Sabti 07, June 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 07/6/2025
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN
Sabti 07, June 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 07/6/2025
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN
Sabti 07, June 2025 {HMC} Mucaaradka Soomaaliya oo diiday habka loo xulayo guddiga madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka
Sabti 07, June 2025 {HMC} Kilmar Abrego Garcia oo 29 jir ah oo ka soo jeeda EL Salvador, si khalad ahna loo tarxiilay bishii Maarso, ayaa dib loogu celiyay Maraykanka si uu u wajaho dacwado loo haysto oo ay ka mid yihiin laba dacwadood oo heer federaal ah.
Waxaa lagu eedeeyay in uu ka qayb qaatay qorshe tahriibin ah oo socday dhowr sano oo la doonayay in muhaajiriinta aan sharciga haysan looga raro Texas loona geeyo meelo kale oo Maraykanka ah.
El Salvador ayaa ogolaatay in la sii daayo Ábrego García ka dib markii Maraykanku u soo bandhigay waaran qabasho, ayay tiri xeer ilaaliyaha guud Pam Bondi, Jimcihii.
Qareenkiisa ayaa eedeymahaas ku tilmaamay kuwo “aan caqligal ahayn”.
Aqalka Cad ayaa is hortaag ku sameeyay amar ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Mareykanka laga soo bilaabo bishii Abriil ee ahaa in loo “fududeeyo” soo laabashadiisa ka dib markii loo diray xabsiga El Salvador isaga iyo in ka badan 250 kale oo la tarxiilay.
Labada dacwadood ee xeerbeegtida guud oo laga soo gudbiyay maxkamad ku taal Tennessee bishii hore oo aan la dhamayn jimcihii, Ábrego García ayaa lagu soo oogay hal dacwad oo ah inuu maleegayay rarista ajaaniibta iyo dacwada labaad oo ah ku rarida gaadiid aan sharci ahayn ajaanib aan sharciyeysneyn.
Bondi ayaa sheegay xeerbeegtida ay ogaadeen in Ábrego García uu “door muhiim ah” ka qaatay tahriibin kumanaan muhaajiriin sharci darro ah uu keenay Maraykanka. Eedeymahan oo soo taxnaa ilaa 2016-kii, ayaa lagu eedeeyay in uu dad aan sharciyeysneyn u kala gooshin jiray Texas iyo Maryland iyo gobollo kale in ka badan 100 mar.
Waxaa kaloo lagu eedeeyay in uu soo raray kooxda MS-13 oo Maraykanku u aqoonsan yahay argagixiso ajnabi ah.
Maamulka Trump ayaa horay ugu eedeeyay Ábrego García inuu xubin ka yahay burcad ka soo jeeda El Salvador, taas oo uu beeniyay.
Wuxuu kasoo muuqday dhagaysiga bilowga ah ee maxkamad ku taala Nashville, Tennessee Jimcihii.
Dhageysiga dacwadda ayaa la qorsheeyay 13ka Juun, halkaas oo xaakimka Mareykanka Barbara Holmes ay go’aamin doonto haddii ay jiraan sababo lagu sii hayo ka hor maxkamadeyntiisa. Hadda, Ábrego García waxa uu ku sii jiraa xabsiga federaalka.
Qareenada Ábrego García ayaa horay ugu dooday in aan waligiis lagu xukumin wax dambi ah, oo ay ku jiraan xubinnimada kooxaha buracada ah ee gudaha Maraykanka ama El Salvador.
Simon Sandoval Moshenberg oo ka mid ah qareennadiisa, ayaa eedeymaha ku tilmaamay “wax laga xumaado” iyo dhacdooyin “ku-takri-falka awoodda” oo uu ka sheegay shir jaraa’id, Jimcihii.
“Dowladdu waxa ay Kilmar u qaaday xabsi shisheeye taas oo jabinaysa amar maxkamadeed,” ayuu yiri Moshenberg. “Hadda, ka dib bilo dib u dhac ah oo qarsoodi ah, waxay dib u soo celinayaan, maaha inay saxaan khaladkooda laakiin waa si ay u dacweeyaan.”
Waxa uu intaasi ku daray “Tani waa ku takri fal awoodeed, ee maaha cadaalad, waa in dowladdu ay si buuxda oo cadaalad ah u horkeento isla xaakimkii laanta socdaalka ee dacwadda dhageystay 2019-ka.
Isagoo la hadlayay suxufiyiinta Jimcihii, madaxweyne Donald Trump ayaa ku tilmaamay Ábrego García “Nin xun” wuxuuna sheegay in waaxda cadaaladda ay qaadatay go’aan sax ah oo lagu soo celiyay dhulka Mareykanka si uu u wajaho maxkamad.
Mr Ábrego García waxa uu si sharci darro ah ku soo galay Maraykanka isaga oo kuray ah oo ka yimi El Salvador. Sannadkii 2019, waxaa isaga iyo saddex nin oo kale lagu xiray Maryland oo ay xireen mas’uuliyiinta socdaalka federaalka.
Laakin xaakim socdaalka ah ayaa ka badbaadiyay masaafurinta sababo la xiriira in laga yaabo in uu halis ugu jiro cadaadis uga imaanaya burcadda maxaliga ah ee dalkiisa El salvador.
15-kii Maarso, waxaa la masaafuriyay iyada oo ay socoto olole dhanka socdaalka ah oo uu sameeyay maamulka Trump, ka dib markii Trump uu u cuskaday Xeerka Cadawga Shisheeyaha, oo ah sharci waqti dagaalka oo u oggolaanaya madaxweynayaasha in ay xiraan ama masaafuriyaan muwaadiniinta u dhashay waddan cadow ah.
Sabti 07, June 2025 {HMC} AS Waan kaga adkaanay Ceel-Hareeri Wax Yar ayaa dhiman.
Sabti 07, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Yasin Ali Ahmad & Sahre gabre
Farsamadii ::Muse Ali Herow
Sabti 07, June 2025 {HMC} Abwaan Dhudi “Calool xumada ii muuqataa lagama ceyntaaye.”
Sabti 07, June 2025 {HMC} Faah Faahin Khasaaraha Dagaalkii ka dhacay Galgaduud oo kordhay.
Sabti 07, June 2025 {HMC} Sheekada:.Nin si qaldan looga Masaafuriyay Mareeykanka Oo dib loogu celiyay Mar kale.
Sabti 07, June 2025 {HMC} Gacan adag oo dharbaaxo wadato waa inaan ku qabana AS
Sabti 07, June 2025 {HMC} Labo askari oo katirsanaa ciidanka dowladda, ayaa xalay degmada Dayniile gaar ahaan halka loo yaqaan Raanaboodka isugu geestay dil iyo dhaawac, kaddib muran la sheegay in uu soo kala dhax galay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in mid kamid ah askarta uu mooto ku tagay goobta uu falku ka dhacay, waxa uuna muran kooban kaddib rasaas huwiyay askari halkaasi ku sugnaa, kaa oo isna la sheegay in rasaas is difaac ku jawaabay.
Waxaa goobta ku geeriyooday askarigii tagay meesha wax ka dhaceen oo lagu magacaabayay Beerey Cabdi Xaaji, halka dhaawac culus uu isna soo gaaray askariga kale oo isna magaciisa lagu sheegay Cabdi Xujaale.
Ciidamo katirsan booliiska saldhigga Dayniile ayaa tagay goobta falku ka dhacay, waxa ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaanno ku aadan sida falkan u dhacay, waxa ayna meydka askariga geeriyooday u qaadeen xarunta dambi baarista ee CID-da.
Magaalada Muqdisho waxaa marar badan ka dhacay dilal iyo dhaawacyo ay isku geesteen askar kawada tirsaneed ciidanka dowladda, kuwaa oo mararka qaar marka ay isku dhacayaan la sheego in uusan miirkooda joogin ayna isticmaalaan maandooriyaal.