Qamiis 19, June 2025 {HMC} Xawaadle dagaalka AS waa looga baxay
{DAAWO MUUQAALKA} Siyaasiyiin aan ixtiraam u heyno ayaa badeeco siyaasaded ka dhigtay dagaalka AS”Wasiir Al-Cadaala.
Qamiis 19, June 2025 {HMC} Siyaasiyiin aan ixtiraam u heyno ayaa badeeco siyaasaded ka dhigtay dagaalka AS”Wasiir Al-Cadaala.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} FAAH-FAAHIN: Howlgalo ka socda deegaanka Yasooman ee Gobalka Hiiraan.
Qamiis 19, June 2025 {HMC} FAAH-FAAHIN: Howlgalo ka socda deegaanka Yasooman ee Gobalka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} AS Xawaadle ayey dadka Soomaaliyed ugu neceb yihiin”Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir”
Qamiis 19, June 2025 {HMC} AS Xawaadle ayey dadka Soomaaliyed ugu neceb yihiin”Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Mareykanka oo qorsheynaya Weerar uu ku burburiyo xarumaha nukliyeerka Iiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Maxaa ka jiro in Mareeykanka uu Ansaxiyay qorsho lagu Weerarayo Iiraan.
Khamiis , 19 Juun 2025 {HMC} Madaxweyne Donald Trump ayaa habeenkii Talaadada u sheegay la-taliyeyaashiisa sare inuu ansixiyay qorshe lagu weerarayo Iiraan, balse uu hakiyay bixinta amarka kama dambeysta ah, isagoo sugaya bal in Tehran ay ka tanaasusho barnaamijkeeda nukliyeerka, sida ay Wall Street Journal sheegeen saddex qof oo xog-ogaal u ah arrintaas.
Tan iyo markii uu tilmaamo gaar ah ku siiyay saraakiisha militariga qolka xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad (White House Situation Room), Trump ayaa si furan u sheegay in weerar ka dhan ah Iiraan uu ka mid yahay tallaabooyinka uu ka fiirsanayo.
“Waxaan hayaa fikrado aan ku dhaqaaqi karo, laakiin go’aanka kama dambeysta ah wali ma gaarin. Waxaan doorbidaa inaan go’aanka kama dambeysta ah qaato hal il-biriqsi ka hor xilliga loo baahdo,” ayuu Trump u sheegay warbaahinta Arbacadii.
Trump ayaa rajo ka qaba in hanjabaaddiisa ah inuu ku biiri doono duqeymaha Israa’iil ay ka waddo Iiraan—kuwaas oo hadda galay maalintii lixaad—ay Tehran ku khasbi doonto inay aqbasho dalabaadkiisa, sida ay sheegeen dadka xogta haya. Wuxuu Trump qiray in weerar uu qaado Mareykanku uu yahay arrin laga fiirsanayo, laakiin sidoo kale wuxuu caddeeyay inay suurtagal tahay inuusan tallaabadaas qaadin.
Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in weli furan yihiin tallaabooyin kala duwan, Trump-na uu sii wadi doono inuu si dhow ula socdo sida Israa’iil ay arrinta u maaraynayso.
Israa’iil ayaa todobaadkii hore bilowday weeraro cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha nukliyeerka, hoggaanka militariga iyo goobo muhiim ah oo kale oo ku yaalla gudaha Iiraan, iyadoo howlgalkaas loogu magac daray “Operation Rising Lion”.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) ayaa sheegay in maamulka Trump uu ka fiirsanayo qorshooyin badan oo la xiriira weerar lagu qaado Iiraan, balse ilaa hadda uusan Madaxweynuhu bixin amarka ugu dambeeya. Mareykanku wuxuu hadda xaddiday kaalintiisa militari, isagoo ku koobay inuu ka caawiyo Israa’iil sidii ay isaga difaaci lahayd weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.
Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth iyo Taliyaha Golaha Sare ee Ciidamada Mareykanka (Joint Chiefs of Staff), Jeneraal Dan Caine, ayaa Arbacadii galab ka qeybgalay kulan ka dhacay Aqalka Cad, kadib markii ay subaxnimadii isla maalinkaas ka soo hormuuqdeen guddiga Aqalka Sare, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Pentagon-ka.
Inkastoo qorsheynta weerarka ay si weyn u horumartay, haddana dadka la socda fikirka Trump ayaa sheegay inuu madaxweynuhu wali doorbidayo inuu xiisadda xal diblomaasiyadeed ku xalliyo.
“Waxaa laga yaabaa inaan weerarka qaado, waxaa sidoo kale laga yaabaa inaanan qaadin,” ayuu Trump mar kale ku celiyay, isagoo adkeeyay dalabkiisa ah in Iiraan ay isu dhiibto si shuruud la’aan ah. “Toddobaadka soo socda wuxuu noqon doonaa mid muhiim ah, laga yaabee in ka yar toddobaad,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inaanay marnaba wadaxaajood geli doonin iyadoo hanjabaad militari lagu hayo, isla markaana ay jawaab adag ka bixin doonto haddii weerar lagu qaado.
“Iiraan marnaba wadaxaajood kuma gasho cadaadis, mana aqbali doonto nabad lagu keenay hanjabaad, gaar ahaan marka uu hanjabayo qof dagaal-ooge ahaa oo wakhtigiisu dhammaaday oo isku dayaya inuu mar kale siyaasadda soo galo,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Ergada Iiraan u joogta Qaramada Midoobay, iyadoo si dadban u tilmaantay Madaxweyne Trump.
