Home Blog Page 82

Shirkadda bixisa tigidhada raqiiska oo duulimaad ka bilaabeyso Soomaaliya.

0

Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Shirkadda bixisa tigidyada raqiiska ah oo ay leedahay dawladda Cumaan ee SalamAir ayaa ku dhawaaqday inay duulimaadyo toos ah oo toddobadii labo mar ah (Axad iyo Khamiis) oo billaabanaya 3 bisha September ee sannadkan 2026, ku tagayso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho,

iyadoo tigidyada duulimaadka Muqdisho iyo Muscat uu ka billaabanayo in lagu iibsado labo boqol iyo siddeed dollar ($208), tallaabo lagu sheegay in lagu xoojinayo isku xirka labada dal, halka sidoo kale duulimaadkan qiimaha jaban uu fursad socdaal siinayo ganacsatada isaga kala goosha khaliijka iyo qurba-joogta Soomaaliyeed oo helaya duulimaad jaban.

Soomaaliya waxay noqonaysaa waddankii afraad ee Afrika ah oo ay SalamAir gaarto. Shirkaddu waxay hadda ka howlgashaa in ka badan 40 meelood oo ku kala yaalla Aasiya, Afrika iyo Yurub.

Maamulaha guud ee SalamAir, Adrian Hamilton-Manns, ayaa sheegay in duulimaadkan cusub uu ka tarjumayo koboca dhaqaale ee ka socda Soomaaliya, isagoo intaa ku daray;

“Soomaaliya sannadihii u dambeeyay waxay sameynaysay koboc iyo horumar dhaqaale oo muuqda. Duulimaadyadeenna tooska ah waxay sii xoojin doonaan dhaqaalaha, waxayna abuuri doonaan fursado cusub oo ganacsi iyo safar.

Maxa kasoo baxay Shirkii dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ?

0

Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Waxaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, ka qabsoomay kulan u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka, kaas oo lagu lafaguray xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Kulankan oo saacado badan qaatay, ayaa diiradda lagu saaray qodobbo masiiri ah, iyadoo labada dhinac ay isku afgarteen in la sii wado wadahadallada si xal looga gaaro kala aragti duwanaanshaha jira.

Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii kulanka ka qayb-gashay ayaa sheegay in diiradda lagu saarey doorashada.

“Doorashooyinka heer Federaal iyo Dowlad goboleed ayaan ka wada hadalnay, waxaa lagu ballamay in berri la isku soo laabto,” ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale, wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in kulamada berri iyo kuwa xiga lagu soo qaadi doono arrinta xasaasiga ah ee Wax ka bedelka Dastuurka, taas oo la filayo in isfahan ballaaran laga gaaro si looga gudbo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka qabyada ah.

Taliyaha CXD Soomaaliyeed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM,

0

Khamiis 19 Feb 2026 {HMC}Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sareeye Guud Sam Kavuma.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Howlgalka AUSSOM, hirgelinta Qorshaha Kala guurka Amniga, iyo dardargelinta howlgallada socda ee lagula ciribtirayo Khawaarijta, Taliyaha Ciidanka XDS ayaana uga mahadceliyay AUSSOM doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xasillinta dalka.

{DAAWO MUUQAALKA Madaxweynaha Soomaaliya oo Soo dhaweeynayo Madaxda ka qeeyb galeeyso Shirka Wadatashiga ah.

0

Qamiis 19 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya oo Soo dhaweeynayo Madaxda ka qeeyb galeeyso Shirka Wadatashiga ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA}Shirka Wadatashiga Qaranka oo Villa Soomaaliya Manta ka Furmayo

0

Khamiis 19 Feb 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka, kuwaasi oo soo ajiibay Gogosha wadatashi ee ay fidisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Soo dhoweyn kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan labo-geesood ah oo lagaga hadlayo xaalada guud ee dalka, doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka Khawaarijta.

{DAAWO MUUQAALKA Shirkii udhaxeeyay DFS iyo Mucaaradka Dalka oo si Rasmi ah u furmay.

0

Qamiis 19 Feb 2026 {HMC} Shirkii udhaxeeyay DFS iyo Mucaaradka Dalka oo si Rasmi ah u furmay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA DEG DEG-DFS ayaa shacisay in ay shaqada ka jojisay diyarado buuxin wayay shurudaha Badqabka Rakabka.

0

Qamiis 19 Feb 2026 {HMC} DEG DEG-DFS ayaa shacisay in ay shaqada ka jojisay diyarado buuxin wayay shurudaha Badqabka Rakabka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Villa Soomaaliya waxa oo maanta ka furmay Shirka Wadatashiga DFS & Golaha Mustaqbalka

0

Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah uga furmo shirka wada-tashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shirka furidoona shirka, iyadoo marka hore diiradda lagu saari doono qiimeynta xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo hannaanka doorashooyinka.

Sida aan xogta ku helay, bilowga wada hadalka waxaa laga qeyb galin doonaa wakiillada bulshada rayidka ah, si ay aragtidooda ugu darsadaan wada xaajoodka Dowladda iyo mucaaradka.

Shirka oo la filayo inuu dhowr maalmood socdo ayaa la filayaa in si rasmi ah loo dejiyo ajandaha qodobbada weli la isku mari la’yahay, si wada-hadalladu u yeeshaan jihayn cad iyo jadwal qeexan.

Dowladda iyo mucaaradka ayaa laga filayaa inay dabac sanaan iyo tanaasul ka muujiyaan qodobada la isku hayo, si uu shirka u miro-dhalo.

Talaadadii doraad ayay ahayd markii la gaaray is-afgarad ku saabsan qabsoomidda shirka wada-tashiga ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo lagu qaban doono xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Golaha Wadatashiga ayaa aqbalay codisga ka yimid madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ah in shirku ka dhaco xarunta madaxtooyada dalka iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan iyo tanaasulaad si loo abuuro jawi wada-hadal oo rasmi ah.

Wasiirka caddaaladda Xasan Macalin oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka ayaa maalin ka hor warbaahinta ka sheegay in qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah ay weli tahay mudnaanta koowaad ee dowladda, xilli ay muddo xileedka dowladdu ka harsan yahay wax ka yar 3 bil.

{DAAWO MUUQAALKA Shirka Wadatashiga Qaranka oo Villa Soomaaliya Manta ka Furmayo

0

Qamiis 19 Feb 2026 {HMC}Shirka Wadatashiga Qaranka oo Villa Soomaaliya Manta ka Furmayo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA Soomaaliya oo Dalab la Xariiro Muslimiinta u gudbisay Israa’iil

0

Qamiis 19 Feb 2026 {HMC}  Soomaaliya oo Dalab la Xariiro Muslimiinta u gudbisay Israa’iil

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA