Jimac 20 Feb 2026 {HMC} Shirka dowladda iyo Mucaaradka oo baaqday.
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Puntland oo Gacanta ku dhigay Xubno tirsan Daacish
Jimac 20 Feb 2026 {HMC}Ciidanka Puntland oo Gacanta ku dhigay Xubno tirsan Daacish
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
Qarax Aroornimadii hore ee Saakay ka dhacay Muqdisho o gaar ahaan Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.
Jimc 20 Feb 2026 {HMC}Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Aroornimadii hore ee Saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, jugta qaraxaan ayaa laga maqlay qaybo kamid ah Caasimadda.
Sida ay ku warrameen ilo kala duwan, qaraxaan la sheegay in uu ahaa mid ka yimid gaari la shaaciyay in uu leeyahay sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya loona badinayo in lagu xiray inkasta oo aanay jirin warar faahfaahin oo Hay’adaha Ammaanka bixiyeen.
Lama sheegin khasaara uu gaystay qaraxaas, waxaana gaariga uu haleelay la sheegay in uu leeyahay Janaraal Cabdirisaaq Afgaduud oo katirsan Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo la tilmaamay in uusan la socon xiligii uu qaraxaas dhacayay.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa ku dhaqaaqay baaris la xiriirta qaraxaas inkasta oo aanay jirin faahfaahin ay ka bixiyeen arrintaan maadaama Dadka Muqdisho muddo ugu danbaysay in ay maqlaan dhawaqa Qaraxyada.
Somalia Launches Issuance of East African Passport.
Friday 20 Feb 2026 {HMC} I would like to join my fellow Somali people to celebrate the rise in the value and recognition of the Somali passport on the global stage.
From a passport ranked 111 in 2021, our Somali passport has climbed to 96th today, improving by 15 places. Today, we do not just hold a passport. We hold a passport that opens doors, builds connections, and signals to the world: Somalia is back.
This reflects the growing confidence of the world in Somalia’s progress, stability, governance, and international standing.
Today, Somali citizens can travel to nearly 40 countries with visa-free access, or visas on arrival, a tangible benefit that touches the lives of every citizen, from students to businesspeople, from families to professionals.
Many of our international partners have already extended visa-free entry to holders of the Somali diplomatic passport, and we remain optimistic that, in the near future, this privilege will be expanded to all our citizens.
Somalia will continue to play an active role in advancing sustainable development, expanding trade, creating jobs, and improving the living standards of East African citizens.
It is a milestone for the Somali people and for every citizen who has never lost hope in this country.
WAR DEG DEG AH: Soomaaliya oo biloowday bixinta Baasaboorka Bariga Afrika.
Jimc 20 Feb 2026 {HMC} Maanta Soomaaliya waxa ay biloowday bixinta Baasaboorka Bariga Afrika oo la siinayo shacabkeenna, ardayda, ganacsatada, shaqaalaha, iyo qoysaska, tan oo fureysa albaabka gobolka iyo dunida inteeda kaleba.
Ku biirista Bulshooyinka Bariga Afrika, waa astaan lahaansho, waxa ay fududeynaysa socdaalka, abuureysana fursado wadaag ah, taasi oo ka dhigan sare u kaca aqoonsiga uu dunida ka heley baasaboorka Soomaaliga ah.
Baasaboorkeena oo sanadkii 2021-dii ku jiray kaalinta 111-aad ee dunida, ayaa hadda soo gaaray kaalinta 97-aad, sarena u kacay 15 buundo.
Maanta dadkeena ma haystaan baasaboor oo kaliya, ee waxa ay haystaan baasaboor albaabo badan fura, abuura xiriiro, dunidana tusaya in Soomaaliya ay dib usoo laabatay.
Waxaa muuqata kalsooni sii kordheysa oo uu adduunka ku qabo baasaboorka Soomaaliga ah dowlad wanaag iyada oo ay kordhayso kaalinta Basabboorka Soomaaliya ee heerarka caalamka.
