Sabti 28 March 2026 {HMC} Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Koofur Galbeed oo Gordhow la Doortay
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Sabti 28 March 2026 {HMC} Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Koofur Galbeed oo Gordhow la Doortay
Sabti 28 March 2026 {HMC} Doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay sameeyeen maamulka Koonfur Galbeed, ayaa mar kale loogu doortay Cabdicasiis Laftagreen inuu noqdo madaxweynaha Maamulkaasi.
Khudbad uu jeediyay ayuu kula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh: ”Madaxweynoow lacag aan bixiyay dad Soomaaliyeed ha uleyn, lacagta aad leedahay doorashadaan ku bixiyay, adigu maadan lahayn markii lagu dooranayay hal shilin maadan wadanin,” ayuu yiri.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maamulka Koofur Galbeed ay muddooyinkii dambe xurguf dhex taallay ayaan ansixin doorashadan.
WARAR DHEERI AH
Dhaqaatiir muuqaal ka duubay haween dhalaya kadibna baahiyay oo shaqada kaga cayriyay
Wadamada Khaliijka ma u baahan yihiin istiraatijiyad cusub oo difaaca ah?
Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan dagaalka Iiraan
Sabti 28 March 2026 {HMC} DEG DEG Ciidamada badbaada Koofur Galbeed oo ka Baxay Buurhakaba kuna wajahan Baydhabo
Sabti 28 March 2026 {HMC} Muddo 24 saac gudahooda ayaa magaalada Baydhabo lagu doortay Hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed oo wajahaya cadaadis uga imaanay Dowladda Federaalka.
Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Wakiiilada ee Koofur Galbeed ayaa lagu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo helay 66 cod, halka musharixii al tartamay ee Cabdulaahi Xaaji Xasan helay 13 cod ah.
In kasta oo lagu dhowaaqay guusha Madaxweyne Laftagareen, haddana Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa ka socda dhaqdhaaqyo ay wadaan Ciidanka Federaalka oo doonaya in ay galaan magaalada Baydhabo.
Laftagareen ayaa lagu eedeynayaa inuu ka baxay heshiisyadii hore uu ula galay Dowladda ee qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaannada Koofur Galbeed.
Cabdicasiis ayaa markii ugu horreysay 18 Decembar ee 2018 loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed, isagoo maanta mar kale qabanaya xilkaasi.
Sabti 28 March 2026 {HMC} Barakac ka Billowday Baydhabo Xilli Ciidamada Dowladda ay ku wajahan yihiin
Sabti 28 March 2026 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Hadda ka Baxay Buurhakaba kuna wajahan Baydhabo
Sabti 28 March 2026 {HMC} Maxaa ka Cusub Xaalada Koofur Galbeed.?
Sabti 28 March 2026 {HMC} Xaafadaha magaalada Baydhabo ayaa saaka lagu arkay ciidamo aad u hubeysan, intooda badanna wajiyada qarsaday, kuwaas oo si weyn u xaddiday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Dadka ku nool magaalada ayaa sheegay in ciidamadan lagu arkayo inta badan xaafadaha, iyagoo wata gaadiid dagaal isla markaana xiray qaybo ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee isku xira gudaha magaalada.
Ciidamadan ayaa si gaar ah u adkeeyay ammaanka xarumaha dowladda, isgoysyada waaweyn iyo waddooyinka gala madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyadoo mararka qaar dadka rayidka ah lagu amrayo inay ka leexdaan waddooyin ay hore u mari jireen.
Ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya howlgalka ciidamadan weli si cad looma shaacin. Si kastaba, warar kala duwan ayaa tilmaamaya in arrintan ay la xiriiri karto qorshe doorasho oo uu wado Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed.
Warar kale ayaa sheegaya in maamulka Laftagareen uu wajahayo culays dhinaca amniga ah, taasoo sababtay in la kordhiyo ciidamada si loo xoojiyo ammaanka guud ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan xilli ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed.
Dhanka kale, waxaa jira warar sheegaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda duleedka Baydhabo, kuwaas oo lala xiriirinayo kooxo mucaarad ah oo kasoo horjeeda maamulka, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin awooddooda iyo goobaha ay ku sugan yihiin.
Dadka deegaanka ayaa muujinaya walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda amni ee magaalada, iyagoo ka baqaya in isku dhac ciidan uu ka dhaco Baydhabo, maadaama xiisadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada
Sabti 28 March 2026 {HMC} Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay inay aqoonsadeen gantaal laga soo riday dalka Yemen, sida ay wakaaladaha wararka ee Reuters iyo wakaalada France-Presse ku sheegeen inay tahay tii ugu horraysay ee laga rido Yemen tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay.
“IDF waxay aqoonsatay riditaanka gantaalka Yemen ee ku wajahan dhulka Israa’iil, nidaamyada difaaca hawada ayaa hawlgalaya si ay uga hortagaan khatarta,” milatariga Israel ayaa sidaa ku qoray Telegram. In ka yar 15 daqiiqo ka dib, IDF waxay ku dadka u dirtay digniin.
Arrintan ayaa timid ka dib markii afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto uu sheegay inay geli doonaan dagaalka Bariga Dhexe haddii ay sii socdaan weerarrada Iran.
War qoraal ah oo uu soo dhigay Telegram, Yahya Saree, oo ah afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Yemen – kooxda Xuutiyiinta ee militariga Yemen – wuxuu yiri “faraheenna ayaa kicinaya faragelin toos ah” haddii ay dhacaan xaaladaha soo socda:
Waddamo kasta oo kale oo ku biira Maraykanka iyo Israa’iil oo ka soo horjeeda Iran
Badda Cas waxaa loo adeegsadaa “in lagu fuliyo howlgallada cadawtinimada ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo dal kasta oo Muslim ah”
“sii socoshada xiisadda” ka dhanka ah Iran
Bayaanka ayaa lagu sheegay in tani ay jawaab u tahay “gardarrada joogtada ah ee cadowga Mareykanka iyo Israel ay ku hayaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Falastiin iyo Gaza, Ciraaq iyo Lubnaan”.
Sabti 28 March 2026 {HMC} Doon la sheegay in ay la socdeen dad gaaraya 300 oo ruux oo Tahriibayaal ah ayaa ku rogmatay xeebaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ugu yaraan 9 qof ayaa dhimatay halka la waayay tobanneeyo kale sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Dalkaas.
Waxaa socda howlgalka lagu raadinayo Dadka la waayay iyada oo ay iska kaashanayaan Ciidamada ilaalada Xeebaha Jabuuti iyo howlwadeenno katirsan hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM si loo helo dadkaas la la’ yahay.
Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in ay jiraan Dad lasoo badbaadiyay inkasta oo aan la shaacin tiro rasmi ah, waxaa la geeyay mid kamid ah xarumaha ciidanka Badda Jamhuuriyadda Jabuuti si loo baxnaaniyo kaddibna loo waraysto.
Xubno katirsan ciidamada loo garanayo quusaayaasha ayaa loo diray gunta hoose ee Badda si ay u raadiyaan Dadkaan oo nolol iyo geeri lagu la’ yahay, Xeebaha ay ku caarin karaan ayaa la geeyay Kooxo samafalayaal ah si ay u raadiyaan.
Dadkaan ayaa la sheegay in ay u dhasheen Dalka Itoobiya kuwaas oo damacsanaa in ay u tahriibaan Yemen oo qaarkood degi lahaayeen halka qaarka kale ay uga sii gudbi lahaayeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya sida xogaha la helayo ay muujinayaan.
Dagaallada Sokeeye iyo shaqo la’aanta ka jirta Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa sababtay in boqollaal Dhallinyaro ah ay naftooda ku biimeeyaan Badda Cas iyaga oo aaminsan in ay ka horrayso nolol uga wanaagsan tan dalkooda.