Home Blog Page 85

Koofur Galbeed oo Hay’adaha kala hadashay Abaarta ka jirta Deegaannada Dowlad-Goboleedkas

0

Arbaco 18 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa kulan gaar ah la qaatay Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adaha Samafalka iyo bah-wadaagta Gargaarka oo ay kawada hadleen Abaarta ka jirta deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Kulankaan waxaa looga dooday jihaynta gargaarka bani aadamnimo ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si loo gaarsiiyo Dadka u nugul xaaladdaas ka dhalatay Abaarta.

Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay midaynta dedaallada lagu badbaadinayo dadka nugul sida Haweenka, Carruurta iyo Dadka waayeelka ah ee Abaartu sida darran u saamaysay si loo caawiyo iyada oo is kaashanayo.

Waxyaabaha ugu horreeya ee diiradda la saarayo waxaa kamid ah sidii Dadkaas abaarta saamaynta taban ku reebtay loo gaarsiin lahaa Biyo, Raashinka & Caafimaadka oo kamid ah Waxyaabaha aasaasiga u ah noloshooda.

Shirka Dowladda & Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo maanta ka Furmaya Villa Somalia

0

Arbaco 18 Feb 2026 {HMC} Madaxtooyada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacaya Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyaga oo kawada hadlaya xaaladda Dalka, qorshaha Geeddi socodka Dalka & sidii kulamada u dhaxeeya ay usii socon lahaayeen.

Kulan is arag ah oo shalay ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa ugu danbayn lagu go’aamiyay in madasha lagu wadahadlayo ay noqoto Villa Somalia oo xubno katirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay horay u diidanayeen balse markii dambe ay aqbaleen.

Shirkaan ayaa indhaha lagu hayaa, waxaa horay usoo dhaweysay qabsoomiddiisa Beesha Caalamka, Madaxda Dowladda Federaalka & kuwa Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku kala garnaqsanaya wadahadalkaan si dhinac weliba uu miiska usoo dhigo qodobada uu wato.

Saacadihii u danbeeyay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo gaargaar ah oo ay yeesheen dhinacyadaan iyaga oo ka arrinsaday qodobada muhiimka ah ay la shirtagayaan iyo jawaabaha ka imaan kara dhinaca kasoo horjeeda.

Marka la eego siyaasad ahaan sida uu wadahadalku u billowday waa jawi deggen oo labada dhinac qaab daahfuran u wada hadlayaan, inkasta oo marka la gudagalo qodobada miisaanka culus leh ay wax weliba isbaddeli karaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Dowladda oo Burburiyey Fariisimo AS ay ku lahaayeen Gobolka Baay.

0

Arbaco 17 Feb 2026 {HMC} Ciidanka Dowladda oo Burburiyey Fariisimo AS ay ku lahaayeen Gobolka Baay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo Hub Culus kasoo Dajisay Dekada Muqdisho

0

Talaado 17 Feb 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo Hub Culus kasoo Dajisay Dekada Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa kasoo baxay kulankii uu Xamza la yeeshay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.?

0

Arbaco 17 Feb 2026 {HMC} Maxaa kasoo baxay kulankii uu Xamza la yeeshay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay wada hadalada Ruushka iyo Ukraine.?

0

Arbaco 17 Feb 2026 {HMC} Maxaa kasoo kordhay wada hadalada Ruushka iyo Ukraine.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed.

0

Arbaco 18 Feb 2026 {HMC}  Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo ku saabsan curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan u diray Ummadda Soomaaliyeed iyaga oo ugu baaqay in laga faa’iidaysto fursadaha ku dhex jira Bishaan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe & Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa si isku mid ugu baaqay in la caawiyo Dadka aan wax haysan.

Mas’uuliyiintaan ugu sarraysa Dowladda Federaalka ayaa Dadka wax haysta xusuusiyay in ay caawiyaan kuwa u baahan garab istaagga weliba iyada oo dalka ay ka jirto xaalad abaar oo dad badan ay la hardamayaan duruufaha horyaalla.

Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen in la kordhiyo la shaqaynta Hay’adaha Ammaanka oo mas’uuliyad wayn ka saaran sidii nabadgalyo dadku ugu soomi lahaayeen maalmaha Bisha Barakaysan ee Ramadaan ee maanta billowga ah.

Ruushka iyo Ukraine oo wadahadallo nabadeed ku leh Geneva .

0

Arbaco 18 Feb 2026 {HMC} Wada-xaajoodyaasha Ruushka iyo Ukraine ayaa bilaabay wareeg cusub oo wada-xaajood nabadeed ah oo uu Maraykanku dhexdhexaadinayo, kuwaas oo sidoo kale ka socda Geneva.

Rajada laga qabo in horumar weyn laga gaaro waa mid hooseysa, maadaama Ruushku weli dalbanayo dhammaan gobolka Donbas, arrin ay Kyiv si cad u diiday.

