Home Blog Page 778

Madaxweyne Erdogan: ‘Israa’iil qatar ayay ku tahay amniga gobolka loomana dulqaadan doono’

Isniin 16, June 2025 {HMC} Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in bariga dhexe aysan u dulqaadan karin dagaal kale, isagoo ku eedeeyay Israa’iil inay khatar ku tahay ammaanka gobolka.

Isagoo khadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, Erdogan ayaa sheegay in “rabshadaha joogtada ah ee ka bilowday weeraradii Israa’iil ee Iran ay amniga gobolka oo dhan halis galiyeen”.

Hadal ka soo baxay madaxtooyada Turkiga ayuu ku sheegay in habdhaqanka sharci darrada ah ee xukuumadda Netanyahu uu khatar cad ku yahay nidaamka caalamiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in gobolka “uusan u dulqaadan karin dagaal cusub.”

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiik ” Albaabka wadatashiga iyo Wadahadalka waa Furan yahay”

Isniin 16, June 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan; adkaynta midnimada Qaranka, dhamaystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa madasha ka jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay dadaalka joogtada ah ee dowladda ay ku bixisay hirgelinta nidaam doorasho oo toos ah, kaas oo shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda ugu dooranayaan hoggaankooda, waxa uuna xusay in dhinacyada siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafidba, ay ku mideysan yihiin in aan dib loogu noqon hannaankii doorashada dadban ee dhaawacay hufnaanta iyo dimuqraadiyadda doorashada.

“Gogoshan waxay muujinaysaa sida aan mudnaanta u siinayno dhagaysiga aragtiyaha kala duwan ee la xiriira dowladnimada. Annagoo dowladdii ah ayaa raadinayna wadahadal iyo wadatashi, taas oo waagii hore laga la’aa hoggaanka dalka iyo dowladda. Albaabka wadatashiga iyo wadahadalku wuu furan yahay, cid walbana waa lagu casumay inay ka qeybgasho dhismaha geeddi-socodka dowladnimo ee aynu hiigsaneyno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in saaxiibbada caalamiga ah ay Soomaaliya ka taageereen wixii karaankooda ah, hase yeeshee mas’uuliyadda dhammaystirka dowladnimada ay si gaar ah u saaran tahay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Caalamka wuu naga taageeray wixii aan u baahnayn, balse waxaa harsan shaqo inaga inoo taalla – waana in aynu Soomaali ahaan si dhab ah isula meel dhigno aayaha dalkeenna,”

Dhankaooda, Madaxdii Hore ee Qaranka, masuuliyiin heer Federaal iyo Dowlad-goboleed, haldoorka Soomaaliyeed ee ka qeybgalay madasha iyo culimada ayaa ka hadlay doorka ay ku leeyihiin hirgelinta aragti mideysan oo ku saleysan wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan dadaallada Dowladda ee ku aaddan dhismaha dowladnimo loo dhan yahay, taas oo saldhig u noqota nabad, cadaalad iyo horumar waara.


DHAMMAAD

{DAAWO SAWIRADA} Maxaan ka taqaanaa Caasimadaha Gantaalada, oo Iran uga dhisan Dhulka Hoostiisa.?

Isniin 16, June 2025 {HMC} Iran waxay soo bandhigaysay madaafiic si ay u muujiso awooddeeda iyo inay ka jawaabto hanjabaadaha ka imaanaya dalalka sida Israa’iil iyo Mareykanka, iyagoo ka dhigaya guulo waaweyn oo ka tirsan qeybta hubka millatariga, in kastoo ay qarineyso barnaamijkeeda madaafiicda iyo saldhigyada.

Ilaalada Kacaanku waxay sheegayaan inay leeyihiin saldhigyo madaafiic badan oo laga dhisay godad iyada oo la isticmaalayo ‘injineernimo khaas ah’.

Sanadkii 2015, markii ugu horreysay, Amir Ali Hajizadeh ayaa shaaciyay in ay jiraan saldhigyo madafiic “500 mitir dhulka hoostiisa” ah oo ku yaal meelo kala duwan.

Ma jiraan xog sax ah oo ku saabsan goorta la dhisay saldhigyadan, laakiin Mehdi Bakhtiari, wariye ka tirsan Fars News Agency, ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay Al Jazeera in “saldhigga ugu horreeyay ee madafiicda ee dhulka hoostiisa ee laga dhisay Iran in la dhisay sanadkii 1984, markaas oo Iran bilaabay barnaamijkeeda madaafiicda.”

