Home Blog Page 804

Xildhibaan Jeesaw oo weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Gaashaandhigga.

Talaado 10, June 2025 {HMC} Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesaw oo kamid ah xubnaha golaha shacabka barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirkiisa Gaashaandhigga.

Ugu horrayn xildhibaan Jeesaw ayaa eedaymo ujeediyey wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Somalia Axmed Macalin Fiqi oo uu sheegay inuu ka beensheegay dagaalka xoogagga deegaanku kula jiraan Alshabaab, wuxuuna ku sifeeyey shaqsi aan mucaarad iyo muxaafid midna ku habboonayn.

“Wasiir Fiqi ma ahan nin muxaafadkana ku roon mucaaradkana ku roon ciidi uu la jirana ceeb ayuu u keenayaa,waa ninkii isagoo mucaarad ah lahaa 1991-kii ayaa loo laabanayaa waan ognahay wadooyinka ayuu taagnay”, Ayuu yiri xildhibaan Daahir Aamiin Jeesaw”.

Dhanka kalena, xildhibaanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu daacad ka noqdo dagaalka Alshabaab iyo xal u helidda khilaafyada siyaasadeed ee dalka, isagoo xusay in madaxweynaha waqti ku socdo daacadnimaduna ay isaga badbaado u tahay.

“Madaxweynuhu caacad kama ahan waxa uu sheegayo, laakiin isaga ayey u roontahay inuu daacad noqdo oo ka libkeeno waayo waqti ayaa ku socda”,Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Aamin Jeesaw.

Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa kamid ah xildhibaannada mucaaradka ee sida weyn u weerara siyaasadda Villa Soomaaliya, waxaana hadaladda adag ee xildhibaanka si weyn u dhibsada madaxda dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta kale ee taabacsan siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10-06-2025}

Talaado 10, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Korneyl Carab “Magaalada Baledweyne Arbushaad lagama geysan karo”.

0

Talaado 10, June 2025 {HMC} Korneyl Carab “Magaalada Baledweyne Arbushaad lagama geysan karo”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Nabadoon Cabdi Muumin oo si Adag ula dar-daarmay Ciidanka Macawisley

0

Talaado 10, June 2025 {HMC} Nabadoon Cabdi Muumin oo si Adag ula dar-daarmay Ciidanka Macawisley

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} “Reer keyga waxa gaarsiiseen heer ay ka cararaan Nasabadooda qabiil” Eng Cabdulqaadir

0

Talaado 10, June 2025 {HMC} “Reer keyga waxa gaarsiiseen heer ay ka cararaan Nasabadooda qabiil” Eng Cabdulqaadir

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Puntland oo faah-faahin ka bixisay Hadal muran badan Dhaliyay uu jeediyay Madaxwayne Deni.

Talaado 10, June 2025 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa faahfaahin ka bixiyay hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo si weyn uga dhex abuuray dood iyo falcelin baraha bulshada.

Hadalka Madaxweynaha oo ku saabsanaa “iib-geynta dalka” ayaa dad badan, oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal, ku fasireen inuu la xiriiray heshiisyo lagu bixinayo kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland, sida macdanta, iyadoo laga cabsi qabay in shirkado shisheeye lagu wareejinayo.

Balse Wasiir Maxamed Faarax ayaa beeniyay eedahaasi, isagoo sheegay in hadalka Madaxweynuhu uusan ahayn mid la xiriira xaraashka kheyraadka, balse uu ahaa mid dhiirigelinaya maalgashi caalami ah oo waxtar u leh dalka. Wuxuu xusay in si qaldan loo turjumay micnaha hadalka Madaxweynaha.