Saacado ka hor inta aysan wada-hadalladu bilaaban, Moscow waxay fulisay mowjado weerarro ah oo lagu qaaday xarumaha tamarta ee Yukreyn.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in la soo riday afar boqol oo diyaarado aan duuliye lahayn iyo ku dhowaad soddon gantaal. Wuxuu sheegay in weerarradu si ula kac ah loo qorsheeyay si ay u geystaan burburka ugu badan ee suurtogalka ah.

Maxaa ka dhashay booqashadii Erdogan ee Soomaaliya 14 sano ka hor.?

0

Arbaco 18 Feb 2026 {HMC}  14 sanadood ka hor madaxweynaha Turkiga Reccep Tayib Erdogan, ayaa noqday hogaamiyhii ugu horreeyay ee booqasho Soomaaliya ku taga, kaddib dagaalladii sokeeye ee dalka halakeeyay.

Booqashadii 2011-kii, Erdoğan wuxuu ku dhawaaqay in Turkigu uu Soomaaliya ka dhisayo safaarad ka caawisa qaybinta gargaarka.

Abaar ba’an oo dad iyo duunyaba saamaysay ayaa ku dhufutay Soomaaliya, Erdoganna gurmad iyo gargaar ayuu u fidiyay.

Xilligaas, Soomaaliya waxay la daalaa-dhacaysay abaartii ugu xumeyd ee soo marta qarniyo iyadoo Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in macluul ka jirto qaybo ka mid ah dalka markii ugu horreysay tan iyo 1991-1992.

Balse faragelinta Turkiga markii hore waxay ahayd mid bani’aadamnimo oo keliya.

Maxaa kamid ah waxyaabaha ay Soomaaliya Turkiga ka faa’iidday?

Waxaa kamid ah arrimo ay kamid yihiin tababarka ciidanka. Turkiga ayaa tabar u fiidiya Ciidamada Soomaaliya oo gudaha iyo dibadaba ah, waxayna soo saaraan ciidamo tayo leh oo ka mid yihiin Ciidamada Gorgor iyo Haramcad.

Isbitallo ayaa sido kale kamid ah. Marka laga soo tago tabarka ciidamada, Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya ka hirgeliyay xarumo caafimaad oo tayo leh oo uu ka mid yahay isbitaalka Erdogan oo horay loo oran jiray Digfeer.

Dib u dhiska waddooyinka, gargaarka bini’aadanimo, deeqa waxbarasho, iyo waxyaabo kale ayaa kamid ah ah.

Dhanka kale, Turkiga ayaa Axadii la soo dhaafay u diray Soomaaliya markabkiisa qodista shidaalka badda-dheer ee loo yaqaan Cagri Bey.

Wasiirka tamarta ayaa ku tilmaamay shaqada markabka in ay tahay hawlgalkii ugu horreeyay ee sahamin badeed oo ka baxsan xuduudaha badda Turkiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shidaal qodistan ay ka tarjumayso istaraatiijiyadda muddada dheer ee Turkiga ee lagu xoojinayo amniga tamarta qaranka iyo in dalka loo dhaweeyo isku-filnaansho.

Maxaa kasoo baxay kulankii uu Xamza la yeeshay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.?

0

Arbaco 18 Feb 2026 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah oo uu albaabada u xirnaa xalay la yeeshay madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo weli ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Xamza ayaa Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya isaga iyo xukuumaddiisa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Jubbaland iyo Puntland oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulanka ayaa sheegay in jawi deggan uu ku qabsoomay shirkooda, lagana wada-hadlay arrimaha mudnaanta in leh dowladnimadda Soomaaliya.

“Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo sidii si wadajir ah loogu wajihi lahaa arrimaha mudnaanta u leh dowlad-dhiska, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kooban oo ay soo saartay Madaxtooyada Jubbaland.

Dhankeeda Puntland ayaa tiri “Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Hamza Abdi Barre, ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowladaha Puntland iyo Jubaland, H.E Said Abdullahi Deni iyo H.E Ahmed Mohamed Islaam, kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya”.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo qado sharaf ahaa oo shalay dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ka wada-hadlay khilaafka dhexdood ah. Kulanka ayaa sidoo kale ahaa mid hordhac ah oo ay dhinacyadu isaga xog wareysteen xaaladda guud ee dalka, si loo muujiyo niyad wanaag, si uu u guuleysto shirweynahooda soo socda.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in madaxdan oo ay ku jireen Axmed Madoobe iyo Saciid Den ay saacadihii lasoo dhaafay yeesheen kulamo gaar ah oo looga hadlay sidii loo wajihi lahaa gogosha taalla, iyada oo madaxweynuhu dalbaday in lagu qabto gudaha Villa Soomaaliya, inkastoo weli ay ka caga jiidayaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin hannaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka kumeel gaarka ah oo ay weli ku howlan tahay Villa Soomaaliya.