Barnaamijka madaafiicda ee Iran ayaa bilowday xilliga dagaalkii Iran iyo Ciraaq iyadoo ay taageerayaan dalal sida Waqooyiga Kuuriya iyo Shiinaha.

Warbaahinta Iran iyo Ilaalada Kacaanka ayaa ilaa iyo hadda soo saaray sawirro ka mid ah saldhigyada madaafiicda ee dhulka hoostiisa ee ay ugu magac dareen ‘magaalooyinka madafiyada ee Ilaalada Kacaanka – IRGC’.

Si kastaba ha ahaatee, goobaha saxda ah ee saldhigyadan looma shaacin si rasmi ah.

Laakiin meelaha dhawaan daaha laga qaaday waa xero ku taal buuraha Zagros, magaalada Bushehr iyo sidoo kale gobolka Hormozgan.

Mid ka mid ah fiidiyowyada aadka u faafay ayaa muujinayay god buuxda oo madafiic ah iyo sidoo kale aagga laga qaaday madaafiicda iyadoo loo marayo tareen dhex socda godka.

Magaalooyinkan madaafiicda ayaa si joogto ah loo muujiyay, gaar ahaan markii Ilaalada Kacanku ay weerareen ISIS gudaha Suuriya ama marka ay fuliyeen howlgallo loo yaqaan ‘Howlgalka Ballan-qaadka Runta ah Mid iyo Laba’.

Bishii Maarso 2020, Ilaalada Kacaanka ayaa daaha ka qaaday ‘magaalo gantaalo’ oo ku taal gacanka Beershiya

Goobta xaruntaas lama shaacin, laakiin warbaahinta deegaanka ee gobolka Hormozgan ayaa ka warbixisay xaruntaas

Taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka, Hossein Salami, ayaa ka hadlay ‘magaaladan gantaaladan’ ee dhacda Gacanka Beershiya, isagoo sheegay in ‘warshaddan ay ka mid tahay dhowr xarumood oo kaydiya madaafiicda istiraatijiyadeed ee Ciidamada Badda ee Ilaalada Kacaanka.’

Marka laga tago Ciidamada Cirka ee Kacaanka, Ciidamada Badda ee IRGC ayaa sidoo kale waxay leeyihiin madaafiicda u kala gooshada dhulka-iyo-badda, dhulka-iyo-dhulka, iyo badda-iyo-badda, sida madaafiicda ‘Ya Ali’ iyo ‘Hawiza’.

Tirada saxda ah ee saldhigyada madaafiicda ee qarsoon ee Iran lama oga, laakiin Ahmad Reza Pourdastan, Madaxa Xarunta Tababarka iyo Cilmi-baadhista ee Ciidamada Millatariga ee Iran, ayaa sheegay Janaayo 2015 in, marka laga tago Ilaalada Kacaanka, Ciidamada Millatariga ee Iran ay sidoo kale leeyihiin magaalooyin mdaafiicyo qarsoon oo badan.

Sida uu sheegay Amir Ali Hajizadeh, taliyaha Ciidamada Cirka ee Ilaalada Kacaanka, “Haddii ay soo bandhigaan hal magaalo Gantaalo usbuuc kasta, taxanahan ma dhammaan doono labo sano gudaheed.”

Tani waxay soo jeedinaysaa in Iran laga yaabo inay leedahay ku dhawaad 104 magaalo oo gantaaleed, in kastoo tani aan si sahlan loo xaqiijin karin sababo la xidhiidha xog la’aan faahfaahsan oo ku saabsan arrintan.

Ilaha ku dhow Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale soo sheegey jiritaanka ‘boqolaal magaalo gantaaleed’ oo ku yaal Iran.

Magaalada gantaalada ee dhawaan baahiyay ayaa soo bandhigay madaafiicda sida Khyber Shakan, Hajj Qasim, Imad, iyo Sajjeel.

Madaafiicda ballistigga ee Emad ayaa ka mid ahaa madafiyadii loo isticmaalay weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil, oo burburiyay saldhigga cirka ee Navatim ee dhaca gudaha Israa’iil.

Maxay Iraan u dhistay caasimada gantaalada

Ujeedada laga leeyahay magaalooyinkan gantaalada ah ayaa ah in ay iska caabiyaan weerarada dhanka cirka ah iyo nafsad ahaantooda difaacaan,maadaama Iran ay xoogaa ku guulaysatey in ay muujiso in ay awood u leedahay in ay xajisato awoodeeda gantaalada xitaa marka laga weerarayo saldhigyadeeda gantaalada dhulka.

Wareysi uu siiyay Aljazeera, Mehdi Bakhtiari ayaa ku dhawaaqay jiritaanka magaalooyin gantaalo qarsoodi ah oo Iran kana yaabin doona cadowga.

Sida laga soo xigtay falanqeeyayaasha, xeryahan, ama sida ay ku sifeeyeen Ilaalada Kacaanka, “magaalooyinka gantaalaha dhulka hoostiisa ah,” waxay noqon karaan diyaargarow dagaal oo aan caadi ahayn, sababtoo ah waxay ogolaadaan in gantaalada laga soo tuuro meelo aan la garanayn oo cadowga lagu jahawareeriyo awoodda Iran.

Sida laga soo xigtay taliyeyaasha Ilaalada Kacaanka, magaalooyinkan gantaallada ah maahan kaliya meelo lagu kaydiyo gantaallada, laakiin qaar ka mid ah waxay yihiin “xarumo lagu sameeyo gantaalada iyo diyaarinta gantaalada ka hor intaysan diyaar u noqon weerarka.”

Bishii Juun 2017, Amir Ali Hajizadeh wuxuu ku dhawaaqay jiritaanka saddex warshadood oo dhulka hoostiisa ah oo Iran ah oo soo saara gantaalada Ilaalada Kacaanka.

XIGASHO BBC

Maraykanka Ma ku biiridoonaa dagaalka Iran iyo Israa’iil.?

Isniin 16, June 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si cad u muujiyay inuu doonayo in Mareykanku si toos ah ugu biiro dagaalka Iran. Ujeeddadiisu waa in la dumiyao xukuumadda Islaamiga ah ee Tehran, lagana hortago barnaamijka nukliyeerka Iran, kaas oo ay Israa’iil u aragto halis toos ah oo ka dhan ah jiritaankeeda.

Mareykanka oo ah saaxiibka ugu dhow ee Israa’iil, wuxuu weligiiba ahaa tiir-dhexaadka taageerada militari iyo siyaasadeed ee Tel Aviv. Si kastaba ha ahaatee, gelitaanka dagaal toos ah oo Iran lala galo ma aha go’aan sahlan oo Mareykanku si deg deg ah u qaadan karo, iyadoo la eegayo khasaarihii uu kala kulmay dagaalladii hore ee Bariga Dhexe.

Mid ka mid ah sababaha keeni kara in Mareykanku si toos ah u galo dagaalkan waa haddii Iran weerarto saldhigyada uu Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe ama ay beegsato muwaadiniin Maraykan ah sida uu Trump sheegay.

Si kastaba, Iran ma aha dal la fududaysan karo. Waa quwad miisaaman oo leh awood militari oo sareysa, waxay haysata gantaallo gaadhi kara ilaa 2,000km, hub culus oo kala duwan, sidoo kale waxaxay maamusha jabhado ka jira Bariga Dhexe sida Xisbullah, Xuutiyiinta, iyo Xamaas, barnaamijeeda nukliyeerka ayaa sidoo kale si degdeg ah u kobcaya.

Iran waxay leedahay tiro ciidan oo gaadheysa in ka badan 500,000 askari oo joogto ah, ciidamo gaar ah sida Sepah (IRGC), iyo awoodo elektaroonig ah oo horumarsan. Waxa kale oo ay ku taagan tahay juqraafi istaraatiiji ah oo fure u ah marin-biyoodka Hormuz, halkaas oo 20% batroolka adduunka ka gudbo.

Israa’iil waxay horey ugu lug lahayd dagaallo Mareykanku galay, sida dagaalkii Ciraaq 2003, oo ay si dadban u taageertay si loo rido xukunkii Saddam Xuseen. Inkasta oo aanay si toos ah Mareykanka u gelin, saameynteedu way muuqanaysay.

Taariikhda dhow waxay sidoo kale muujinaysaa in markasta oo uu jiro dagaal ay Israa’iil la gasho kooxaha Iran taageerto in Mareykanku uu bixiyo taageero muuqata oo dhinacyo badan leh, sida difaaca Iron Dome, sirdoonka, hubka, iyo taageero siyaasadeed.

