Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse
Farsamadii ::Yasiin Ali Ahmed
HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse
Farsamadii ::Yasiin Ali Ahmed
HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO
Jimco , 20 June 2025 {HMC} – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu go’aan ka gaari doono in weerar militari lagu qaado Iran “labada toddobaad ee soo socda” iyo in kale.
Trump ayaa labada toddobaad qabsaday sababo la xirriira “fursado weyn oo wadahadal ah” oo lala yeesho Iran, tallaabadaas oo hoos u dhigtay heerka xiisadaha.
Ugu yaraan 71 qof ayaa ku dhaawacantay weerar ay Iiraan ku qaadday cisbitaal ku yaala Israa’iil, weerarkaas oo wasiirka gaashaandhigga Israa’iil uu sheegay in uu la macno yahay in hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran “aan loo oggolaan doonin inuu sii noolaado”.
Milatariga Israa’il waxay shegeen inay duqeymo ka fuliyeen xalay Texraan, iyagoo adeegsaday 60 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah.
Duqeynta waxay ku sheegeen inay la beegsadeen xarumo milatari iyo xarun lagu baaro gantaallada, inkastoo Iiraan aysan ka hadlin weeraradaas.
Dhanka kale, 6 qof ayaa lagu soo warramayaa in loola cararay isbitaalka ka dib duqeymo la sheegay in Iiraan ay ka geysatay gudaha Israa’iil, waxa auuna sidoo kale burbur soo gaaray goob ay dad shacab ah degenaayeen.
Iran ayaa dalka oo dhan ku soo rogtay xayiraad guud oo xaga isgaarsiinta internetka ah, taasoo lagu tilmaamay inay tahay tii ugu xumayd ee soo marta taariikhda dalkaas
Mareykanka iyo UK ayaa isku raacay in Iran aysan waligeed “sameysan karin hub nukliyeer ah”, kadib kulan dhexmaray xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo xoghayaha arrimaha dibadda UK David Lammy.
Lammy ayaa lagu wadaa in uu Geneva kula kulmo dhiggiisa Faransiiska, Jarmalka, Midowga Yurub iyo Iran gelinka dambe ee Jimcaha maanta.
Jimco , 20 June 2025 {HMC} – Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ee IRGC ayaa xalay ku dhawaaqay in ay adeegsadeen gantaalka “Fattax hypersonic” kaas oo lagu weeraray Israa’iil.
Tani waxay u muuqataa inay tahay markii ugu horeysay ee IRGC ay adeegsadeen gantaallada Fattax tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Iran Jimcihii la soo dhaafay oo bishan ahayd 13 .
Ilaalada Kacaanka ayaa Fatax ku tilmaamay gantaal aan la xakamayn karin oo gudaha u galay gaashaanka difaaca gantaallada Israa’iil.
Milatariga Israel ayaa sidoo kale xaqiijiyay in gantaalada Iran ay ku dhaceen meel baabuurta la dhigto oo ku taal Tel Aviv.
Ilaalada kacaanka Iran waxay Israa’iil ku weerartay gantaallada Fatah-1 oo keliya intii lagu jiray Hawlgalkii “Odeh Sadeq II” 1-dii Oktoobar.
IRGC ayaa wakhtigaas sheegtay in gantaalkani uu awooday in uu “burburiyo raadaarada difaaca gantaallada ee Paykan 2 iyo 3 ee Israa’iil.”
Maxaan ka ognahay gantaalka Fattax oo ay ciidamada Kacaanku sheegeen in uu leeyahay tignoolajiyada “hypersonic” ama “supersonic” oo hadal hayn badan iyo mala-awaal badan dhaliyay?
Jimco , 20 June 2025 {HMC} – Kulankii Arbacadii ee dhex maray Taliye Sare Asim Munir oo ah shakhsiga ugu awoodda badan dalka Pakistan waqtigan iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa loo muujiyay guul siyaasadeed.
Mid ka mid ah natiijooyinka cad ee ka dhashay xiisaddii u dambeysay ee Pakistan iyo Hindiya ayaa ah isu dhawaansho la dareemayo oo u dhexeeysa Mareykanka iyo Pakistan. Xilligii maamulka Biden, xukuumadda Islamabad xitaa wacitaan telefoon lama helin.
Balse waqtiga booqashada Aqalka Cad ayaa yimid iyadoo Trump uu ka fekerayo inuu galo dagaal ka dhan ah Iran mid ay Pakistan cambaareysay bilowgiiba iyo taageero uu siinayo Israel, oo Pakistan ku tilmaantay ficiladeeda kuwo “bahalnimo ah”.
Dalka Pakistan ayaa sidoo kale ku jira hawl-gal daadgureyn ah oo ku soo celinaayo in ka badan 3,000 muwaadiniin Pakistani ah oo lagasoo samatabixiyay Iraan. Pakistan waxay xuduud la leedahay Iraan.
Ugu dambayn, kulanka labada saac socday waxa uu dhacay iyadoo aan warbaahintu joogin.
Bayaanka Pakistan kasoo baxay waxaa lagu sheegay in laga hadlay Iran, balse waxa ay labada hoggaamiye si dhab ah uga wada hadleen lama oga. Sidaas darteed, waxaa jiray su’aalo adag oo la weydiiyay wasaaradda arrimaha dibadda maanta.
Su’aashii ugu toosnaydna wax xiriir ah la ma lahayn Iran.
Waxaa la is weydiiyay: “Ma jiray siyaasi rayid Pakistani ah oo kulanka joogay?” waxaana sii raacay: “Dal dimoqraadi ah ma nahay?”
Iyadoo la qoslayay, afhayeenka oo dhoola caddeynaya ayaa ku adkaystay in Pakistan ay tahay ‘Si’aan mugdi ku jirin’ dimuqraadi. Wuxuuna warbaahinta caalamiga ah u tilmaamay taliska militariga wixii faahfaahin dheeraad ah ee la xidhiidha kulanka Asim Munir iyo Donald Trump.
Jimco , 20 June 2025 {HMC} – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu labo toddobaad gudahood ku go’aansan doono in Mareykanku weerar ku qaado Iran, isagoo xusay in ay jirto “fursad dhab ah” oo wadahadal la xiriira Iran ah — xilli Israel iyo Iran ay maalintii toddobaad isku hayaan dagaal si toos ah u socda.
Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa akhrisay farriin uu Trump soo diray oo ay warbaahinta u jeedisay, taasoo lagu sheegay in “hadal hayn badan ay socotay” oo ku saabsan in Mareykanka si toos ah dagaalka uga qeyb qaadan doono iyo in kale.
“Marka la eego in ay jirto fursad dhab ah oo wadahadal lala yeesho Iran — taas oo dhici karta ama dhici karin dhowaan — waxaan go’aankayga ku qaadan doonaa labada toddobaad ee soo socda haddii aan tallaabo qaadayo iyo haddii kale,” ayuu Trump ku yiri bayaan qoraal ah.
Leavitt ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan waxa Trump ku kallifay inuu aamino in wadahadal lala furi karo Iran.
Trump ayaa Arbacadii sheegay in Iran ay codsatay inay wafdi u soo dirto Aqalka Cad si ay ugala xaajoodaan maamulka Mareykanka arrinta barnaamijkooda nukliyeerka iyo sidii loo joojin lahaa dagaalka ay kula jiraan Israel. Iran ayaa si cad u beenisay sheegashadaas.
Markii la weydiiyey xiriirka suurtagalka ah ee labada dhinac, Leavitt waxay sheegtay in “xiriir weli socdo” oo u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, iyadoo tixraacaysay wararka sheegaya in ergayga gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff, uu xiriir la sameeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran.
Hase yeeshee, waxay sidoo kale sheegtay inaanay heyn wax caddeyn ah oo muujinaysa in Witkoff uu ku wajahan yahay magaalada Geneva si uu halkaas wadahadallo uga billaabo.
Khamiistii, Trump wuxuu guddoomiyay kulankiisii saddexaad ee saddex maalmood gudahood ka dhacay qolka amniga qaranka ee Aqalka Cad (Situation Room), halkaas oo uu weli ku lafa gurayay go’aanka ku saabsan in Mareykanku ku biiro olole duqeyn ah oo Israel hoggaaminayso.
Arbacadii, Trump ayaa su’aal la weydiiyay markaasna ku jawaabay: “Waxaa laga yaabaa inaan tallaabo qaado, sidoo kalena waxaa dhici karta inaanan qaadin,” isagoo ka hadlayay suurta-galnimada weerar ciidan oo ka dhan ah Iran.
Dhinaca kale, ka dib maalmo wadahadallo hoose ah, waddamada Yurub oo dhinac loo riixay tan iyo markii uu dagaalku billowday, ayaa haatan isku dayaya inay isticmaalaan awoodda kooban ee ay haystaan — haddii ay tahay inay yihiin kuwa hubka bixiya ama kuwo lagu arko dhex-dhexaadiyeyaal suuragal ah — si ay u soo afjaraan dagaalka.
Shir Jimcaha ka dhacaya magaalada Geneva, ayaa la filayaa in dalalka Yurub ay si toos ah ugu booriyaan Iran inay dib ugu laabato miiska wadahadalka — xilli Madaxweyne Donald Trump uu weli tixgelinayo in Mareykanku qaado weerar ciidan oo ka dhan ah Iran.
Haddii uu dhaco, kulankaasi wuxuu noqonayaa fadhigii ugu horreeyay ee rasmi ah oo dhex mara saraakiil ka kala socda Iran iyo waddamada Reer Galbeedka tan iyo markii Israel ay billowday weerarrada ay ku beegsaneyso xarumaha nukliyeerka ee Iran.
Khamiis , 19 Juun 2025 {HMC} Mareykanka oo Codsi la xiriira dagaalka bariga dhaxe u diray Iiraan.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse Cisman
Farsamadii ::Yaasiin Cali Axmed
Khamiis , 19 Juun 2025 {HMC} Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo dhawaanahan safar shaqo ugu maqnaa caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa maanta si nabadgelyo ah ugu soo laabtay Magaalada Laascaanood ee Caasimadda Dawladda SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha waxaa gegida diyaaradaha ku soo dhaweeyey Hoggaamiye ku xigeenka Dawladda Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil, xubno ka tirsan golayaasha Dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.
Hoggaamiyaha oo shacabka iyo madaxda kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyey ujeeddooyinkii iyo guulihii uga qabsoomay caasimadda, isagoo sidoo kalana si weyn carrabka ugu adkeeyay caddaalad siinta hablaheenna sharafta badan ee dhibka iyo denbiga culus ee kufsiga ah loo gaystay.
Hoggaamiyaha ayaa ballanqaaday caddaalad dhammaystiran oo ay helaan dhibanayaashu, isagoo sidoo kalana xusay doorka shariifka ah ee habalaha SSC-Khaatumo ku leeyihiin halganka iyo dawlad-dhiska deegaanka.

Khamiis 19 june 2025 {HMC} Warsaxaafadaeedkan oo ka kooban 4 bog waxaa laga soo saaray Madasha Wadatashiga Qaran, Waxaa kujira dodobada in aan loo laabaneyn doorasho Dadban iyo wixii keeni kara.
