Home Blog Page 772

Dowladda Iran oo Diyaarisay Hubkii Ay Ku Weerari Lahayd Saldhigyada Maraykanka ee Bariga Dhexe.

Arbaco, 18 Juun  2025 {HMC} Warbixin cusub oo ay daabacday The New York Times ayaa daaha ka rogtay cabsi sii kordheysa oo laga qabo in Maraykanku ku biiro dagaalka ka dhex aloosan Israa’iil iyo Iran, taas oo horseedi karta in dagaalku ku fido gobolka.

Mas’uuliyiin Maraykan ah ayaa sheegay in Iran ay diyaarisay gantaallo iyo qalab militari oo lagu weerari karo saldhigyada Maraykanka ee Bariga Dhexe, haddii Maraykanku si rasmi ah uga qayb galo dagaalka ay Israa’iil ku qaaday Iran. Waxaa sidoo kale la sheegay in Maraykanku uu geeyey ilaa soddon diyaaradood qaaradda Yurub si ay u taageeraan weerarada laga fulinayo Iran.

Xogaha sirdoonka ayaa muujinaya in haddii Maraykanku weeraro xarunta muhiimka ah ee nukliyeerka Iran ee Fordo, kooxaha ay Iran taageerto sida Xuutiyiinta Yemen ay dib u bilaabi doonaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta mara Badda Cas. Sidoo kale, kooxaha hubeysan ee taageersan Iran ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa la filayaa inay weeraraan saldhigyada Maraykanka ee halkaas ku yaalla.

Mas’uuliyiin kale ayaa ka digay in Iran ay miinayn karto marin-biyoodka muhiimka ah ee Strait of Hormuz, si ay u xanibto dhaqdhaqaaqa maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee ku sugan gacanka Faaris. Ciidamada Maraykanka ee ku sugan saldhigyada Bariga Dhexe sida kuwa ku yaalla Imaaraadka Carabta, Urdun, iyo Sacuudi Carabiya ayaa la galiyay heegan sare.

Waxaa la sheegay in in ka badan 40,000 oo askari Maraykan ah ay hadda ku sugan yihiin Bariga Dhexe.

Laba mas’uul oo Iraniyiin ah ayaa qiray in haddii Maraykanku ku biiro dagaalka, Iran ay si toos ah u weerari doonto saldhigyada Maraykanka, iyadoo weerarka ka bilaabi doonta Ciraaq. Waxay sidoo kale sheegeen in saldhig kasta oo ku yaalla waddamada Carabta ee ka qayb qaata weerarka uu badhtilmaameed noqon doono.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in cadowga Iran aysan marnaba ku qasbi doonin shacabka Iran in ay is dhiibaan. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Israa’iil iyo taageerayaasheeda in ay mas’uul ka noqon doonaan haddii dagaalku fido.

Mas’uuliyiin Maraykan ah ayaa sheegay in Iran aysan u baahneyn waqti badan si ay u fuliso weerar, maadaama ay haystaan gantaallo si dhakhaso ah u gaadhi kara waddamo ay ku jiraan Bahrain, Qatar, iyo Imaaraadka.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in haddii Israa’iil ay doonayso in ay si dhab ah waxyeellayso barnaamijka nukliyeerka Iran, ay u baahan doonto taageero buuxda oo ka timaada Maraykanka taasoo ay ka mid noqon karto duqeymo culus oo ay fuliyaan diyaaradaha qarsoon ee B-2 oo wata bambooyinka waaweyn ee burburin kara xarumaha dhulka hoostiisa ee buuraha Fordo.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in Iran iyo xulafadeedu ay horey ugu guuleysteen inay waxyeello gaadhsiiyaan danaha Maraykanka ee gobolka. Tusaale ahaan, bishii Janaayo 2024, koox xidhiidh la leh Iran ayaa weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday saldhig Maraykan ah oo ku yaalla Urdun, taas oo lagu dilay saddex askari oo Maraykan ah.

Sirdoonka Maraykanka ayaa muddo dheer sheegayay in Iran ay si weyn ugu dhowdahay inay soo saarto hub nukliyeer ah, hase yeeshee anay wali go’aan ka gaadhin. Waxay sheegeen in haddii ay go’aansato, ay ku qaadan kartaa wax ka yar hal sano si ay u samayso hub nukliyeer. Nooc fudud oo bambo ah ayaase lagu samayn karaa waqti ka yar.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan ku celceliyay in uusan ogolaan doonin in Iran hesho hub nukliyeer. Talaadadii, wuxuu ugu baaqay Iran in ay isu-dhiibto si shuruud la’aan. Hase yeeshee, weerarada Israa’iil ayaa laga yaabaa inay Iran ku qanciyaan in hubka nukliyeerka ah uu yahay dariiqa kaliya ee ay isku difaaci karto.

