Home Blog Page 803

Kenya iyo Jubaland oo Kawada Hadlay Xoojinta Ammaanka Xuduuda ay Wadaagan Soomaaliya iyo Kenya

Talaado 10, June 2025 {HMC} Madaxweyne Kuxigeenka kowaad ee Dowladd Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Mandera ayaa si gaar ah waxa ay uga wada hadleen sidii diiradda loo saari lahaa arrimaha la xiriira isu socodka dadka shacabka ah iyo ammaanka xuduudaha.

Sido kale shirka ayaa intiisa badan waxaa xoogga lagu saaray xoojinta iskaashiga ku aaddan xal u helidda caqabadaha ka jira xuduudaha iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxda Al shabaab.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in Dowlad Goboleedka Jubaland ay dagaal xoogan ay kula jirto kooxda Al shabaab ayna u ogolaan doonin inay waxyeeleeyaan ganacsiga isaga gudba degaanada xuduudaha ee Soomaaliya ay Kenya la wadaagto.

Gabagabada kulanka waxaa la isku afgartay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo wada shaqeynta dhanka amniga ee xuduudaha, si loo sugo xasilloonida deegaannada xuduudka iyo in si wadajir ah looga hortago falalka amni-darro ee halis gelin kara nolosha dadka deegaanka.

Dhowr jeer oo horey ayay dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay weeraro gaadma ah ka geeysteen Gobolka Mandheera, waxaana walaac xoogan ay ku abuurtay isku socodka ganacsatada Soomaaliyeed ee u gudba dhinaca Mandheera iyo Kenya oo dhowr jeer degaanadaas bandow kusoo rogtay si loo yareeyo weerarada Al shabaab.

Maxeey Tahay Baaqa uu Doowladda U Diray MW Hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed?

Talaado 10, June 2025 {HMC} Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay intaan la gaarin 15ka June ee la doonayo inuu dhaco Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in la dhiso guddiyo farsamo oo ka ka socda dhinacyada ay gogosha quseeyso.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in guddiyadaan farsamo ay muhim u noqon doonaan in gogoshu noqoto mid miro dhal ah, loogana gaaro xal waara xaaladaha cakiran ee Soomaaliya ka taagan.

Waxaa uu shaaca ka qaaday in mar kale uu caddeynayo in ka hor furitaanka shirka, ay lama huraan tahay in la dhiso guddiyo farsamo oo metelaya dhammaan dhinacyada ay khusayso, si ay isula meel dhigaan arrimaha aasaasiga u ah guusha shirkan.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa soo bandhigay sidoo kale muhiimada ay leedahay in Ajandaha rasmiga ah ee shirka uu noqdo mid wada xaajood laga sameeyo si loogu heshiiyo qodobbada hortebinta leh ee looga baxayo siyaasadda cakiran ee dalka ka jirta.

Ugu dambeyntii waxa uu soo jeediyay in si waqtiga looga faaideysto, aragtiyada iyo mowqifyadana loo mideeyo in ay lagama maarmaan tahay in shirarka la mideeyo oo hal gogol oo loo dhanyahay laga dhigo.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa isasoo taraayay walaaca laga qabo in markale uu hakad ku imaan doono shirka wadatashiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay si go’aano mideeysan looga gaaro arrimaha muranka badan ay ka taagan yihiin sida Dastuurka, Doorashooyinka 2026, ammaanka iyo waxa laga yeelayo Dowlad Goboleedyada maqan ee siyaasad ahaan ay is hayaan Dowladda.

Soomaaliya Miyaa Ka Noqotay Amarkii Xayiraadda Baasaboorka Taiwan?

Talaado 10, June 2025 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ay ka noqotay xayiraaddii ay kusoo rogtay baasaboorka Taiwan, taas oo hor istaagtay safar uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan ku tegi lahaa Somaliland.

Troy Fitrell, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka, oo dhawaan hortagay Golaha Senate-ka Maraykanka, ayaa sheegay in Soomaaliya ka noqotay amarkii xayiraadda baasboorka Taiwan.

“Waan ku faraxsanahay in dowladda Soomaaliya ay ka noqotay amarkii xayiraadda, isla markaana ay billowday inay markale ixtiraamto baasaboorka Taiwan,” ayuu yidhi Fitrell.