Maanta muwaadhiniinta Soomaaliyeed waxa ay si xor ah ugu safri karaan ku dhowaad 40 waddan si dal ku-gal la’aan ah ama dal ku-gal garoonka laga qaato, taas oo faa’iido la taaban karo u ah muwaaddiniinta, ardayda iyo ganacsatadaba.
In badan oo ka mid ah bah-wadaagteenna caalamka ayaa noo fidiyay fursadda dal-ku-gal la’aanta ah ee dadka wata baasaboorka diblumaasiga, waxaanna rajo togan ka qabnaa in fursadaasi ay helaan shacabka intiisa kale.
Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika, waxa uu xoojinayaa ganacasiga, dhaqaalaha iyo amniga gobolka, waxa uu fududeynayaa socdaalka, wuxuu balaarinayaa is-dhexgalka, isaga oo sare u qaadaya fursadaha jira sida waxbarasho, iyo isweeydaarsiga dhaqanka.
Sidoo kale waxa uu qiimo weyn u yeelayaa baasaboorka Soomaaliga ah, kaas oo hadda noqday summadda adkaysiga, hamiga dheer, iyo sare u kaca heybadda Qaranka.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii Shir-madaxeedkii dalalka Bariga Afrika ee 2024 ay lagu ansixiyey in Soomaaliya ku biirto ururkan Bariga Afrika.
Dadka Soomaaliyeed ma ahan kuwo faro-madhnaan la tagaya ururrada dunida, ee waa dal istaraatiiji ah oo leh xeebta Afrika ugu dheer, iskuna xireysa qaaraddan iyo Gacanta Carbeed, leh raasumaal dhaqaalaha buluugga ah, Dekedo, Kalluun, iyo xeendaabyo ganacsi, kuwaas oo Badweynta Hindiya u horseedi kara fursado wanaag ah oo barwaaqo sooran lagu gaaro.
Ka go’naanshaha Soomaaliya ee ka mid ahaanshaha Ururka Bariga Afrika waa mid giijisan, Soomaaliya waxa ay door firfircoon ka qaadanaysaa horumarka waara, ganacsiga, shaqo abuurka iyo sare u qaadista tayada nolosha ee dadka Bariga Afrika.
Iran, Russia to hold joint naval drill in Gulf of Oman.
Friday 20 Feb 2026 {HMC} Iran and Russia will hold a joint naval exercise on Thursday in the Gulf of Oman and the northern Indian Ocean, an Iranian naval commander said.
Iranian naval commander Captain Hassan Maqsoudlou said the combined naval exercise of the Islamic Republic of Iran Navy and the Russian Federation Navy will take place in the Gulf of Oman and the northern Indian Ocean region, according to the Iranian official news agency IRNA.
The drill aims to “expand joint maritime cooperation and strengthen coordination” between the two navies in planning and carrying out combined operations, Maqsoudlou said.
Holding the exercise alongside other drills by Iran’s armed forces reflects both countries’ attention to developments in the Gulf of Oman and the northern Indian Ocean, and demonstrates their commitment to enhancing maritime cooperation, countering unilateralism and supporting maritime trade security in the region, IRNA reported.
For his part, Russia’s Navy Force Commander Cap. Alexey Sergeev said: “We are ready to hold joint exercises in any region,” IRNA reported.
The Russian Navy’s helicopter carrier Stoikiy docked Wednesday at Iran’s Bandar Abbas naval base to participate in the exercise, the Iranian Mehr news agency reported.
The Iranian-Russian exercises come as Iran’s Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) started a military drill in the Strait of Hormuz on Monday amid tensions with the US.
A statement by the IRGC’s public relations division said the “Smart Control of the Strait of Hormuz” exercise aims to assess the operational readiness of its naval forces.
The following day, Tehran and Washington conducted a second round of indirect nuclear negotiations in Geneva, under Omani mediation.
On Feb. 6, Oman hosted a round of indirect talks in Muscat amid a US military buildup in the region.
Soomaaliya iyo Sacuudi oo heshiis dakado kala Saxiixday.
Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser.
Heshiiskan ayaa khuseeya iskaashiga dhinacyada Gaadiidka Badda iyo Horumarinta Dekadaha, waxa uu xoojinayaa xiriirka istaraatiijiyadeed iyo wada-shaqeynta qotada dheer ee u dhexeysa labada dal.
