Home Blog Page 77

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa ka Cusub Shirka Mucaaradka iyo Madaxda Dowladda.?

0

Axad 22 Feb 2026 {HMC}Maxaa ka Cusub Shirka Mucaaradka iyo Madaxda Dowladda.?

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

Ciidamada Danab oo Howlgal ka Sameeyey Gobolka Hiiraan.

0

Axad 22 Feb 2026 {HMC} Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab  ayaa kusoo Biiray Howlgalka ka biloowday Gobolka Hiiraan kaasi oo deegaanada ka tirsan Gobolka Looga Saarayo Kooxda Al-Shabaab.

 

Ciidamada ayaa Si Gaar ah oo Howlgal ugu Sameeyay 24-kii Saac ee lasoo dhaafay deegaanada kala ah. Isgoyska Cusmaan Indhoole,  Qoryo-qaad,Ganarubad,Ina Baale,Cadiimo, Hamiino, Lixley oo dhamaantood Hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

 

Howlgalkan waxaa Wado Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 163-aad iyo cutubyo ka tirsan Qaybta 27-aad, ayaa maanta si guul leh u gaaray deegaanno ay ku sugnaayeen Al-shabaab sida ay sheekeyn Saraakiisha Ciidamadan wado.

Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd in la xoreeyo deegaannada ay Al-shabaab ay kaga Sugan yahiin Maxaas iyo Moqokori ay kamid yahiin ., laguna soo celiyo maamul iyo amni buuxa oo ay si wadajir ah u sugaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka deegaanka.

Taliska Kumaandooska Danab ayaa u mahadceliyay shacabka degmada Maxaas ee la shaqeeyay ciidamada, kuna dhiirrigeliyay inay sii wadaan garab istaagga ay la garab taagan yihiin ciidankooda qaranka.  Ciidanka Kumaandooska Danab waxay mar kale caddeynayaan in ay ka go’an tahay  xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Deni oo Shaaciyay in ay doonayaan Soomaali Heshiis ah.

0

Axad 22 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo jeediyay in xoogga la saaro sidii heshiis loo gaari lahaa si loo gaaro danta Dalka oo ah in uu dunida inteeda kale wax la qaybsado sida uu hadalka u dhigay.

“In la heshiiyo ayay Danta Dalkaan ku jirtaa, runtii annagu dhab buu naga yahay heshiisku, Dalkaan in uusan culays kale sii fuulin baa na damqaysa” Sidaasi waxaa yiri, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu soo hadal qaaday Madaxda Dowlad-Goboleedyada sababta ay labada dhinac u kala noqdeen Madaxda Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koofur Galbeed, waxa uu si toos ah ugu sheegay in ay qabsadaan doorasho maadaama muddo xileedkoodu dhammaaday.

“Galmudug, Hir-Shabeelle & Koofur Galbeed waqtiga wuu ku dhammaaday waa in ay doorashada qabsadaan, runtii Madaxweyneyaasha hadda jooga ee xilku ka dhammaada taariikh adag baa haysata, labo heer ayaan kala noqonay oo aniga waala isoo doortay halka iyaguna ay ku joogaan doorasho la’aan” Ayuu yiri, MW DG Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Saddexda Dowlad-Goboleed ee Madaxweyne Deni uu soo hadal qaaday weli kama hadlin fariinta uga timid Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, waxaana lagu wadaa in ay jawaab kasoo saaraan arrintaan.

 

Maamulka Tigray oo beeniyay in ciidamada federaalka lagu amray inay galaan gobolka

0

Axad 22 Feb 2026 {HMC} Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Gobolka Tigray ayaa sheegay in xogta lagu baahiyay in ciidamada Difaaca Itoobiya ay dawladda federaalku ku amartay inay galaan gobolka Tigray ay tahay mid “gebi ahaanba been abuur ah.”

Maamulka kumeel-gaarka ah oo uu hoggaaminayo Letenant Janaraal Tadesse Werede ayaa arrintan ku shaaciyay bayaan maanta lagu daabacay bogga Facebook ee Xafiiska Madaxweynaha.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa baraha bulshada ku wareegayay macluumaad sheegaya in dawladda federaalku ay ku wargelisay maamulka kumeel-gaarka ah in ciidamada difaaca ay geli doonaan gobolka Tigray. Shalayna, waxaa xigay qoraal kale oo sheegayay in heshiis lagu gaaray in ciidamada difaaca la dejiyo xeryo ku yaalla gobolka dhexdiisa.

Maamulka kumeel-gaarka ah ayaa labadan eedeymoodba ku beeniyay bayaan uu soo saaray maanta. Qoraalka ayaa lagu xusay in la wareejinayo macluumaad leh: “dawladda federaalku waxay amartay ciidamada difaaca Itoobiya inay galaan Tigray.”

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu yiri: “Maamulka kumeel-gaarka ah ee Tigray waxaa lagu geynayaa (ciidamada) siyaabo kala duwan, sidii horay loogu heshiiyay xeryihii hore ee Taliska Waqooyiga.”