Waxa uu intaas ku daray in waddan kasta oo farageliya xidhiidhka arrimaha dibadda ee Taiwan uu dirayo fariin ah in aanu dooneyn inuu la macaamilo dunida xorta ah, isla markaana aanu rabin inuu Maraykanka la yeesho xidhiidh wax ku ool ah. Waxa uu sidoo kale digniin u diray waddan kasta oo faragelin ku sameeya Taiwan, isagoo sheegay in arrintaasi khatar galin karto xidhiidhka uu waddankaasi la leeyahay Washington.

“Taiwan waa xubin masuul ah oo ka tirsan beesha caalamka, sidaa darteed xidhiidhkeedu waa mid muhiim ah. Waxaa jira waddamo Shiinaha u habranaya oo Taiwan dhibaataynaya. Sida ay Taiwan ula dhaqmaan waxay noo diraysa fariin sheegaysa inaysan wax tar u lahayn dunida xorta ah,” ayuu yidhi Fitrell.

“Waxa ay sidoo kale su’aal gelinayaan xidhiidhka ay nala leeyihiin anaga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa sheegay in taageerada Shiinaha ee Soomaaliya ay si toos ah ugu gudubto kooxo kasoo horjeeda Somaliland oo ay ku tilmaameen inay tahay saaxiib uu Maraykanka, Reer Galbeedka, iyo Israa’iil ku leeyihiin Geeska Afrika.

Xildhibaanada ayaa masuulka weydiiyay waxa uga meel yaalla in Maraykanku uu xidhiidh toos ah la yeesho Somaliland, iyagoo sheegay in arrintaasi muhiim u tahay ka hortagga is-ballaadhinta Shiinaha ee gobolka. Firtell ayaa sheegay in ay la shaqaynayaan cid kasta oo diyaar u ah inay la macaamisho dunida xorta ah.

Isla markii xayiraadda la saaray baasaboorka Taiwan, qaar kamid ah xildhibaanada Kongress-ka ayaa ku hanjabay in Soomaaliya ay ka tanaasushay xidhiidhkii ay la lahayd Maraykanka. Diblumaasiyiin ka ag dhow maamulka Trump ayaa sidoo kale sheegay in Xeerka Ilaalinta Taiwan (Taipei Act), oo la meel mariyay sannadkii 2020, uu qaban doono Soomaaliya, taas oo keeni karta cadaadis kaga yimaada Washington.

Shiinaha ayaa dhankiisa soo dhaweeyay xayiraadda baasaboorka Taiwan, halka Taiwan ay iyaduna xayiraad kusoo rogtay baasaboorka Soomaaliya, taas oo ahayd jawaab celin.

Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay ku hor istaagayaan xidhiidhka u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland oo bilowday sannadkii 2020, maadaama labaduba ay qabaan in Hargeysa iyo Taipei ay hoos tagaan Muqdisho iyo Beijing.

Puntland oo Sii Daaysay 26 Kalluumeysato ah oo u Dhashay Dalka Yemen

Talaado 10, June 2025 {HMC} Maamulka Puntland ayaa sii daayay 26 qof oo kalluumeysato dhalatay dalka Yemen oo ku dhowaad hal bil lagu hayay xabsi ku yaalla deegaannada Maamulkaasi.

Kalluumeysatadan oo saarnaa markabka Maymoon-1, ayaa la qabtay 14-kii May 2025, kadib markii la arkay iyaga oo si sharci darro ah uga kalluumeysanaya Biyaha Soomaaliya.

Ka dib xarriga Kalluumeysadan, Dowladda Yemen ayaa waday dadaallo lagu sii daynayo, iyaga oo si dhow ula shaqeynayay Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta garsoorka Puntland ayaa go’aansaday in la cafiyo Kalluumeysatada, dibna loo siiyo xurriyadooda.

Kalluumeysatadii la sii daayay ayaa si nabad ah ku gaaray dekedda Al-Sheher ee Yemen, halkaasi oo ay si diirran ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiinta Dowladda iyo qoysaskooda.

Muxuu Yahay Shirka aay Soomaaliya ugu Qeeybgaleeyso Shiinaha?

