HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Ciidamada Sirdoonka dalka Kenya ayaa ku dhowaaqay in ay fashiliyeen weerar AS qorsheynaysay in ay ka fuliso magaalada caasimadda ah ee Nairobi.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, howlgalka ayaa lagu soo qabtay shabakad isku xiran oo ka tirsaneyd AS, kuwaasi oo ku sugnaa xeryaha qaxootiga Dhadhaab.
Warbixin ay soo saareen Ciidanka ayay ku sheegeen in howlgalka ay ku soo qabteen bastoolado, bam-gacmeedyo, walxaha qarxa, iyo in ka badan 600 oo xabbadood oo rasaas ah.
Hubkan ayaa la xaqiijiyay in loo soo waday dhanka Nairobi si loogu weeraro goobo bartilmaameed u ahaa kooxda.
Warbixin ayaa lagu sheegay in kooxdu ay damacsanayd in ay howlgalka ku dilaan dad badan oo Kenyaan ah oo ku sugan magaalada Nairobi.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in kooxdu ay qorsheynaysay in ay weerarkan fuliso inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Sidoo kale, sirdoonka ayaa ogaaday in shabakaddan ay qorsheynaysay afduubka muwaadiniin ajnabi ah iyo dhaca gawaarida si ay qayb uga noqoto dhaqdhaqaaqyadooda dambiyeed ee gobolka.
AS ayaa dhowr jeer weeraro qaraxyo ku billaawday ka fuliyay gudaha dalka Kenya, iyadoo ay ku geeriyodeen tobanaan ruux.
Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Baalle, oo ka qayb galay kulan xasaasi ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, ayaa ku baaqay in Israa’iil ugu baaqay in ay ka fogaato wax kasta oo dhibaato ku ah Shacabka Falastiiniyiinta.
Danjire Baalle ayaa carrabka ku adkeeyay in Muslimiinta caalamka iyo kuwa ku nool dhulka Falastiin loo oggolaado inay si nabad ah ku tagaan Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, isagoo ka digay xayiraad kasta oo caqabad ku noqon karta gudashada waajibaadkooda diiniga ah.
Danjiraha ayaa sidoo kale fariin toos ah u diray dowladda Israa’iil, isagoo ugu baaqay inay fududeeyaan isu-socodka dadka doonaya inay ku cibaadeystaan gudaha Masjidka, isla markaana ay mas’uuliyad iska saaraan ilaalinta nabadgelyada shacabka.
“Waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in dadka Muslimiinta ah ee cibaadeysanaya loo oggolaado in ay si nabad ah ku tagaan Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa, sidoo kale waa in la ilaaliyaa shacabka,” ayuu sii raaciyay Danjiraha.
Hadalkan ka soo yeeray Danjire Abuukar Baalle ayaa ku soo beegmaya xilli kumanaan Muslimiin ah ay booqdaan Masjidka Al-aqsa oo ah goobta saddexaad ee ugu barakada badan Muslimiinta.
Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Facebook iyo TikTok ayaa laga joojiyay Gabon “ilaa amar dabe dambe” ka dib markii maamulka warbaahinta qaranka Afrikada dhexe uu ku eedeeyay baraha bulshada inay daabacaan waxyaabo hurinaya colaadaha iyo kala qaybsanaanta bulshada. Sida ay Warisay Wakaalada wararka AFP.
Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Ugu yaraan 50 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay iska horimaadyo bishii Janaayo ku dhex maray ciidamada dowladda taabacsan iyo fallaagada hubeysan ee gobolka Waqooyiga Kivu ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA).
Dagaalkan ayaa intii u dhaxaysay Jan 12 ilaa 16 ka dhacay in ka badan 12 tuulo oo ka tirsan dhulka Rutshuru, wuxuuna saameeyay kooxaha Bukombo, Kihondo, Mutanda, Bambo iyo Tongo, Sida lagu sheegay warbixinteeda OCHA.
Dhowr qof ayaa ku dhaawacantay qaar badanna waxaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda si ay badbaado uga raadsadaan dhulka deriska la ah ee Masisi, ayay tiri warbixintu.
Iska horimaadka ayaa waxaa ku lug lahaa falaagada AFC/M23 iyo maleeshiyaad taabacsan dowladda oo loo yaqaan Wazalendo.
Dhacdo kale oo dhacday horaantii Jannaayo, 11 qof ayaa lagu dilay ku dhawaad 40 kalena waa lagu dhaawacay ka dib weerar cirka ah oo ay ciidamadu ku qaadeen fariisimo ay fallaagada ku lahaayeen bartamaha Masisi, sida lagu sheegay isla warbixinta. OCHA.
Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Sarkaalka ayaa sheegay in Herzog uu la kulmi doono madaxda ugu sarreysa Itoobiya, taas oo qayb ka ah dadaallada ay Israaiil ku doonayso in ay xiriir dhaw la sameyso Madaxda qaaradda Afrika. Sida uu baahiyay The Times of Israiil
Dhinaca kale Booqashadan ayaa ku soo aadaysa xilli maalin ka hor uu Booqasho ku tagay Itoobiya Madaxweynaha Turkiga, halkaas oo uu si adag uga cambaareeyay faragilinta Israiil ee Soomaaliya.
Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabili doona xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe.
Shirka oo si rasmi ah uga furmaya 11:00 subaxnimo gudaha Villa Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka dalka, iyo sidoo kale xallinta qodobada khilaafka ee weli ka taagan dhinacyada siyaasadda.
Maxaa ka soo bixi kara.?
Thursday 19 Feb 2026 {HMC} Turkish President Recep Tayyip Erdogan on Wednesday extended his wishes for the holy month of Ramadan, expressing hope that it brings blessings and unity to the nation, the Muslim world, and all humanity.
He expressed his wishes on Turkish social media platform NSosyal, stating that the holy month “brings goodness to our nation, the Islamic world and all humanity.”
The president described the period as “these blessed days when the doors of mercy are opened” and prayed that they strengthen solidarity.
Erdogan also prayed that “these blessed days strengthen our unity and togetherness.”
Source TRT Africa
Arbaco 18 Feb 2026 {HMC} Dowladda Masar ayaa si ramsi ah ugu dhawaaqday iney 100 milyan oo dollar ku maalgalineyso biyo xidheenka wadanka Kenya ee Koru.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masar ayaa intii lagu guda jirey wahadaladii Nairobi, waxa uu ku baaqay in iskaashi balaadhan ay yeeshaan dalalka uu maro wabiga niil, si looga wada faa’iideysto loogana soo horjeesto in lagu dhaqaaqo talaabooyin kelitalis ah oo hal dhinac ah.
Masar waxay ku tiirsan tahay biyaha wabiga niil, waxayna biyo xidheenka wayn ee Itoobiya u aragtaa khatar ammni halka ay Qaahira ka maalgalineyso biyo xidheenka Kenya.
Arbaco 18 Feb 2026 {HMC} Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa maanta shaqada ka joojisay ugu yaraan toddobo diyaaradood oo sameyn jiray duulimaadyo gudaha ah, kuwaasoo inta badan ka diiwaangashanaa dalka Malawi ee bariga Afrika ,
sabab la xiriirta badqabka diyaaradahan oo loo arkay inay wajahi karaan cilado khatar galin kara rakaabka, si ay duulimaadkooda dib ugu billaabaan , waxaa lagu xiray shirkadaha adeegsada inay dib u xaqiijiyaan badqabka diyaaradahan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo tilmaamay in hay’adda duulista rayidka ay bilowday baaritaanno lagu oggaanayo badqabka guud ahaan diyaaradaha ka shaqeeya gudaha Soomaaliya , si looga fogaado khatarro halis galin kara rakaabka.
Go’aankan ayaa ka dhigan tiradii ugu badnayd ee diyaaraddo ka shaqeeya gudaha Soomaaliya oo hal mar shaqada laga joojiyo, xilli inta badan cabashooyin laga soo gudbin jiray diyaaradaha ay adeegsadaan shirkadaha duulimaadyada maxalliga ah oo loo arko kuwa waqti dheer shaqeynayay oo halis galinaya badqabka rakaabka.