“Iib-geyntii Madaxweynuhu sheegay waxa loo qaatay in waddanka la
xaraashayo, laakiin fahamku sidaasi ma ahayn,” ayuu yiri Wasiirku. “Waxaan
rabnaa in aan iib-geyno nabadda ka jirta waddankeena, in aan iib-geyno
ammaanadeenna, si dalkeena loo maalgashado.”
Wasiir Maxamed Faarax ayaa intaas ku daray in Puntland rabto in ay “iibgeyso” muuqaalka wanaagsan ee ay leedahay: “Waxaa la rabaa sidoo kale in
aan iib-geyno dad lala dhaqmi karo in aan nahay, in aan iib-geyno
dalkeenna baraf in uusan ka di’in oo qorrax helno sannadkii oo dhan,
waxaan rabnaa in aan iib-geyno in waddankeenu ku wacan yahay beerasho
iyo maalgashi.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyn xusay in Puntland ay dooneyso in ay soo jiidato
maalgashi sharci ah oo kaabaya horumarka dhaqaale, isla markaana aanay
jirin wax heshiis ah oo lagu xaraashayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

 

Xaaladda magaalada Los Angeles oo faraha ka baxday iyo trump oo qaaday Tallaabo kale.

Talaado 10, June 2025 {HMC} Waxay u muuqata mid faraha ka sii baxeysa Xaaladda ka tagaan magaalada Los Angeles iyo magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka California, waxaana maalintii labaad soconaya isku soo baxyada looga soo horjeedo howlgallada maamulka Trump ay doonayaan in ay ku masaafuriyaan dadka soogalootiga ah ee ku sugan gobolkaas.

Tallaabada Trump ayaa dhalisay in ay boqollaal ruux isugu soo baxaan waddooyinka, si ay uga horyimaadaan howlgallada masaafurinta, kuwaasoo iminka In ka badan 56 qof loo xiray.

Trump oo 2,000 oo ka tirsan ciidanka ilaalada qaranka u diray California, ayaa ku sifeeyey xaaladda halkaa ka jirta mid ‘aad u xun, iyadoo la arkay gaadiidka ciidanka iyo kuwa ICE oo ay dadweynaha burburiyeen, taas oo noqotay mid ay aad u hadal hayaan Warbaahinta Caalamka.

Aqalka Cad ayaa qiray in ugu yaraan ay dalka joogaan 11 milyan oo oo qof oo muhaajiriin sharci-darro ah.”

Magaalada Los Angles waa magaallo ballaaran oo ammaan ah oo qof kasta oo soo galooti ah uu soo galo iyadoo la ilalaiyo xuquuqdiisa dadnimo, mid shaqaalle iyo mid sharciyadeedba, iyadoo askariga dowlada ee gobolku aanu qaban karin isla markaasina aanu la shaqeyn karin dowlada Federaalka ah isagon dadweynaha aan iska weeydiin karin dalka ay ka yimaadeen.

Mid ka mid ah tallaabdiisii ugu horreeysay ee uu sameeyay muddo xileedkiisii labaad waxay ahayd inuu joojiyo soo gelitaanka dhammaan muhaajiriinta aan sharciga haysan.

Mas’uuliyiinta ilaalada xuduudaha ayaa loo sheegay in ay dadka ka celiyaan halkaa iyaga oo aan la siin doonin qaabilaad magangalyo.

Trump ayaa sidoo kale si degdeg ah ugu dhaqaaqay in uu ballaariyo musaafurinta degdegga ah ee muhaajiriinta aan sharciga lahayn ee mar hore soo galay waddanka.

Kuwa weli ku sugan Mareykanka, Trump wuxuu ku dhawaaqay qorshooyin lagu diiwaan gelinayo muhaajiriinta aan sharciyeysneyn, isagoo ka digay in qof kasta oo aan saxiixin uu wajihi karo dacwad.

Bishii la soo dhaafay, dawladda Maraykanku waxay sidoo kale u soo bandhigtay muhaajiriinta dalka ku jooga sida sharci darrada ah in la siiyo 1,000 doollar, haddii ay “is-musaafuriyaan” oo ay doortaan inay baxaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Dhacdooyinka caalamka 09-06-2025

0

Isniin 9, June 2025 {HMC} Dhacdooyinka caalamka 09-06-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 09-6-2025.

0

isniin 26, May 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

kulan ciyaaey

{DAAWO MUUQAALKA} Aroosad Xabsiga la dhigay kadib markii looga shakiyey ninkeeda ineey dishay.

0

Isniin 09, June 2025 {HMC} Aroosad Xabsiga la dhigay kadib markii looga shakiyey ninkeeda ineey dishay.