Haddii dagaalka hadda socda uu sii fido, islamarkaana ay dhacdo in Iran ay beegsato danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida saldhigyadiisa ama maraakiibta badda, waxaa laga yaabaa in Mareykanku uu si rasmi ah dagaalka ugu biiro – si uu u difaaco danihiisa iyo Israa’iil.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu si toos ah ama dadban uga qeyb qaadanayo dagaalka, isaga oo sheegay in taageerada ay siiyaan Israa’iil ay ka dhigan tahay in Washington ay qayb ka tahay colaadda.

Si kastaba ha ahaatee, dareenka guud ee dadweynaha Mareykanka iyo siyaasiyiin badan ayaa ah in laga fogaado dagaal cusub. Dagaal wakhtigan ay Washington gasha wuxuu noqon karaa mid dhaqaale ahaan, siyaasiyan, iyo istaraatijiyad ahaanba khatar ku ah Mareykanka.

Ugu dambeyntii, haddii aan la helin xal diblomaasiyadeed oo degdeg ah, xaaladda u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil iyo xulafadeeda xaaladu waxay noqon kartaa mid gasha marxalad dagaa ballaadhan, taas oo saameyn ku yeelan karta Bariga Dhexe oo dhan, isla markaana dib u habayn ku samayn karta quwadaha gobolka iyo xitaa caalamka.

{DAAWO MUUQAALKA} Waxaan naga reeban, loo joojin maayo.”Wasiir Xasan Macalin”

0

Isniin 16, June 2025 {HMC}  Waxaan naga reeban, loo joojin maayo.”Wasiir Xasan Macalin”

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Si adag ugu digay Shisheeyaha faragilinta ku Haayo Soomaaliya..

0

Isniin 16, June 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Si adag ugu digay Shisheeyaha faragilinta ku Haayo Soomaaliya..

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye muungaab ”“Hal Degmo lagama saarin AS Shantii sano Dowladdii ka horeysay MW Xasan sheekh

0

Isniin 16, June 2025 {HMC} Gudoomiye muungaab ”“Hal Degmo lagama saarin AS Shantii sano Dowladdii ka horeysay MW Xasan sheekh

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye lIibaan ”Muungaab waxaan ka rabnaa dhul aan Dadka ku toogano”

0

Isniin 16, June 2025 {HMC} Gudoomiye lIibaan ”Muungaab waxaan ka rabnaa dhul aan Dadka ku toogano”

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay ka wada hadleeyn Madaxweynayaasha Turkiga iyo Iran?

0

Isniin 16, June 2025 {HMC} Maxay ka wada hadleeyn Madaxweynayaasha Turkiga iyo Iran?

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Horjoogihii ururka Daacish oo ka baxsaday Deegaanda Puntland.

Isniin 16, June 2025 {HMC} Gen. Maxamuud Axmed Faadhigo Afhayeenka howlgalka Hillaac,  ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xogo ay ka heleen sirdoonka caalamka ay ku ogaadeeen in horjooge Cabdulqaadir Muumin uu mar hore ka baxsaday Calmiskaad, halkaas oo ay muddo ka badan lix bilood howlgallo ka wadaan ciidamada Puntland.

Afhayeenka howlgalka Hillaac ma sheegin goorta uu baxsaday iyo sida uu ku baxsaday horjoogaha Daacish, hase ahaatee, wuxuu sheegay in horjoogaha Daacish uusan haatan ku sugnayn buuraha Calmiskaad. Waxaase dhinaca kale uu sheegay in ku xigeenkiisa oo lagu magacaabo, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud ahna madaxa howlgallada Daacish uu ku dhuumaalaysanayo buuraha Calmiskaad, isagoo sheegay inuu rajeynayo in ciidamada amnigu Puntland ay gacanta kusoo dhigidoonaan.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay, kaddib markii madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu maalintii shalay sheegay in lasoo gabagabeeyay wajigii saddexaad ee howlgalka Daacish, isagoo ku dhawaaqay wajigii 4aad ee howlgalka, kaas oo lagu bartilmaameedsan doono goobaha yaryar ee ay ku dhuumalaysanayaan firxadka ururka Daacish.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay Calmiskaad kula dagaalameen ajnebi ka kala yimid qaaradaha Yurub, Afrika, Aasiya iyo Ameerika. Wuxuu sheegay in ay Puntland ka hortagtay halis weyn oo kusoo wajahnayd guud ahaan Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, laamaha amniga Puntland ayaa labo maalin ka hor gacanta kusoo dhigay nin ajnebi ah oo katirsanaa Daacish. Waana ninkii ugu horreeyay oo ajnebi ah caddaan ah oo nolasha lagu qabto tan iyo muddooyinkii ugu dambeeyay.