Home Blog Page 9

Donald Trump says Iran ‘not the bully any longer’ in Middle East.

0

Saturday 28 March 2026 {HMC} President Donald Trump slammed Iran’s regional behavior on Friday as a longtime “bully” whose influence he claimed is now diminishing under a US military operation.

“For 47 years, Iran has been known as the bully of the Middle East, but they are not the bully any longer. They’re on the run,” Trump said at the Future Investment Initiative, a Saudi business conference in the US state of Florida.

Trump argued Iranian “terror aggression” and “nuclear blackmail” had defined the country’s posture for decades.

He credited the US military campaign, Operation Epic Fury, with weakening Tehran’s capabilities.

“As you know, we’re gathered at a moment of bold action and historic decision to make America and our allies safer and stronger, more prosperous, more successful than ever before. That’s what’s happening.

“Tonight we’re closer than ever to the rise of the Middle East that is finally free at last, from Iranian terror aggression and nuclear blackmail,” Trump said.

Source AA

WAR DEG DEG AH Lafta gareen oo shaaciyay xildhibaannada cusub ee Baarlamankeeda Koofur galbeed.

0

Sabti 28 March 2026 {HMC} Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa shaaciyay xildhibaannada cusub ee Baarlamankeeda sadaxaad ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Liiska Xildhibaanada cusub waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Gudiga Madaxa banaan Doorashooyinka ee maamulka Koonfur Galbeed

Shaacinta Xildhibaanada ayaa waxa ay imaaneysaa Xili Dowladda Federaalka ay qarka u saaran tahay in ay la wareegto gacan ku haaynta Magaalada Baydhabo oo ah halka magaalo oo uu gacanta ku haayo Lafta gareen.eeb-reebka AFCON 2027, oo ay 31-ka bishan magaalada Port Louis kula ciyaari doonaan dhigooda Mauritius.

{DAAWO SAWIRADA} Xiddigaha Qaranka Soomaaliya oo wacdaro ka dhigay Kulan Ciyaareed Xiiso Badan oo ka dhacay dalka Mozambique

Sabti 28 March 2026 {HMC} Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah ee tartanka Qaramada Afrika 2027, iyaga oo la ciyaaray dhigooda Mauritius.

Kulan ciyaareedkaan oo ka dhacay magaalada Maputo ee caasimadda dalka Mozambique ayay xiddigaha xulka Ocean Stars ku soo bandhigeen ciyaar heer sare ah oo ay ka muuqatay xirfad, isku xirnaaan, hase yeeshee ciyaartu waxa ay ku soo idlaatay 0-0.

Ciyaartooyda xulka kubadda cagta ee Qaranka ayaa u diyaar garoobaya kulanka lugta labaad ee isreeb-reebka AFCON 2027, oo ay 31-ka bishan magaalada Port Louis kula ciyaari doonaan dhigooda Mauritius.

Cutubyadii ugu horeeyey ee ka tirsan ciidanka Gaarka ah ee Kumaandooska DANAB oo gaaray Buurhakaba.

0

Jimco 27 March 2026 {HMC} Cutubyadii ugu horeeyey ee ka tirsan ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska DANAB ayaa goordhaw gaaray degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, halkaas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool ay ku soo dhaweeyeen iyadoo ay ka muuqato taageero weyn oo ka timaada shacabka.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa hadda awood u yeeshay inay si fudud u socdaan dhul fog iyo gobollo kala duwan oo dalka ah, taasoo muujinaysa xoojinta iyo sare u kaca awoodda dowladnimada. Tani waxay caddeyn u tahay guulaha laga gaaray dhinacyada ammaanka iyo nabadeynta ee dalka.

Horjooge walba oo dadka iyo deegaanada afduub u heesta, waxaa suuragal ah in uu la kulmo cadaadis aan horay loo arag, iyadoo 2026 loo rajeynayo inuu noqdo xilli aad u muhiimsan oo dowladnimada xoogeysaneyso.

Colaaddii muddada dheer ka taagnayd dad wada degta deegaanada Baarrow Weyne iyo Mareereey oo Xal laga gaaray.

0

Jimco 27 Mar 20026 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Mudane Maxamuud Maxamed Nuur Masdile, ayaa ku guuleystay hirgelinta mid kamid ah heshiisyadii is-afgarad ee horay loogu gaaray colaaddii muddada dheer ka dhex taagnayd bulshada wada degta deegaanada Baarrow Weyne iyo Mareereey.

Maanta waxaa si rasmi ah loo fuliyay qodob muhiim ah oo ka mid ahaa heshiiska, kaas oo ah kala qaadashada magta marxuumiintii ku naf waayay colaadda, iyadoo mas’uuliyiinta ay goob-joog iyo marag ka ahaayeen si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo hirgelinta heshiiska.

Odayaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyay maamulka gobolka iyo kan degmada dadaalladii ay ku bixiyeen nabadeynta iyo mideynta bulshada, iyagoo tilmaamay in tani ay tahay tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka nabad waarta.

Mas’uuliyiinta ayaa dhankooda ku adkeeyay in la dhameystiri doono qodobada harsan, oo ay kamid tahay kala saarista soohdinta, si looga hortago khilaafyo mustaqbalka dhaca.

DFS oo qarka u saaran in ay la wareegto Magaalada Baydhabo.

0

Jimco 27 Mar 20026 {HMC} Xiisad colaadeed ayaa la dareemayaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buur hakaba oo qiyaastii 60 km isu jira, taas oo u dhaxaysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac waxay saacadihii u dambeeyay halkaas ku daadgureeyeen ciidamo farabadan, iyada oo laga cabsi qabo dagaal deegaannadaas ka qarxa.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamada ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo isku garabsanaya ayaa doonaya in ay la wareegaan Baydhabo, oo ah magaalada keliya ee gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen.

Xiisadda labada dhinac waxay salka ku haysaa khilaafka doorashada maamulkaas ee u dhaxaysa maamulka Laftagareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo qaarkood ay xilalal ka hayaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo booqday qaar ka mid ah dhaawacyada Ciidamada Uganda

0

Jimco 27 Mar 20026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday qaar ka mid ah dhaawacyada Ciidamada Uganda ee howlgalka AUSSOM, kuwaas oo ku dhaawacmay hawlgalladii lagu xoreeyay deegaannada Mubaarak iyo Daarusalaam, iyo sidoo kale dad rayid ah oo ay argagixisadu waxyeello gaarsiisay.

Booqashada ayaa ahayd mid uu Wasiirku ugu kuurgalayay xaaladda caafimaad ee dhaawacyada, isaga oo warbixin ka dhegeystay dhaqaatiirta ku howlan daawaynta iyo la socoshada xaaladdooda caafimaad.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan kuwa Uganda, ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo taageeridda hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyay geesinimadooda iyo naf-hurnimadooda dagaallada lagula jiro argagixisada khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana dhammaan dhaawacyada u rajeeyay kabasho degdeg ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa mid mid u booqday dadka rayidka ah ee ay argagixisadu si ula kac ah u beegsatay, kuwaas oo waxyeello ka soo gaartay falalka aargoosiga ah ee ay ka fuliyeen deegaannada laga xoreeyay.

Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyay Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, iyo Taliyaha Qaybta Koowaad ee AUSSOM (Sector One), Sareeye Guuto Jackson Kayanja.

Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay daryeelka iyo garab-istaagga dhammaan ciidamada dhaawacmay iyo shacabka waxyeelladu gaartay, isla markaana la sii xoojin doono wada-shaqeynta saaxiibbada caalamiga ah si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dowladda Ingiriiska oo War ka soo saartay Xiisada Koofur Galbeed.

0

Jimco 27 March 2026 {HMC} Qoraal ay soo saartay safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa looga digay in xaaladaha ka taagan Koofur Galbeed ay abuurayaan xasilooni darro saameysa bulshada degaanka oo horay ula daalaa dhacaayey abaaraha jira iyo daruufo kale.

Dowladda Ingiriiska ayaa ku boorrisay dhammaan dhinacyada xiisaddu u dhaxayso inay is xakameeyaan oo ay mudnaanta siiyaan yareynta xiisadda, Islamarkaana ay xiriir la sameyneyso oo ay kala hadlayso dhinacayada ay quseyso ee heer federaal iyo heer dowlad goboleedba.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo Talyaaniga kaga qayb galay shirka African Land Forces Summit 2026.

0

Jimco 27 March 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Sareeye guuto Sahal Cabdulahi Cumar ayaa magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga kaga qayb galay shirka Taliyayaasha Ciidamada Dhulka ee Afrika, African Land Forces Summit 2026.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiso Dawladda Maraykanka, islamarkaana sanad walba la isugu keeno Taliyayaasha Ciidamada Dhulka ee qaaradda Afrika iyo bahwadaagtooda caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, horumarinta awoodaha ciidamada, iyo la tacaalidda caqabadaha amni ee wadajirka ah.

Sanadkan waxaa si gaar ah shirka doodiisi ay aheyd Ka doodista doorka sii kordhaya ee tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo sida ay u beddelayaan qaabka hawlgallada militari iyo qorsheynta istaraatiijiga ah.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu Waa Weyn ee Soomaaliya iyo Caalamka 27-03-2026

0

27 March 2026 {HMC} Wararka Ugu Waa Weyn ee Soomaaliya iyo Caalamka 27-03-2026

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.