Talaado 10, June 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali Dhaay ayaa gaarey magaalada Changsha ee xarunta gobolka Hunan ee dalka Shiinaha, halkaasi oo ka dhici doono Shir looga hadlayo Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Shirkan ayaa diirada lagu saari doona iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Shiinaha iyo waddamada Afrika iyo Dardar galinta mashaariicda iskaashi ee dhinacyada horumarka, ganacsiga, maalgeshiga, iyo dhaqaalaha.

Abdisalam Dhaay ayaa la filayaa inuu kulammo doceed la yeesho mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Shiinaha iyo madax ka kala socda dalalka Afrika, si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, loona kobciyo iskaashiga dhaqaale iyo horumarineed ee labada dal.

Bandhigga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Shiinaha iyo Afrika oo soconaya dhowr maalmood ayaa sidoo kale lagu soo bandhigi doona fursadaha ganacsi, maalgashi iyo wax-soo-saarkooda, iyada oo la xoojinayo wada-shaqeynta ganacsi ee labada dhinac.

Mareeyanka oo Sheegay in Deeqa aay Caalamka Siiyaan ayna eheen Sadaqo

Talaado 10, June 2025 {HMC} Xogyaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa ka hadlay deeqaha Mareykanka bixiyo ee la siiyo Bulshada Caalamka.

Xoghaya ayaa si cad u sheegay in deeqdaasi iyo lacagaha taageerada ee ay bixiyaan aysan aheyn sadaqo, balse ay muhiim tahay in lagu bixiyo meel u adeegaysa danaha qarankiisa.

“Deeqda aan bixino sadaqo maahan, waa in ay u adeegaysa danaheena Qaranka, waxaan u baahanahay in aan naqshadeyno Waaxda Arrimaha Dibadda taas oo wax ka qabata” ayuu yiri Xogyaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio

Hadalka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ayaa ku soo aadaya xilli Mareykanka joojiyay deeqo badan oo ku bixin jiray dalal ay kamid taha Soomaaliya.

Maamulka Donald Trump ayaa meesha ka saaray Hay’adda USAID oo bixin jirtay gargaarka dibadda ee caalamiga ah.

Boqolaal Kun Suuriyaan ah oo Dalkooda Dib ugu laabanaya

Talaado 10, June 2025 {HMC}  Nus milyan muwaadiniin reer Suuriya ah ayaa dib ugu soo laabtay gudaha wadankooda, tan iyo 8-da December 2024, sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha ee dalkaasi.

Agaasimaha oo la hadlay wakaaladda wararka ee SANA, ayaa sheegay in tiradan laga diiwaangeliyay baraha xuduudaha dalka, iyagoo kasoo laabtay dalalka dariska ah ee Turkiga, Lubnaan, Urdun, iyo Ciraaq.

Waxaa sidoo kale jira tobannaan kun oo muhaajiriin ah oo dib ugu soo laabtay dalka tan iyo markii laga xoreeyay nidaamkii Bishaar Al-Asad.

Wuxuu sheegay in muddada u dhaxaysay 8-da December 2024 ilaa 8-da June 2025, ay dalka kusoo noqdeen dad lagu qiyaasay nus milyan, taasoo qeyb ka ah barnaamijka dib-u-soo-celinta muwaadiniinta si iskood ah uga soo laabanaya dibedda.

Hay’addu waxay sidoo kale ku dhawaaqday in dhammaan alaabaha guriga iyo agabka gaarka ah ee ay wataan dadka soo laabanaya laga dhaafayo cashuuraha iyo khidmadaha xuduudaha, si loo dhiirrigeliyo soo laabashadooda, loogana taageero xasilloonida noloshooda iyo midda qoysaskooda.

Jubbaland Vice President, Mandera governor discuss border security and fight against al-Shabab

0

Tuesday 10,June 2025 {HMC}  The First Vice President of Somalia’s Jubbaland State, Mahmoud Sayid Aden, met Monday with the Governor of Kenya’s Mandera County to discuss cross-border security and the movement of people along the shared frontier.

The two leaders focused on strengthening bilateral cooperation to address growing challenges in the border regions, particularly those posed by al-Shabab, the extremist group responsible for attacks in both countries.

