Home Blog Page 84

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo la Kulmay Safiirka Qadar.

0

Arbaco 18 Feb 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyadoo xoogga lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa intii uu kulanku socday ku dhowaaqay in Xukuumadda Soomaaliya ay si rasmi ah u bilaabayso hirgelinta heshiisyadii iskaashi ee dhowaan ay labada dal kala saxeexdeen.

Heshiisyadan ayaa u lafdhabar u ah iskaashiga dhinaca Difaaca iyo horumarinta adeegyada bulshada, kuwaas oo qeyb weyn ka qaadan doona tayeynta ciidamada qalabka sida iyo dib-u-dhiska dalka.

Xamse ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadantinimo ee xiliyada adag lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi ayaa caddeeyey in dawladda Qatar ay ka go’an tahay sii wadista iyo kordhinta taageerada ay siiso dawladda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa si gaar ah u boggaadiyay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka, isagoo xusay in Qatar ay mar walba diyaar u tahay garab istaagga qarannimada Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro isku-filnaansho dhinaca amniga iyo horumarka dhaqaalaha ah.

Somaliland oo si adag ugu jawaabtay Erdogan kadib markii uu weeraray aqoonsigii ay Israel ka heleen.

0

Arbaco 18 Feb 2026 {HMC}  Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ayaa si adag ugu jawaabtay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan kadib markii uu weeraray aqoonsigii ay Israel ka heleen.

Isagoo booqasho ku jooga Addis Ababa, ayuu Erdogan isagoo uu garab taaganyahay Abiy Axmed ka yiri Somaliland:“Wax faa’iido ah aqoonsigaasi idiinma laha idinka iyo geeska Afrikaba.”

Waxa uu sheegay in ‘Dhibaatooyinka gobolka ay xalliyaan dalalka gobolka degani. Awoodaha Shisheeyena ay rabaan inay aag dgaaal u bedelaan geeska Afrika.

Somaliland ayaa si degdeg ah iyana uga jawaabtay hadalkaas Erdogan. War-saxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayay ku tilmaameen hadalada Erdogan faragelin aan la aqbali karin.

Somaliland waxay si adag u sheegtay in go’aamada siyaasadda dibadda ay gaadhaan dawladaha iyo shacabka maxalliga ah, iyagoo Turkiga xusuusiyay inay ixtiraamaan is-qadarinta, oo aan la iska faragelin, go’aamada madax-bannaanida la xiriira.

Waxay sidoo kale xuseen in dadaallada Somaliland ee aqoonsiga iyo xiriirka caalamiga ahi ku qotomaan nabadgelyo iyo sharci, islamarkaana ay ku saleysan yihiin himilooyinka dimuqraadiyadda dadkeeda.”

5,000 oo Maxaabiis ah oo ku xiran Xabsiyada dalka oo la gaarsiiyay afurin

0

Arbaco 18 Feb 2026 {HMC}  Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) oo bilaabay cunto qaybintiisii Ramadaanka ee sanadlaha ahayd ayaa gaarsiiyay ku dhawaad 5,000 oo ah maxaabiis ah, kuwaas oo ku xiran 11 xabsi oo ku yaala gudaha dalka

ICRC ayaa dhammaan maxaabiista gaarsiiyay xirmooyin loogu talagalay in ay ku afuraan xilliga Ramadaanka, halka maamulka Xabsida lagu wareejiyay cuntooyinka aasaasiga ah oo ay ku si loogu taageero diyaarinta cuntada inta Ramadaanka lagu jiro

“Bixinta taageerada Ramaadaanku waxay inoo noqotay caado la jecleysto. Waa tallaabo ka tarjumeysa sida ay nooga go’antahay hubinta in dhammaan dadka xorriyadda laga qaaday loo la dhaqmo si bini’aadamnimo, sharaf iyo ixtiraam leh,” ayuu yiri Antoine Grand, madax Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayta Cas ee Soomaaliya

ICRC ayaa sheegtay in ay si dhaw ula shaqeenayaa masuuliyiinta xabsiyada si loo hagaajiyo xaaladaha nololeed iyo la macaamilka maxaabiista. sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Hay’adda.

Sanadka 2025, ICRC waxay 56 booqasho ku tagtay 20 xabsi oo dalka oo dhan ah iyada oo booqatay 5,102 maxaabiis ah, kuwaa oo 566 ka mid ah si gaar gaar ah xaaladooda loo la socday.

ICRC ayaa in ka badan 700,000 oo maxaabiis ah ku booqataa in ka badan 670 xabsi adduunka oo dhan. Booqashooyinka xabsiyada Soomaaliya ayaa bilowday sanadkii 1977, sida lagu xusay warsaxaafadeed ka soo baxay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 18-02-2026.

0

Arbaco 17 Feb 2026 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Caalamka 18-02-2026

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xiil Yuusuf ”Madaxweynaha waa in dastuurka lagu qoraa qabilka uu noqonayo oo la dhahaa qabiil hebel

0

Arbaco 17 Feb 2026 {HMC} Xiil Yuusuf ”Madaxweynaha waa in dastuurka lagu qoraa qabilka uu noqonayo oo la dhahaa qabiil hebel

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} ”Madaxweynaha Xilka ka dagaa yaanan Maxkamad lasoo taagin” Xildhibaan Xusul

0

Arbaco 17 Feb 2026 {HMC} ”Madaxweynaha Xilka ka dagaa yaanan Maxkamad lasoo taagin” Xildhibaan Xusul

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} ”Wadamada kale ee Caalamka Dhalin yaro ayaa Hogaamisa Soomaaliya maxaa loogu Diidan yahay ”W/Cumar

0

Arbaco 17 Feb 2026 {HMC} ”Wadamada kale ee Caalamka Dhalin yaro ayaa Hogaamisa Soomaaliya maxaa loogu Diidan yahay ”W/Cumar

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} ”Da’da Xilka MW waa in laga dhigaa 35 illaa 70, Sababtoo ah qof 90 sano jiro Dalka ma Hogaamin Karo

0

Arbaco 17 Feb 2026 {HMC} ”Da’da Xilka MW waa in laga dhigaa 35 illaa 70, Sababtoo ah qof 90 sano jiro Dalka ma Hogaamin Karo

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Cafitiaax Qaasim ”Dhalinyrada waa in lasiiyaa Doorka Hogaaminta Dalka”

0

Arbaco 17 Feb 2026 {HMC} Xildhibaan Cafitiaax Qaasim ”Dhalinyrada waa in lasiiyaa Doorka Hogaaminta Dalka”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Senator Muuse Suudi “Kuwii shaqada Baarlamaanka laga joojiyey wali Mushaarkii waa qaataan”

0

Arbaco 17 Feb 2026 {HMC} Senator Muuse Suudi “Kuwii shaqada Baarlamaanka laga joojiyey wali Mushaarkii waa qaataan”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA