Home Blog Page 768

Iran oo Shaacisay in ay weerartay talisyo muhiim ah oo Isra’il leedahay Digniin culusna dirtay.

Khamiis 19 june 2025 {HMC} Dowladda Iran, ayaa maanta duqeymo culus ku garaacday bartilmaameedyo muhiim ah oo kuyaalla magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil, waxaana weerarkan ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi oo hadal jeediyay, ayaa sheegay in ciidanka Iran ay si toos ah u beegsadeen oo u burburiyeen xarun sirdoon iyo talis milatari oo ku yaalla gudaha Israa’iil.

Waxa uu intaasi ku daray Wasiirka inay weerarreen bartilmaameed kale oo muhiim ah oo kuyaalla gudaha Israa’il, waxa uuna xusay in goobaha la weeraray dhammaan la saxay oo si toos ah gantaallo loogu garaacay.

Wasiir Abbas Araghchi , ayaa ugu baaqay shacabka Israa’iil in ay isaga fogaadaan goobaha bartilmaameedka u ah , ay ku jiraan saldhigyada milatari iyo xarumaha sirdoonka oo bartilmaameed toos ah u ah.

”Waxaan ugu baaqaynaa dadka Israa’iil inay u hogaansamaan amarada daadgureynta ee aan soo saarnay, kuna dadaalaan inaysan ku sugnaan meelaha u dhow saldhigyada milatari iyo kuwa sirdoonka, si aysan noloshooda khatar ugu gelin.” Ayuu yiri Wasiir Abbas.

Dowladda Iran , ayaa xoojisay weerarada ay ku qaadeyso magaalooyinka Israa’iil kuyaalla, waxa ayna Israa’iil ku fashilantay in ay kahor tagaan weerarada dhinaca cir ah , waxaana fashilmay nidaamka difaaca ee Yahuuda.

Dad Shacab Ah Oo Weerar Loogu Geystay deegaan hoostaga Ceelbuur.

Khamiis , 19 Juun 2025 {HMC}Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex dumar ah ay ku dhaawacmeen weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur, kuwaas oo dad rayid ah ku beegsaday deegaanka Galqoryaale, oo hoostaga isla degmadaas.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay yihiin haween, waxaana si degdeg ah loogu qaaday degmada Guriceel si halkaasi looga helo daryeel caafimaad, maadaama ay kasoo jeedaan deegaankaas.

Xaaladda dhaawacyada haweenka ayaa lagu soo waramayaa inay kala daran tahay, iyadoo la geeyay xarumaha caafimaad ee magaalada.

Maleeshiyaadka Weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday, lamana oga sababta ka dambeysay weerarka lagu qaaday dadka rayidka ah.

Galgaduud ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil, kaasi oo loo geysto dadka aan waxba galabsan, iyadoona gobolkaasi uu hareeyay dagaal.

 

Maxaa Laga Filankaraa Gogosha Mw Xasan Ee Gaba Gabada Ah?

Khamiis , 19 Juun 2025 {HMC}Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoona la filayo in dhinacyadii ka qeyb galay ay si wadajir ah u soo saaraan warmurtiyeed rasmi ah.

Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa si qoto dheer looga dooday arrimaha amniga, hanaanka doorashooyinka, iyo dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka. Doodahaasi ayaa la tilmaamay inay ahaayeen kuwo adag, iyadoo dhinacyadu ay muujiyeen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa hareeyay muran siyaasadeed oo salka ku haya qorshaha Madaxweynaha ee ku aaddan doorasho qof iyo cod ah, taasi oo si weyn uga hor yimid mucaaradka dalka. Xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba ka maqnaa shirkan, iyagoo si cad u diiday qorshaha doorasho ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kuna tilmaamay mid aan la isku raacsanayn.

Sidoo kale, shirka waxaa ka baaqday ka qeyb galka madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaasoo dhammaantood aan ka mid noqon dhinacyada kulmaya ee gogosha wada hadalka.

Warmurtiyeedka laga soo saari doono maanta shirka ayaa waxaa uu diiradda saari doono horumarka laga gaaray doodaha siyaasadeed, iyadoo laga filayo in lagu xuso qodobbo la xiriira arrimaha doorashada, amniga iyo dardargelinta dastuurka.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wiil Soomaali ah oo ku dhaawacmay dagaalka Iiran iyo Israa’iil oo la geyay Turkiga

0

Qamiis 19, June 2025 {HMC} Wiil Soomaali ah oo ku dhaawacmay dagaalka Iiran iyo Israa’iil oo la geyay Turkiga

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}Su’aalo adag oo ka dhashay weerarkii Iiran ay ku qaaday Israa”iil

0

 

Qamiis 19, June 2025 {HMC} Su’aalo adag oo ka dhashay weerarkii Iiran ay ku qaaday Israa”iil

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}Wasiir Saciid Camalow”‘Ardayda Reer Baladweyne Sanadkan waa in Kaalmaha Hore galaan”

0

Qamiis 19, June 2025 {HMC} Wasiir Saciid Camalow”‘Ardayda Reer Baladweyne Sanadkan waa in Kaalmaha Hore galaan”

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Booliska Soomaaliya oo fariin u diray ardadii soo gaba gabeysay Imtaxaanka

0

Qamiis 19, June 2025 {HMC} Taliyaha Booliska Soomaaliya oo fariin u diray ardadii soo gaba gabeysay Imtaxaanka

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Arday badan ayaa ku baasi doonta Imtaxaanka Dugsiga Sare “Wasiir Faarax C/qadir

0

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 19/6/2025

0

QAMIIS 19, June 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

{DAAWO MUUQAALKA} Diyaaradihii dhawaan la keenay dalka oo duqeyn ka bilaabay Furimaha dagaalka

0

Qamiis 19, June 2025 {HMC}  Diyaaradihii dhawaan la keenay dalka oo duqeyn ka bilaabay Furimaha dagaalka

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA