Home Blog Page 814

{DAAWO MUUQAALKA} Siyaasi Faarax Maxamuud Cawaale oo si adag uga hadlay dagaalka ka socda Hiiraan

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {06-06-2025}

jimco 06 -Jun-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Abdiqani osoble

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan sheekh ”Masaakiinta aan farxadda la qeeybsano”

Jimco 06, June 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan sheekh ”Masaakiinta aan farxadda la qeeybsano”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Weerar Dad shacab lagu dilay oo ka dhacay Galgaduud.

Jimco 06, June 2025 {HMC} Weerar Dad shacab lagu dilay oo ka dhacay Galgaduud.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Israa’iil oo hubeynaysa beelaha ka soo horjeeda Xamaas ee Qasa ku nool

Jimco 06, June 2025 {HMC}  Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay hub siinayso beelo ku sugan Qasa kuwaas oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan Xamaas.

Hadalka Netanyahu ayaa yimid kaddib markii warbaahinta Israa’iil ay soo xigatay ilo dhinaca difaaca ah oo sheegayay in Netanyahu uu oggolaaday in hub la siiyo koox gaar ah oo ku sugan koonfurta Qasa.

Siyaasiyiin Israa’iiliyiin ah oo dhowr ah ayaa ku eedeeyay Netanyahu inuu khatar gelinayo ammaanka Israa’iil.

“Maxaa ka khaldan arrintan?” ayuu yiri Netanyahu muuqaal kooban oo uu soo dhigay bartiisa X. Wuxuuna sii raaciyay: “Kaliya waxay badbaadineysaa nolosha askarta Israa’iil”, isagoo intaa ku daray – “Faafinta arrintani waxay kaliya caawineysaa Xamaas.”

Waxa uu raysal wasaaraha Israa’iil warkiisu daba socdaa warbixinno sheegaya in Israa’iil, isaga oggolaanshihiisa, ay hub siineyso beel ku sugan Qasa oo uu hoggaamiyo nin lagu magacaabo Yasser Abu Shabab.

Kooxdan, oo ay qaar u arkaan inay tahay maleeshiyo ama koox dambiilayaal ah, ayaa isu soo bandhigtay inay tahay xoog mucaarad ku ah Xamaas.

Waxay sheegtay in ujeedkeedu yahay inay ilaaliyaan gaadiidka gargaar sida ee galaaya Qasa, balse dadka dhaliila waxay leeyihiin waxay sameyneysaa wax arrintaa ka soo horjeeda oo ah in ay dhac iyo bililiqo ku heyso gargaar kasta oo Qasa gala.

Arrinta kooxdaan ku saabsan ayaa laga yaabaa in Benjamin Netanyahu uu iska indhatiro, balse waxay yeellan kartaa suurtagalnimo ah in ay uu wajaho fadeexado siyaasadeed oo culus.

Ilo amni oo Israa’iili ah ayaa horey ugu xaqiijiyay warbaahinta maxalliga ah in eedeymaha uu soo jeediyay siyaasiga mucaaradka ah Avigdor Lieberman ay sax yihiin.

Lieberman, oo ah madaxa xisbiga Yisrael Beiteinu, ayaa u sheegay telefishinka dadweynaha ee Kan in Netanyahu uu kaligiis oggolaaday in hub loo wareejiyo beesha ninka la yiraahdo Abu Shabab.

“Dowladda Israa’iil waxay hub siinaysaa koox dambiilayaal ah oo la xiriirta kooxda Daacish,” ayuu yiri Lieberman.

“Intii aan ogahay, tani ma aysan marin ansixinta golaha wasiirrada,” ayuu raaciyay.

Ilo amni ayaa markaas kadib u xaqiijiyay in Israa’iil ay hub siisay beesha Abu Shabab.

Beeshan ayaa ka howlgasha Rafah, meel hoos timaadda gacanta milateriga Israa’iil.

Si kastaba, Yasser Abu Shabab ayaa si cad ugu beeniyay baraha bulshada in Israa’iil ay hub siisay kooxdiisa.

“Hubkayagu waa mid fudud, duug ah, waxaana helnay annaga oo taageero ka helayna dadkayaga,” ayuu yiri.

Ilo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada Abu Shabab ay noqdeen arrin dhibaato ah, oo warbixino la bahaiyay ayaa sheegay in garabka hubeysan ee Xamaas uu bilaabay dilal qorsheysan oo lala beegsanayo xubnaha beeshaas.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay “ku howlan tahay inay Xamaas ku jebiso siyaabo kala duwan oo ku saleysan talooyinka madaxda hey’adaha amniga.”

Dhaleeceyn xooggan ayaa kasoo yeertay Yair Golan, hoggaamiyaha xisbiga Dimoqraadiga ee Knesset-ka.

Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada sida X ayuu ku yiri: “Netanyahu wuxuu khatar ku ah amniga qaranka Israa’iil. Halkii uu ka keenilahaa heshiis… oo uu kusoo celin lahaa la haystayaasha isla markaana uu u keenilahaa amni muwaadiniinta Israa’iil, wuxuu ka abuurayaa Qasa mushkilad cusub oo mar kasta qarxi karta.”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA CARAFO KU OOGAY MASJIDKA ISBAHAYSIGA ISLAAMKA

Muqdisho, Juun 06, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho kula oogay Salaadda Ciidda Carafo, Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiin iyo howlwadeennnada hay’adaha Dowladda.

Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa oo ah astaan midnimo, isjacayl iyo farxadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay kaalinta lama ilaawaanka ah ee Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Halyeeyada xaq u dirirka ahi ay ku leeyihiin in si nabad loogu Ciido Caasimadda dalka iyo guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan Ciidamada, taageeridda iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah iyo ka shaqeynta danta guud.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, Sarreeyaasha, Saraakiisha, Ciidamada iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed.

Ruushka oo weerar aargoosi ah ku qaaday dalka Ukrayn

Jimco 06, June 2025 {HMC} Masuuliyiinta dawladda Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu xalay weerar ballaadhan ku qaaday dalkaas, iyadoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo lagu garaacay magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Duqeymaha ayaa la sheegayaa in ay lagu dilay afar qof, sida uu sheegay duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko, oo hore u sheegay in 20 qof ay ku dhaawacmeen caasimadda.

Duqa magaalada Magaalada Lutsk ee waqooyi-galbeed dalkaasi ayaa sheegay in Ruushku uu u adeegsaday weerarkooda 15 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo lix gantaal, halkaas oo ay ku dhaawacmeen shan qof.

Horaantii todobaadkan, Donald Trump oo wadahadal Khadka taleefanka ah la yeeshay Putin ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushku uu wacad ku maray in uu ka jawaabi doono weerarkii dhawaan ay Ukraine ku qaadday saldhigyada cirka ee Ruushka, iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Sidee looga ciiday magaalada Jigjiga?

Jimco 06, June 2025 {HMC} Magaalada Jigjiga ee xarunta u ah dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee sida weyn loo muujiyay munaasibadda ciidda.

Dadweyne tiro badan iyo masuuliyiinta deegaanka ayaa salaadda ciidda ku oogay garoonka kubadda cagta ee magaaladaasi. Dadka ka qaybgalay waxa ka mid ahaa madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo dadweynaha ugu hambalyeeyay munaasibadda ciidda.

Qaar ka mid shacabka magaalada Jigjiga oo Warbaahinta  la hadlay ayaa sheegay in ciidda sannadkan ay ku soo beegantay xilli dib-u-habayn lagu sameeyay waddooyinka magaalada Jigjiga.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06-06-2025}

Jimco 06, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

 

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud