Home Blog Page 771

{DAAWO MUUQAALKA}Awoodda gantaalka ay caawa Iiran ku weerartay Israa’iil.

0

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 18-6-2025.

0

Arbaco 18, June 2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay 17-6-20

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Maxaa ka taqanaa Awoodda gantaalka ay caawa Iiran ku weerartay Israa’iil.?

Arbaco, 18 Juun  2025 {HMC} Iiraan, ayaa caawa adeegsatay mid ka mid ah gantaalladeeda awoodda wax burburiya leh ee riddada dheer, iyadoo si kooban ay usoo bandhigeen macluumaad la xiriira gantaalkan ; ciidanka ilaalada kacaanka oo gantaalka Sejjil, soo saaray!

Gantaalka Sejjil, oo ah nooc laba-marxaladood ah (two-stage missile) kuna shaqeeya shidaal adag, ayaa laga riday saldhigyada Iran iyadoo lagu beegsanayo bartilmaameedyo ku yaal gudaha Israa’iil.

Gantaalkani wuxuu leeyahay sifooyin gaar ah oo aad uga duwan kuwa kale ee gobolka:
•Xawaare:

Marka uu hawada ka soo dagayo, si uu u beegsato bartilmaameedka, wuxuu gaarayaa Mach 12–14 ( afar iyo toban jeer ayuu ka dheeraya codka labada qof ee is hor fadhisa inta ay is gaarayaan) taasoo la micno ah inuu u dhaqaaqayo si xad-dhaaf ah — in ka badan 4,300 km/saacaddii. Taasi waxay adkeyneysaa in la qabto ama lagu toogto nidaamyada difaaca cirka.

•Fogaanta uu gaaro

Waxaa lagu qiyaasaa inuu gaari karo 2,000 ilaa 2,500 km, taasoo ka dhigaysa mid awood u leh inuu gaaro dhammaan dhulka ay heysato Israa’iil, saldhigyada Mareykanka ee bariga dhexe, iyo xitaa qaybo ka mid ah Bariga Yurub.
Culeyskiisa:

Culeyska guud: waa 22.5 tan
•Nidaamyo casri ah

Gantaalkan , waxaa ku xiran nidaamyo hagis toos ah oo ka leexin kara nidaamyada difaaca , sidoo kalena lagu hagi karo (GPS), isagoo ku jira hawada meel aan ahayn halkii bartilmaameedkii hore uu ahaa ( isagoo ku socda jihada koonfur ayaa loo diri karaa bartilmaameed jihada waqooyi ah).

Maxay tahay ujeeddada awoodda ay u adeegsatay Iiraan?

Sejjil wuxuu astaan u yahay isbeddelka cusub ee Iran kaga jawaabeyso cadaadiska militari iyo weerarada istiraatiijiga ah.

Gantaalkani ma ahan oo kaliya qalab dagaal, balse waa fariin cad oo si toos ah loogu diray cadowga: Iran waxay leedahay awood ay kugu weerarto si lama filaan ah, degdeg ah, fogna gaarta.

Ma aha awoodda gantaal ee u sarreysa ee waa mid ka mid ah awoodaha gantaallada Iiraan, taa oo ka dhigan; waxay leedahay Iiraan , nidaamyo gantaal oo ka sarreeya Sejjil!

Xigasho Iman jamac

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn 18 06 2025

Arbaco 18, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :: Shugri Baryare

Farsamadii ::Yaasiin Cali Axmed

Maxaa kala socotaa Alaabaha muhimka ah ee Soomaaliya ka soo dhoofsadaan Dalka Iran.

Arbaco, 18 Juun  2025 {HMC} Welwelka la xiriira sare u kaca maciishada, shidaalka iyo sahayda kale ayaa soo kordhaya caalamka oo dhan ka dib markii uu qarxay isku dhac u dhaxeeya Iiraan iyo Israa’iil oo weeraro is dhaafsanaya maalintii afaraad.

Meelaha durba laga dareemay kororka qiimaha alaabaha waxaa ka mida Soomaaliya gaar ahaan qeybo ka mida ganacsiyada oo inta badan dalku dibada wax ka soo dhoofsadaan.

Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayo isbaddelo dhanka qiimahaa oo ku yimi alaabta qaar ee loo adeegsado dhismaha guryaha kuwaas oo si dadban ganacstada Soomaalida qaarkood uga keensadaan dalka Iran sida uu BBC-da u sheegay Injineer Bile Maxamuud Dhoore oo ka mida Injineerada dhismaha ee ka howlaga Muqdisho.

“Waxaan joogaa Soomaaliya, Muqdisho, waxay nagu yeelatay samayn hadda muuqata. Dagaalada hadda bilowday labadii maalmood ee ugu dambeyey waxaa sare kac laga dareemayaa alaabta dhismaha muhiimka u ah qaarkood sida birta shubka iyo shamiitada oo ay ugu darran tahay birta”, ayuu yiri Injineer Bile u sheegay BBC.

“Birta oo kale waxaa la gadi jiray laba maalmood ka hor kiintaalkii ama boqolkii Kilo ilaa $65 dollar, saakana waxaa la iibinayey 73 dollar, taas oo la macno ah in halkii kilo laga gadi jiray 0.65 cent halka hadda ay tahay 0.73 Cent, marka waxaa u dhaxeeya farqi 8 dollar ah isabadal ayaa ka muuqda,”.

Wuxuu intaa ku daray markii ay waydiiyeen ganacstada qaar sababta kororka qiimaha birta ku timid ay tahay in birta qiimo hoose ay ugu keeni jireen dalka Iran, haatana ay wax is badalayaan.

Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah magaalooyinka Soomaliya ee si xooggan ay ugu dhismayaan guryaha dabaqyada ah. Ingineer Bille ayaa qaba in taasi samayn ku keeni karto xawliga ay ku socdaan dhismaayaashu.

Alaabta dhismaha ee kala ah shamiitada iyo birta shubka ayaa inta badan ugu timaada Soomaliya dalka Iran balse lagu keenaa si aan toos ahayn. Sidaas oo kale dalalka Cumaan, Shiinaha, iyo Turkiga ayaa ka mid ah dalalka alaabta dhismaha ugu timaado Soomaaliya.

Bashiir, waxaa uu sheegay inay welwelka kale ee ay qabaan dadka ka shaqeeya dhismaha ay tahay in haddii uu xirmo marinka Hormus ay sii kordhi karaan qiimaha alaabahaan.

Soo dhoofinta agabka Iran

Maxamuud Maxamed Ibraahim oo ka mida ganacstada Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in inkasta oo cunaqabatayn saarantahay dalka Iiran hadda si aan toos ahayn u ay alaabtu uga timaado.

“Laba waxyabood ayey isku darsadatay alaabta Iran; raqiis iyo tayo,” ayuu yiri Maxamuud oo BBC da la hadlayay.

Maxamuud, wuxuu sheegay inay suura gal tahay in ay kororka qiimaha intaas uu ka sii badan karo maadama colaadi ka jirto halkii alaabtaas sida dadban looga keeni jiray.

Iska-horimaadka u dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan ayaa galay maalintiisii saddexaad, iyada oo dhinacyadu is waydaarsanayaan duqaymo iyo gantaallo.

Sooomaaliya ayaa sidoo kale waxyaabaha qutul duruuriga ah ugu yimaadan inta badan wadamada Carabta, taas oo haddii colaadu sii baahdo laga cabsi qabo inay samayn xun yeellato, sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Xaaji Ingiriis, oo cilmiga taariikhda ka bartay Jaamacadda Oxford, haatanna cilmi-baadhe ka ah Akademiyadda Hoggaaminta Afrika ee Jaamacadda King’s College ee London.

“Soomaaliya waxa ay halbowle u tahay saliidda ka soo baxda Bariga Dhexe ee maraysa Gacanka Cadmeed iyo Marin-biyoodka Baab Al Mandab. Saamaynta ugu horraysa waa tan dhaqan-dhaaqalaha iyo ganacsiga Soomaalidu la leedahay waddmada bariga-fog. Saamayn kale, waa dhanka hawada oo durba diyaaradaha caalamku ay joojiyeen in ay isticmaalaan hawada waddamada qaar,” ayuu Ingiriis u sheegay BBC da.

XIGASHO BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Jubaland oo Xubno ka tirsan AS ku dishay Duleedka Magaalada Kismaayo.

0
Arbaco 18, June 2025 {HMC} Jubaland oo Xubno ka tirsan AS ku dishay Duleedka Magaalada Kismaayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Muungaab ”Mashaariic hormarineed ayaa ka Fulin Doonaa Degmooyinka Gobolka Banaadir”

0
Arbaco 18, June 2025 {HMC} Gudoomiye Muungaab ”Mashaariic hormarineed ayaa ka Fulin Doonaa Degmooyinka Gobolka Banaadir”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Markabka Oruç Reis oo gudbin doona xogta ka soo baxday baarista Shidaalka Soomaaliya”

Arbaco, 18 Juun 2025 {HMC} Dowladda Turkiga, ayaa sheegtay in Markabka Oruc Reis dhawaan gudbin doono xogta rasmiga ee ka soo baxday howlgallada baarista Shidaalka.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga ayaa sheegay in Markabka cilmibaarista Oruç Reis oo gudaha Soomaaliya ku sugnaa 234 maalmood, isaga oo gaarey guulo dhanka Sahminta Shidaalka ah.

Intii uu socday howlgalkan, markabka Oruç Reis wuxuu ururiyay xog muhiim ah oo ah 3D seismic ah, isagoo maray aag dhan 4,464 kiiloomitir laba jibbaaran (km²)” ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Turkiga.

Isaga oo sii hadlaya wuxuu yiri Wasiirka “Markabka Oruç Reis oo ka shiraacday dekedda Muqdisho wuxuu ku wajahan yahay Turkiga, si uu u gudbiyo xogta qiimaha leh ee uu ururiyay, taasoo loo adeegsan doono horumarinta iyo maalgashiga tamarta”

Howlgalka Shidaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu galo wajiga labaad, waxaana Dowladda Fededaalka sheegtay in dhawaan ay soo bixi doonto Natiijada soo saarista Kheyraadka dalka gaar ahaan Shidaalka.

Dowladda Soomaaliya oo caaawinaysa muwaadiniinta raba inay ka baxaan Iiraan”

Arbaco, 18 Juun 2025 {HMC} Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iiraan ku wargelisay in ay u fududeynayaan ciddii doonaysa in ay ka baxdo dalkaasi.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Iraan ayaa qaarkood doonayaan in ay isaga soo baxaan dalkaas sababo la xiriira dagaallada halkaas ka socda, tan iyo maalintii Jimcaha.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa ku wargelisay dadka doonaya in ay isaga baxaan Iraan, in ay ka kaalmeynayso sidii ay si nabad ah waddanka dib ugu noqon lahaayeen.

“Safaaradda JFS ee Wadanka Türkiye waxay la socodsiinaysaa mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Iran ee doonaaya inay iskaga soo baxaan wadankaas dagaalada halkaas ka socda darteed in ay lasoo xiriiraan safaaradda si looga kaalmeeyo sidii ay si nabad ah waddankooda ugu noqon lahaayeen,” sida lagu yiri war ka soo baxay wakaaladda wararka ee SONNA.

Colaadda u dhaxaysa Iraan iyo Israel ayaa laga cabsi qabaa in ay gobolka ku baahdo isla markaana ay dabadheeraato, xilli ay istaageen duulimaadkii tooska ahaa ee labada dal si toos ah u aadi jiray Tehran iyo Talaabiib.

in kabadan 150 Qof oo Lagu Dilay Waqooyiga dalka Nijeeriya.