Qaar ka mid ah saraakiisha Maraykanka ayaa rumeysan in haddii Iran go’aansato in ay hubkaas samaysato, uu maamulka Trump ku qasbanaan doono in uu fuliyo weerar toos ah. Balse, dadka dhaliila siyaasadda dagaalka ku saleysan ayaa qaba in ay wali suurtagal tahay in Maraykanku ka baaqsado dagaalka.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 18 06 2025

Arbaco 18, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :: Shugri baryare & Yasiin ali ahmed 

Farsamadii ::Ismail abdiqadir 

Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celisay dhalinyaro tahriibtay oo ku xirnaa Wadanka Aljeeriya.

Arbaco, 18 Juun  2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay sagaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo doonayay inay tahriib ku gaaraan qaaradda Yurub, balse lagu xiray dalka Aljeeriya.

Aljeeriya ayaa noqotay mid ka mid ah marinada ugu weyn ee tahriibayaasha Soomaalida ee u socdaala Galbeedka Yurub.

Dhalinyaradan oo ka kooban shan wiil iyo afar gabdhood ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan la kulmeen intii ay ku sugnaayeen xabsiyada Aljeeriya. Waxay muujiyeen farxad ay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, iyagoo si gaar ah ugu mahad celiyay Dowladda Soomaaliya dadaalka ay gelisay sidii xorriyadooda dib loogu heli lahaa.

Dr. Maxamed Xuseen Gaas, Agaasimaha Guud ee Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda ay si weyn uga shaqaynayso xal u helidda arrimaha tahriibka.

Wuxuu xusay in wali ay jiraan dhalinyaro badan oo ku dhibaataysan dalalka ay u tahriibeen, kuwaas oo u baahan taageero iyo qorshe dib loogu soo celiyo dalka.

Bilihii la soo dhaafay, waxaa sare u kacay tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee isku dayaysa tahriibka, iyadoo magaalooyinka sida Muqdisho, Garowe, Laascaanood iyo Hargeisa ay noqdeen meelaha ugu badan ee laga dhoofa.

Nasiib darro, tiro badan oo dhalinyaro ah ayaa labadii bilood ee u dambeeyay ku naf waayay badda u dhaxaysa Aljeeriya iyo Spain, iyagoo rajaynayay nolol dhaanta tan ay ka haysteen dalkooda.

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya ka qeyb gashay shur looga hadlayey Daryeelka Duur joogta

0
Arbaco 18, June 2025 {HMC}  Soomaaliya ka qeyb gashay shur looga hadlayey Daryeelka Duur joogta

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxamed dhicisow ”Ninkii aanan Difaacanin deegaankiisa Imaankiisa waa Naaqus”

0
Arbaco 18, June 2025 {HMC}  Maxamed dhicisow ”Ninkii aanan Difaacanin deegaankiisa Imaankiisa waa Naaqus”

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 18/6/2025

0

Arbaco   18, June 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

{DAAWO MUUQAALKA} Caasho koos ”Xildhibaanada Lacagta ay qaataan waa Xaaraan mana jiro Gudoon la xisaabtamo”

0
Arbaco 18, June 2025 {HMC}   Caasho koos ”Xildhibaanada Lacagta ay qaataan waa Xaaraan mana jiro Gudoon la xisaabtamo”

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya oo baaq u ditay muwaadiniinteeda ku sugan wadanka iiraan.

0
Arbaco 18, June 2025 {HMC}  Soomaaliya oo baaq u ditay muwaadiniinteeda ku sugan wadanka iiraan.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaamiyaha iiraan ”Marnaba uma naxariisan Doono israa’iil”.

0
Arbaco 18, June 2025 {HMC} Hogaamiyaha iiraan ”Marnaba uma naxariisan Doono israa’iil”.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Mareeykanka maku Biiri Doonaa Dagaalka iiraan iyo israa’iil.?

0
Arbaco 18, June 2025 {HMC}  Mareeykanka maku Biiri Doonaa Dagaalka iiraan iyo israa’iil.?

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA