Talaado 10, June 2025 {HMC} Maxaa kasoo kordhay gogoshii uu fidiyay Madaxweyne Xasan?
Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya iyo Iskaashiga Gobolka.
Talaado 10, june.2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, Mudane Musalia Mudavadi, xilli uu socday Shirka heer-Wasiir ee Isuduweyaasha FOCAC, oo lagu qabtay magaalada Changsha ee dalka Shiinaha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Wasiir Cabdisalaam uu si cad u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan wada-hadallada iyo iskaashiyada laba-geesoodka iyo kuwa caalamiga ahba lagu fuliyo oo keliya, iyada oo loo marayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.
Wasiirku wuxuu si xooggan u muujiyay in la dhowro madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay aasaaska deris wanaagga iyo xasilloonida guud ee gobolka.
Dhankiisa, Wasiir Mudavadi wuxuu mar kale ku celiyay mowqifka dawladda Kenya ee ah in ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo mabaa’diida deris wanaagga, xushmadda qarannimada, iyo wadajirka gobolka.
Labada dhinac waxay isku raaceen in la dedejiyo qabsoomidda kulanka Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya (JCC), si loo dhamaystiro heshiisyadii hore ee hakadka galay, loogana shaqeeyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo arrimaha amniga.
Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Kenya kaalinta ay ku leedahay nabad ilaalinta Soomaaliya, gaar ahaan doorka muuqda ee ay ka ciyaartay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, oo Kenya ay in ka badan 25 sano qayb muhiim ah ka ahayd.
Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Kenya u fadhisa Shiinaha, Ambassador Willy Bett , Safiirka Soomaaliya u fadhisa Shiinaha, Marwo Hodan Cismaan Cabdi; Danjire Jane Major, Agaasimaha Arrimaha Aasiya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya; iyo dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Saciid Jaamac Mire, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Aasiya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10-06-2025}
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii :: Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Muungaab “Xamar waa inuu maqaam yeesho oo gobolada kale la mid noqdo”
Talaado 10, June 2025 {HMC} Gudoomiye Muungaab “Xamar waa inuu maqaam yeesho oo gobolada kale la mid noqdo”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Saraakiil sar sare oo dardaaran adag siiyay ciidamada dowlada
Talaado 10, June 2025 {HMC} Saraakiil sar sare oo dardaaran adag siiyay ciidamada dowlada
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo aano qabiil loogu xiray Gaalkacyo
Talaado 10, June 2025 {HMC} Dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo aano qabiil loogu xiray Gaalkacyo
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQALKA ] Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 10/6/2025
Talaado 10, June 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 10/6/2025
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 10 06 2025
Talaado 10, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Mustaf Cadoow & Yaasiin Cali
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
{DAAWO MUUQAALKA} Maxay ciidamada Mareykanka ka wadaan saldhiggooda Kismaayo?
Talaado 10, June 2025 {HMC} Maxay ciidamada Mareykanka ka wadaan saldhiggooda Kismaayo?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Kalluumeysato ku xirnaa xabsiyada Puntland oo lasii daayay
Talaado 10, June 2025 {HMC} Kalluumeysato ku xirnaa xabsiyada Puntland oo lasii daayay