Arbaco, 18 Juun  2025 {HMC} Tirada dadka ku dhintay weerar hubeysan oo ay rag hubeysan ka fuliyeen deegaanka Yelewata ee gobolka Benue, ee Waqooyiga dalka Nijeeriya, ayaa gaadhay ugu yaraan 150 qof, sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah oo la hadlay warbaahinta Isniintii.

Weerarkan foosha xun ayaa dhacay fiidnimadii Jimcaha, xilli dadka deegaanka intooda badani ay hurdayeen. Ragga weerarka qaaday ayaa si kadis ah u galay deegaanka, iyaga oo rasaas ku furay dadka deegaanka, kadibna gubay guryihii ay deganaayeen.

Qaar badan oo ka mid ah dadka la laayey ayaa ahaa dad horey uga soo barakacay dagaallo kale oo ka dhacay gobollada dariska ah, kuwaas oo hoy ka dhigtay suuq deegaanka ah oo ay u arkeen meel ammaan ah.

“Waxay rasaasta nagu soo fureen annagoo hurudna, kadibna guryihii bay dab qabsiiyeen. Dad badan ayaa goobta ku dhintay, kuwo kalena wali lama helin. Waxaan ku jirnaa raadinta meydad iyo dad maqan,” ayuu yidhi mid kamid ah dadka deegaanka oo diiday in magaciisa la xigto sababo ammaan darteed.

Weerarkan waxaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee sanadkan ka dhaca gobolka Benue, wuxuuna muujinayaa heerka sii kordhaya ee rabshadaha u dhaxeeya beeraleyda iyo xoola-dhaqatada ee ku saleysan is-maandhaaf ku saabsan dhul daaqsin ah iyo biyo.

Ilaa hadda, ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarka. Hase ahaatee, weerarro noocan ah ayaa si joogto ah uga dhaca waqooyiga iyo badhtamaha Nijeeriya, halkaas oo isku dhacyo culus oo u dhaxeeya beeraleyda iyo xoola-dhaqatada ay ka taagan yihiin, gaar ahaan marka ay xoola-dhaqatada oo intooda badan ka soo jeeda qowmiyadda Fulani ay xoolahooda ku daaqsadaan dhul beereed ay leeyihiin dadka deegaanka.

Xoola-dhaqatadu waxay ku andacoodaan in dhulalkaasi ay yihiin wadooyin daaqsin oo sharci ahaan loo ansixiyay sannadkii 1965, shan sano kadib markii Nijeeriya ay xornimada qaadatay. Beeraleydu se waxay ku eedeeyaan xoola-dhaqatada inay beerohoodii burburiyeen, taas oo dhalisay colaado daba-dheeraaday oo sannado badan soo jiitamayay.

Gobollada waqooyiga iyo waqooyi-dhexe ee Nijeeriya ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay falal ammaan darro oo isugu jira weerarro argagixiso, budbcadnimo, iyo dilal qorshaysan oo lagu beegsado dadka rayidka ah. Kooxo hubeysan, oo qaarkood la xidhiidhinayo kooxaha jihaad-doonka ah sida Boko Haram iyo ISWAP, ayaa si joogto ah weerarro ugu qaada tuulooyin iyo xeryo barakacayaal ah.

Dowladda Nijeeriya iyo saraakiisha amniga ayaa dhowr jeer ballan qaaday inay la dagaalami doonaan kooxahan, balse falanqeeyayaasha amniga waxay sheegayaan in la’aanta jawaab degdeg ah iyo musuqmaasuqa gudaha ay sii adkaynayaan in la helo xal waara.

Dadka deegaanka waxay hadda u muuqdaan kuwo u nugul weerarrada joogtada ah, iyadoo dad badan ay bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda iyagoo ka cabsi qaba weeraro kale oo lagu soo qaado.