Iskaashigan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta kaabeyaasha dekadaha, tayeynta adeegyada gaadiidka badda, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta farsamo.
Heshiiskan ayaa kor u qaadidda hufnaanta iyo wax-soo-saarka dekadaha dalka, kordhinta isku xirka ganacsiga badda, iyo xoojinta doorka Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee gobolka. Sidoo kale, waxa uu kaalin muuqata ka qaadan doonaa kobaca dhaqaalaha qaranka iyo abuuridda fursado horumarineed oo waara.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Wadahadallo miro-dhal ah la yeeshay Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), Sarreeye Guuto Ibrahim Mohamed Mohamud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) ahna Madaxa Hawlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, oo uu wehlinayay Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Sarreeye Gaas Sam Kavuma.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kor-u-qaadista is-dhaafsiga xogaha sirdoonka, dardargelinta barnaamijyada tayeynta iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, iyo qorshaha la-wareegidda Ciidanka Soomaaliyeed ee mas’uuliyadaha amniga.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu sugayo amniga dalka, isaga oo xusay in CXDS ay ka go’an tahay hoggaaminta hawlgallada lagu xoreynayo dhulka ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana la xaqiijiyo amni waara.
Dhankooda, mas’uuliyiinta AUSSOM ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xasillinta dalka iyo gaarista himilooyinka amni ee muddada fog.
{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Somaliya iyo Caalamka 19 02 2026
Qamiis 19 Feb 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka Ee Warbaahinta HMC Soomali Tv.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
Dowladda Maraykanka oo baday howlgalkiisa milatari ee Soomaaliya.
Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgallada ballaaran ee dhulka iyo duqeymaha cirka ee uu Mareykanku taageerayo ay si weyn u beddeleen jihada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay wiiqeen awooddii militari iyo tan hoggaamineed ee kooxda.
Xukuumadda Muqdisho waxay ku faantay in dhul ballaaran laga xoreeyay kooxda, lana beegsaday xarumo istiraatiiji ah, shabakado walxaha qarxa sameeya iyo hoggaanka sare.
Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka ay dib u qabsadeen deegaanno muhiim ah oo ku yaalla Shabeellada Hoose, Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo qaybo kamid ah Jubbaland, kuwaas oo qaarkood Al-Shabaab gacanta ku haysay sanado badan.
Hawlgalladaas ayaa lagu dilay dagaalyahanno badan, laguna qabsaday gaadiid dagaal iyo saldhigyo ay kooxdu adeegsan jirtay.
Doorka Mareykanka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah, iyadoo duqeymaha cirka iyo sahanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay fududeeyeen in la ogaado goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab iyo waddooyinka saadka.
Tani waxay ciidamada dhulka u suurtagelisay inay si degdeg ah u horumaraan, isla markaana u yareeyaan khasaaraha. Dowladda ayaa sidoo kale adeegsanaysa diyaarado drone ah oo ay bixiyeen saaxiibo caalami ah, oo ay ku jirto Turkiga.
Guulahan ayaa imaanaya xilli ay ciidamada Midowga Afrika si tartiib ah uga baxayaan dalka, iyadoo masuuliyadda amniga ay si buuxda ugu wareegayso ciidamada Soomaaliya.
Si kastaba, khubarada amniga ayaa ka digaya in guul militari oo kaliya aysan ku filnayn, ayna lama huraan tahay in deegaannada la xoreeyay lagu xoojiyo maamul wanaag, amni joogto ah iyo adeegyo bulsho, si looga hortago in Al-Shabaab dib ugu soo laabato.
Inkastoo dowladdu sheegtay guulo waaweyn, haddana waxaa weli jirta cabsi ah in kooxda ay sii wadi karto weerarro, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn.
Dowladda Federaalka ayaa ballan-qaadday dib-u-dhis iyo gargaar degdeg ah, iyadoo guusha kama dambaysta ah lagu xirayo awoodda ay u leedahay sugidda amniga xilli ay sii yaraanayso joogitaanka ciidamada shisheeye.



