka” laga soo bilaabo dhamaadkii 1980 ilaa 2003. Wakhti mashaariicda hoos imaanayay wax loo yaqaanay ”mashruuca Amad” la laalay.

Iiraan waxa ay sii waday qaar kamid ah dhaqdhaqaaqyadeeda ilaa 2009- markaasi oo quwadaha Galbeedka ay shaaciyeen jiritaanka dhismaha goobta dhulka hoostiisa ee lagu hormarinayay oo ku taala deegaanka Fordo. Laakiin wakhtigaasi wixii ka dambeeyay ma jirin calaamado la isku halayn karo ee horumarinta hubka, sida ay hadda ku soo gabagabaysay.

Sanadkii 2015, Iiraan waxaa ay heshiis la gashay lixda quwadood ee caalamka oo ay ku aqbashay xaddiditaanka dhaqdhaqaaqyadeeda nukliyeerka iyada oo ogolaatay dabagal adag oo ay ku sameeyaan baarayaasha IAEA, taasi oo baddelkeeda looga qaadayo cunaqabataynada.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa diiday heshiiskaasi 2018, intii lagu guda jiray muddo xileedkiisii koowaad. Waxaa uu sheegay inay waxyar ka samaysay wadadii joojitaanka Bambka nukliyeerka, waxaana uu dib u soo celiyay cunqabateenadii Maraykanka.

Iiraan ayaa iyadana kaga falcelisay burinta xaddaynta, gaar ahaana kuwa la xiriira kobcinta.

Heshiiska Nukliyeerka waxaa hoostagayay in aan wax kobcin ah laga samayn Fordo muddo 15 sano ah. Si kastaba ha ahaatee, 2021 Iiraan ayaa dib u bilowday kobcinta ilaa 20%.

Khamiistii, dalada 35-ta dal ee IAEA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday Iiraan ay jabisay waajibaadkeeda soo saaris la’aanta markii ugu horaysay muddo 20 sano ah.

Milateriga Israa’iil ayaa Jimcihii sheegay in wejigiisii ugu horreeyay ee weerarrada cirka ay waxyeello gaarsiiyeen warshada dhulka hoostiisa ku taala ee Natanz, iyo sidoo kale kaabayaasha muhiimka ah ee suurtageliya in goobta ay shaqeyso.

Agaasimaha guud ee IAEA, Rafael Grossi, ayaa u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in la burburiyay warshaddii tayaynta shidaalka (PFEP) iyo kaabayaasha korontada ee Natanz. Ma jiro wax calaamad ah oo muujinaya weerar muuqda oo lagu qaaday hoolka dhulka hoostiisa, laakiin khasaaraha korantadu uu waxyeelo u geystay qalabka baaritaanada ee halkaasi, ayuu raaciyay.

Machadka caalamiga ah ee Sayniska iyo Amaanka ee fadhigiisu yahay Maraykanka ayaa sheegay in burburinta PFEP ay ahayd mid muhiim ah sababtoo ah xarunta ayaa loo isticmaalay in lagu soo saaro 60% yuraanyoomta iyo sidoo kale horumarinta qalabaka (centrifuges).

“Ma hayno sawir cad oo ku saabsan sida dhakhsaha ah ee Iiran ay dib ugu bilaabi karto hawlgalkeeda ama haddii Iiran ay awood u leedahay inay leexiso yuraanyoomta ilaa IAEA ay tagto goobta,” ayay tiri Davenport.

Xilli dambe oo Jimcihii ah, Iiran waxa ay ku wargelisay IAEA in Israa’iil ay weerartay warshadda Fordo ee tayeynta iyo Xarunta Tiknoolajiyada Nukliyeerka ee Isfahan.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in weerar ka dhacay Isfahan ay ku “burburiyeen xarun laga soo saaro macdanta yuraanyoomta, shaybaaro iyo kaabayaal kale.

“Illaa inta Fordo ay sii shaqeynayso, Iiran waxa ay weli ku jirtaa khatarta fiditaanka hubkaaasi ee mustaqbalka dhow. Dahraan waxa ay haysataa ikhtiyaarka ah inay kobciso tayeynta heerka hubka ee goobta ama u weeciso yuraanyoomta meel aan la shaacin,” ayay tiri Davenport.

Waxaa intaasi ay ku dartay in ay taasi tahay yool aan suurtagal ahayn.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu sii socon doono “maalmo badan oo ay qaadaneyso in meesha laga saaro khatartan”.

“Weerarradu waxa ay burburin karaan xarumaha iyo bartilmaameedka saynisyahannada laakiin ma tirtiri karaan aqoonta Nukliyeerka Iiran, Iiran waa ay dhisi kartaa si ka dhaqso badan waqtiyadii hore sababtoo ah horumarka ay ku samaysay kobcinta yuraanyoomta,” ayay tiri.