Home Blog Page 777

{DAAWO MUUQAALKA} War cusub Wadamada G-7 oo taageray Israa’iil hanjabaadna u diray Iran

0

Talaado 17, June 2025 {HMC} War cusub Wadamada G-7 oo taageray Israa’iil hanjabaadna u diray Iran

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Alaabta Soomaaliya ugu timaada Iran oo sara u kac ku yimid.

0

Talaado 17, June 2025 {HMC} Welwelka la xiriira sare u kaca maciishada, shidaalka iyo sahayda kale ayaa soo kordhaya caalamka oo dhan ka dib markii uu qarxay isku dhac u dhaxeeya Iiraan iyo Israa’iil oo weeraro is dhaafsanaya maalintii afaraad.

Meelaha durba laga dareemay kororka qiimaha alaabaha waxaa ka mida Soomaaliya gaar ahaan qeybo ka mida ganacsiyada oo inta badan dalku dibada wax ka soo dhoofsadaan.

Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayo isbaddelo dhanka qiimahaa oo ku yimi alaabta qaar ee loo adeegsado dhismaha guryaha kuwaas oo si dadban ganacstada Soomaalida qaarkood uga keensadaan dalka Iran sida uu BBC-da u sheegay Injineer Bile Maxamuud Dhoore oo ka mida Injineerada dhismaha ee ka howlaga Muqdisho.

“Waxaan joogaa Soomaaliya, Muqdisho, waxay nagu yeelatay samayn hadda muuqata. Dagaalada hadda bilowday labadii maalmood ee ugu dambeyey waxaa sare kac laga dareemayaa alaabta dhismaha muhiimka u ah qaarkood sida birta shubka iyo shamiitada oo ay ugu darran tahay birta”, ayuu yiri Injineer Bile u sheegay BBC

“Birta oo kale waxaa la gadi jiray laba maalmood ka hor kiintaalkii ama boqolkii Kilo ilaa $65 dollar, saakana waxaa la iibinayey 73 dollar, taas oo la macno ah in halkii kilo laga gadi jiray 0.65 cent halka hadda ay tahay 0.73 Cent, marka waxaa u dhaxeeya farqi 8 dollar ah isabadal ayaa ka muuqda,”.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa ka cusub maanta dagaalka Iran iyo Israa’iil?

0

Talaado 17, June 2025 {HMC} Maxaa ka cusub maanta dagaalka Iran iyo Israa’iil?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wadamada G-7 oo soo saaray war-murtiyeed la xiriira xaaladda Bariga Dhexe.

0

Talaado 17, June 2025 {HMC} Wadamada loo yaqaano G-7 oo shir uga socda magaalada Alberta ee dalka Canada ayaa soo saaray war-murtiyeed wada jir ah. Waxayna yiraahdeen: Anaga oo ah madaxda G7, waxaan ku celcelinaynaa sida ay nooga go’an tahay nabadda iyo xasiloonida Bariga Dhexe.

Xaaladdan oo kale, waxaan ku xaqiijineynaa in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is difaacdo. Waxaan ku celinaynaa taageeradayada ammaanka Israa’iil. Waxaan sidoo kale xaqiijineynaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta dadka rayidka.

Iran waa isha ugu weyn ee xasilooni darida gobolka iyo argagaxisada.Waxaan si joogto ah u caddaynay in Iran aysan weligeed yeelan karin hub nukliyeer ah.

Waxaan ku boorineynaa in xallinta xiisadda Iran ay horseeddo dejinta colaadaha Bariga Dhexe, oo ay ku jirto xabbad-joojin laga hirgeliyo Qasa.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa durbaba isaga baxay shirkaas, sababo lagu sheegay colaadda ka socota Bariga Dhexe. Ma cadda ujeedka iyo sababta uu Trump dhaqsi uga baxay shirkaas.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 17 06 2025

Talaado 17, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali Axmed

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn 16 06 2025

isniin 16, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali Axmed

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

{DAAWO MUUQAALKA} Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay caalamka iyo Xiisada Iran iyo Israaiil. 16-06-2025.

0

Isniin 17, June 2025 {HMC}  Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay caalamka iyo Xiisada Iran iyo Israaiil. 16-06-2025.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 16-6-2025.

0

Isniin 17, June 2025 {HMC}  Wararkii Ugu Dambeeyay 16-6-2025.

                                  HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Trump oo hadda sheegay in Iran ay dooneyso in xaalka la dajiyo.

Isniin 16, June 2025 {HMC} Waxaan hadda maqalnay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadlaya shirka G7 ee Canada.

Isagoo ka soo dhinac muuqday hogaamiyaha Canada Mark Carney, Trump wuxuu sheegay in Iran “aysan ku guuleysanayn dagaalkan” waxay dooneysaa ayuu yiri inay ka hadasho sidii loo dejin lahaa colaadda kala dhaxaysa Israel, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay “mid xanuun u leh labada dhinac”.

“Waa inay isla markiiba wada hadlaan ka hor intaanay goor dambe noqon.”

Trump ayaa markaas la weydiiyay waxa ay ku qaadaneyso in Mareykanka uu dagaalka ku lug yeesho militari ahaan, isagoo ku jawaabay inuusan dooneyn inuu ka hadlo arrintaas.

Poland oo muwaadiniinteeda kala baxaysa Israa’iil

Isniin 16, June 2025 {HMC} Poland ayaa qorsheyneysa inay ku dhawaad ​​200 oo muwaadiniinteeda ah ka daadgureyso Israa’iil maanta ama labada maalin ee soo socota, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa sidaas sheegtay.

“Waxaan u maleynayaa inaan diyaar noqon doonno dhowr iyo tobanka saacadood ee soo socda, daad-gureyntana waxay khusaysaa oo keliya dadka ku xayiran Israa’iil ee u tagay dalxiis ahaan ama joogitaan gaaban ku gaaray halkaas,” Henryka Moscicka-Dendys ayaa sidaas ka sheegay shir jaraa’id.

Waxay sheegtay in dadka la daadgureeynayo marka hore lagu daabuli doono dhulka magaalada Cammaan ee dalka Urdun ka hor inta aysan u duulin magaalada Warsaw, sababo la xiriira xiritaanka hawada Israa’iil.