Maamulka kumeel-gaarka ah, oo qoraallada baraha bulshada ku tilmaamay kuwo “qalloocan oo marin-habaabin ah,” ayaa sheegay in “istiraatiijiyadda, isha, iyo ujeeddada laga leeyahay” faafinta xogtan ay tahay mid cad.

“Maamulka kumeel-gaarka ah ee Tigray wuxuu rabaa inuu caddeeyo in xogta la faafinayo ay tahay mid gebi ahaanba been ah,” ayuu raaciyay bayaanka.

Xafiiska Madaxweynaha iyo Letenant Janaraal Tadesse ayaa soo saaray bayaankan xilli ay jirto cabsi laga qabo inay sii xumaato xiisadda u dhaxaysa dawladda federaalka iyo ciidamada Tigray, taasoo horseedi karta iskahorimaad.

Bishii Janaayo, ciidamada federaalka iyo kuwa Tigray ayaa ku dagaalamay deegaanno xuduud la leh gobollada Amxaarada iyo Canfarta. Isla markaasna, waxaa la soo wariyay weeraro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ah oo ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Tigray, kuwaas oo uu ku dhintay hal qof. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dawladda federaalka oo ku saabsan weerarradaas.

Wararkii ugu Dambeeyay Wiil lagu dilay masaajid hortiisa

0

Axad 22 Feb 2026 {HMC} Nin 18 jir ah ayaa dhintay ka dib markii lagu tooriyeeyay bannaanka masjid ku yaalla gobolka West Midlands ee dalka Ingiriiska.

Booliisku waxay sheegeen in wiilal 19 jir iyo 20 jir sidoo kale loo qaaday isbitaalka ka dib rabshado ka dhacay bannaanka dhismaha Oldbury Road ee Smethwick wax yar ka hor 21:00 GMT Jimcihii.

Magaca qofka dhintay galabnimadii Sabtida waa Zeshan Afzal oo ka yimid Smethwick, ciidamada West Midlands ayaa xaqiijiyay in baaritaan dil uu socdo.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dhacdadan aan loola dhaqmin mid diimeed iyo mid isir ahaanba.

Dhaawaca labada nin ee kale ma ahayn kuwo nafta halis gelinaya, ayuu booliisku intaas ku daray.

Ciidanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen, isla markaana la arki doono ciidamo booliis ah oo deegaanka ku sugan si ay shacabka u qanciyaan.

Faah Faahin Meydadka tahriibayaal ay badda Libya soo caarisay

0

Axad 22 Feb 2026 {HMC}  Ugu yaraan shan mayd oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan labo haween ah, ayaa laga helay xeebta Qasr al-Akhyar, oo ah magaalo xeebeed dhacda bariga caasimadda Liibiya ee Tripoli, sida uu sarkaalka booliiska ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hassan Al-Ghawil, oo ah madaxa baarista ee xarunta booliiska Qasr Al-Akhyar, ayaa sheegay in sida ay sheegeen dadka deegaanka, uu jiray maydka ilmo yar oo xeebta soo caariyey balse hirarka badda oo kacsan awgeed uu dib ugu noqday badda, iyadoo la codsaday in ciidanka ilaalada xeebaha ay raadiyaan.

Ghawil ayaa xusay in maydadka la helay ay dhammaantood yihiin dad Afrika kasoo jeed. Maydadkan ayaa laga helay xeebta Emhamid Al-Sharif ee qaybta galbeed ee magaalada, waxaana soo sheegay dad deegaanka ah oo la xiriiray saldhigga booliiska.

Libya waxay noqotay marin ay maraan muhaajiriinta ka baxsanaya colaadaha iyo faqriga ee u socda Yurub iyagoo sii dhex maraya badda Mediterranean-ka, tan iyo markii uu dhacay nidaamkii kaligii-taliye Mucammar Al-Qadaafi sannadkii 2011 kadib kacdoon ay taageerayeen gaashaanbuurta NATO. Colaadaha kooxaysiga ah ayaa dalka u qaybiyey dhinacyada bari iyo galbeed tan iyo sannadkii 2014-kii.

Qasr al-Akhyar waa magaalo xeebeed qiyaastii 73 kiiloomitir (45 mayl) dhanka bari ka xigta magaalada Tripoli.

Sawirro lagu baahiyey internet-ka, oo ay sidoo kale aragtay Reuters, ayaa muujinayey maydadka muhaajiriinta oo yaalla xeebta, iyadoo qaar ka mid ah ay weli ku dhex jireen agabka sabbaynta.

Madaxda Dowladda Federaalka & Mucaaradka oo maanta markale ku kulmaya Villa Somalia.

0

Axad 22 Feb 2026 {HMC} Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubnaha Mucaaradka ee la magac baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa maanta markale ku shiraya Xarunta Madaxtooyada si ay uga hadlaan xaaladda Siyaasadeed ee Dalka, Doorashooyinka iyo qodobo kale.

Ilo ku dhow shirkaan ayaa ku warramay in kulankaan uu ka duwan yahay fadhiyadii dhowaan ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia, labada dhinac ayaa soo sameeyay wadatashiyo la xiriira qodobada miiska saaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa in ay dalka ka qabato Doorasho Dadweyne ama ugu yaraan Doorasho ka duwan midda dadban oo dowladdaan qudheeda lagu soo dhiso halka mucaaradka uu rabo in dib loogu laabto Teendhada Afisiyooni.

Kulamadii ugu danbeeyay ee ka qabsoomay Madaxtooyada ayay madaxda labada dhinac si isku dhinac ah u wadeen qodobadii sida hordhaca ah ay uga wadahadleen balse markaan lama oga in sidaas oo kale uu noqon doonno kulanka iyo is xaalku isbaddeli karo.

La soco wixii kasoo kordha

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Somaliya iyo Caalamka 21-02 2026.

0

Sabti  21 Feb 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka Ee Warbaahinta HMC Soomali Tv.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Sudan war: US sanctions RSF leaders over Darfur atrocities.

0

Saturday 21 Feb 2026 {HMC} The United States sanctioned three senior leaders of Sudan’s paramilitary Rapid Support Forces (RSF) this week on charges of committing war crimes and large-scale abuses during the 18-month siege of Al Fasher in North Darfur.

The move comes as UN investigators warned that actions by RSF forces during their late-October takeover of the city bore the “hallmarks of genocide,” underscoring mounting international scrutiny over atrocities committed in western Sudan.

In a statement on Thursday, the US State Department said the sanctioned individuals were members of the RSF “whose forces have committed genocide, war crimes and serious human rights abuses in Sudan.”

The Treasury Department, through its Office of Foreign Assets Control, said the three commanders played central roles in the prolonged siege of Al Fasher, which ended in October with RSF forces seizing control of the city after months of encirclement and bombardment.

According to Treasury, RSF militias carried out ethnically targeted killings, torture, starvation tactics and widespread sexual violence during the offensive.

The sanctions freeze any assets held in the United States or under US jurisdiction and prohibit American individuals or entities from engaging in transactions with the designated commanders. Entities owned 50% or more by them are also subject to the restrictions.

Abu Lulu: Mass killings

Among those sanctioned is Al-Fateh Abdullah Idris Adam, known as Abu Lulu.

US officials accused him of personally carrying out atrocities during the Al Fasher siege and of filming himself killing unarmed civilians.

The Treasury said Abu Lulu interrogated captured Sudanese soldiers, forced them to disclose their tribal affiliations and chant pro-RSF slogans, before executing them at close range.

It also cited his alleged role in the March 2024 execution of detainees at the Al-Jaili refinery north of Khartoum.

Videos widely circulated during the Darfur fighting showed Abu Lulu celebrating battlefield killings and claiming responsibility for hundreds of deaths.

On October 30 last year, the RSF announced that it had detained him for investigation over crimes in Al Fasher following the group’s takeover of the city.

The RSF seized Al Fasher on October 26 after months of siege in violence that local and international organisations described as massacres against civilians.

Three days later, RSF commander Mohamed Hamdan Dagalo, known as Hemedti, acknowledged that “violations” had occurred in Al Fasher and said committees had been formed to investigate, though no public findings have been released.

The US also sanctioned Jedo Hamdan Ahmed Mohammed, known as Abu Shouk, who has served as RSF commander in North Darfur since 2021.

The Treasury said militias under his command participated in the siege and eventual capture of Al Fasher and were responsible for mass killings, abductions, torture and gender-based violence.

He was reportedly filmed at a former Sudanese Armed Forces base after the city fell, a presence that US officials said linked him directly to operations in the area.

Al-Zeir Salem: Frontline commander

The third sanctioned commander is Al-Tijani Ibrahim Musa Mohammed, known as Al-Zeir Salem.

He rose to prominence after the outbreak of war in April 2023 and appeared frequently in battlefield videos from Khartoum and Darfur.

The Treasury said he directed RSF forces attacking Al Fasher from the southern axis of the city and oversaw operations that included killings, torture, abductions and sexual violence against civilians regardless of age or gender.

He was seen in footage released in the final days of the Al Fasher battle appearing wounded but declaring that his forces would enter the city.

Since the conflict between the Sudanese army and the RSF began in April 2023, Washington has imposed successive sanctions on RSF leadership, including Hemedti and his brothers Abdel Rahim and Al-Qoni.

Beyond Darfur, fighting has intensified across Sudan’s three Kordofan states in recent weeks, displacing tens of thousands and deepening what aid agencies describe as one of the world’s worst humanitarian crises.

TRT Africa

Armed men killed at least 50 people in Nigeria’s Zamfara state.

0

Saturday 21 Feb 2026 {HMC} At least 50 people were killed and several women and children abducted after armed men attacked a village in Nigeria’s northwestern Zamfara state, a state lawmaker told Reuters on Friday.

Hamisu A. Faru, lawmaker representing Bukkuyum south, said the attackers raided Tungan Dutse village from around 5 p.m. on Thursday until about 3:30 a.m. on Friday, burning down buildings and shooting residents who tried to flee.

“They have been moving from one village to another … leaving at least 50 people dead,” Faru told Reuters by phone.

He said the number of abducted victims was yet to be determined. Traditional leaders and local government officials were still accounting for the missing.

SOURCE:Reuters