Xarunta Fordow ee lagu kobciyo uranium-ka, oo ah goob si weyn loo ilaaliyo, ayaa ah mid ka mid ah bartilmaameedyada suurtagalka ah ee Mareykanku ka fiirsanayo. Israa’iil wali ma weerarin xaruntan, oo ku taalla hoosta buur weyn, waxaana khubarada militarigu aaminsan yihiin inay adag tahay in la burburiyo haddii aan la adeegsan bambaanooyinka ugu awoodda badan.
Intii uu Trump ka fiirsanayay go’aankiisa, ciidamada Mareykanka ayaa sii waday inay ciidamo badan u wareejiyaan Yurub iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaaradaha shidaalka ku shuba diyaaradaha kale inta ay hawada ku jiraan, maraakiib dagaal oo awood u leh inay soo ridaan gantaallada riddada dheer, koox maraakiib dagaal oo ay weheliyaan diyaaradaha casriga ah ee F-22, kuwaas oo Arbacadii gaaray saldhig ku yaalla Britain.
Pete Hegseth ayaa Arbacadii sheegay in Mareykanku uu xoojinayo difaacyadiisa gobolka Bariga Dhexe, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo inay Tehran weerarto saldhigyada iyo ciidamada Mareykanka haddii la beegsado xarunta Fordow.
Mar uu ka hadlayay guddiga adeegyada ciidamada Aqalka Sare (Senate Armed Services Committee), isagoo ka jawaabaya su’aal la xiriirta suuragalnimada weerar ka dhan ah Iiraan, Hegseth wuxuu sheegay in go’aannada noocaas ah ay yihiin kuwo uu qaadanayo Madaxweyne Trump, isla markaana uusan faahfaahin kale oo intaas dheer siin karin fagaare dadweyne.
Pentagon-ka ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu diyaar u yahay difaaca ciidamada Mareykanka, isagoo sheegay inay diyaariyeen dhammaan awoodaha militari ee looga baahan yahay inay ka hortagaan weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo xaalado kasta oo lama filaan ah.
Ruushka ayaa dhankiisa Mareykanka uga digay inuu qaado tallaabo militari. Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa telefoon kula hadlay dhiggiisa dalka Cumaan, waxayna labada dhinac ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo colaadda, iyagoo sidoo kale cambaareeyay weerarka ay Israa’iil ku qaaday Iiraan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Arbacadii.
Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya Oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal
Khamiis , 19 Juun 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Shiinaha, Danjire Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarka labada dal.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay in la sii amba-qaado wada shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Shiinaha.
Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusay in xiriirka labada dal sii xoogeysan doono.
Ruushka oo ka hadlay Xaalada Bariga dhaxe.
Khamiis , 19 Juun 2025 {HMC} Mar ay saxafiyiintu wax ka weydiiyeen suurtagalnimada in hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Aayatulaah Cali Khamani, hogaamiyaha Ruushka wuxuu yiri:
“Xitaa ma doonayo in aan ka hadlo suurtagalnimadan, ma doonayo.” Waxaas oo dhan waan maqlaa, laakiin xitaa ma rabo inaan ka hadlo,” ayuu u sheegay saxafiyiin ku sugnaa madasha dhaqaalaha ee St Petersburg.
Mar sii horaysay ayay wakaalada wararka ee AFP waydiisay in Iran ay caawimo waydiisatay Ruushka iyo in kale. Putin ayaa ku jawaabay: “Saaxiibadayada Iran nama ay weydiin arrintan”.
Gudomiye mungaab oo Magacaabay Masuuliyiin Cusub.
Khamiis , 19 Juun 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa magacaabay agaasimeyaal cusub, si loo dardar galiyo howlaha maamulka.
Ismaaciil Cali Xuseen ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhul Bixinta Dowladda Hoose ee Muqdisho, iyadoo xilalkii laga qaaday Zakariya Bashiir Muude iyo Cabdicasiis Axmed Cali.
Xamdi Fatxi Cali ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Dariseynta Gobolka Banaadir, halkaas oo xilalkii laga qaaday Cabdifataax Jiinow Gacal iyo Mahad Xuseen Axmed.
Hani Xasan Cali ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Deegaanka, iyadoo xilka laga qaaday Cabdullaahi Xasan Maxamed.
Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta cusub in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh u gutaan shaqooyinka loo igmaday, islamarkaana ay dardargeliyaan adeegyada bulshada ee loo hayo shacabka Muqdisho.
Somalia brings home nine nationals from Algeria to deter illegal migration.
Khamiis, 19 Juun 2025 {HMC} The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation successfully evacuated nine Somali citizens from Algeria on Wednesday to prevent illegal migration and rescue them from perishing at sea.
The nine, including four young women, were received at Aden Abdulle International Airport in Mogadishu by Dr. Mohamed Hussein Gaas, Director of the Department of Diaspora Affairs at the Ministry.
In remarks following their arrival, Dr. Gaas acknowledged the valuable support of the International Organization for Migration (IOM) and reaffirmed the Federal Government of Somalia’s dedication to safeguarding its youth from the risks associated with illegal migration.
This follows the ministry’s June 12 evacuation of three Somali fishermen from the Maldives after they were lost in the Indian Ocean in December 2024.