Vice President Aden emphasized that the Jubbaland administration is fully engaged in combatting al-Shabab and is committed to protecting cross-border trade.
“We will not allow al-Shabab to disrupt economic activity or endanger the lives of our citizens and neighbors,” he said following the meeting.

Delegations from both administrations agreed to accelerate joint efforts on border security coordination. The goal, they said, is to ensure long-term stability, protect civilian lives, and prevent further insecurity in vulnerable areas.

Mandera County, which borders Somalia’s Gedo and Lower Juba regions, has experienced repeated al-Shabab ambushes in recent years. Kenyan authorities have periodically imposed curfews in Mandera and surrounding areas to limit the group’s movements and reduce the threat of attacks.

Concerns remain high over the safety of Somali traders and civilians traveling to and from Mandera, with both governments pledging to continue their collaboration to secure the region.

 

 

Ma’awisley commander urges shake-up of Hirshabelle leadership over AS fight

0

Tuesday 10,June 2025 {HMC} The commander of Somalia’s Ma’awisley community defense forces, Ali Jeyte Osman, has called on President Hassan Sheikh Mohamud to overhaul the leadership of the Hirshabelle regional administration, accusing officials of neglecting the fight against al-Shabab.

Speaking at a press conference Monday, Jeyte criticized Hirshabelle President Ali Gudlaawe Hussein and his deputy for their absence during key moments in the conflict. He claimed their international travel has contributed to poor coordination in military operations and a lack of basic public services in the region, including education and healthcare.

Jeyte said the federal government must intervene by either replacing the regional leadership—whose mandate he claims has expired—or appointing new governors for Middle Shabelle and Hiiraan regions if constitutional changes cannot be implemented quickly.

He also addressed the ongoing clan-based violence in Hiiraan, calling for urgent justice and reconciliation efforts. “The inter-clan fighting must stop immediately,” he said. “People are demanding justice, and their grievances must be addressed.”

The Ma’awisley forces, largely composed of local militias supporting the national army, have played a key role in resisting al-Shabab in central Somalia.

Al-Shabab, an extremist group affiliated with al-Qaida, has waged a violent insurgency in Somalia for more than 15 years. It is designated a terrorist organization by the Somali government, the United Nations, the United States, and the African Union. The group continues to carry out deadly attacks, including suicide bombings and assassinations targeting civilians, government officials, and security forces.

British soldier accused of rape in Kenya sent back to UK.

0

Tuesday 10,June 2025 {HMC} A British soldier accused of raping a woman near a controversial army camp in Kenya has been sent back to the UK, as investigations continue, the BBC understands.

The alleged rape happened last month close to the British Army Training Unit Kenya (Batuk) near the town of Nanyuki, 200km (125 miles) north of the capital, Nairobi.

The man was arrested by the UK military and questioned following the alleged incident, which occurred after a group of soldiers visited a bar in the town.

An investigation is being carried out by UK military police from the Defence Serious Crime Unit, which looks into crimes allegedly committed by British service personnel in the UK and overseas.

The UK Ministry of Defence confirmed in a statement that a “service person” had been arrested in Kenya.

“Unacceptable and criminal behaviour has absolutely no place in our Armed Forces and any reporting of a serious crime by serving personnel is investigated independently from their chain of command,” the MoD said.

The alleged rape involving a soldier from the British base in Kenya follows previous allegations that a soldier stationed in Kenya was involved in the murder of a local woman in 2012.

The body of Agnes Wanjiru, who was 21 and a mother of one, was found in a septic tank near the Batuk base three weeks after she disappeared, allegedly after spending the evening with British soldiers.

The UK-based Sunday Times newspaper reported in 2021 that a British soldier was believed to have been responsible for her murder.

The MoD has since said it was co-operating with a Kenyan investigation into the incident.

The Batuk base was established in 1964 shortly after the East African nation gained independence from the UK.

The UK military has an agreement with Kenya under which it can deploy up to six army battalions a year for periods of training at the site.

But the British army has faced a string of allegations about the conduct of some UK personnel at the camp.

A public inquiry set up by Kenyan MPs last year heard details of alleged mistreatment of local people by British soldiers.

The allegations included a reported hit-and-run incident, as well as claims that some British soldiers had got local women pregnant before abandoning them and their children when they returned to the UK.

Source BBC NEWS