Home Blog Page 815

{DAAWO MUQAALKA} Mahad salaad iyo Muungaab oo Kulanmay.

Arbaco june 2025 {HMC} Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo yeeshay kulan lagaga hadlay amniga maalmaha barakaysan ee Ciida.

Taliyaha Ciidanka Booliska, Gen. Asad Cabdullahi Cismaan, Agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Xuseen Mungaab, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha qeybaha Booliska iyo NISA ee Gobolka Banaadir, iyo Taliyaha Ciidanka Boolis Militaaro ayaa caawa yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay adkeynta amniga maalmaha dabaal-daga Ciida Carafo.

Saraakiisha ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay sugidda nabadgelyada maalmahaan farxadda badan, iyagoo adkeeyay baahida loo qabo in la laba jibbaaro dadaallada amniga si shacabka Soomaaliyeed ay ugu ciidaan xasillooni iyo nabadgelyo.

Ugu dambeyn, saraakiisha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee u taagan sidii farxad iyo nabad ugu ciidi lahaayeen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05-06-2025}

Khamiis 05-Jun-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxaaan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

 

Warka waxaa soo jeedinayo :: Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::  Abdiraxmaan Muuse

{DAAWO MUUQAALKA} RW Xamsa oo Caawa soo saaray Fariin ku socota Shacabka Soomaaliyeed.

Khamiis 05, June 2025 {HMC} RW Xamsa oo Caawa soo saaray Fariin ku socota Shacabka Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Qof walba oo ka tirsan AS Waxaan u fidiyay Cafis kusoo biira Dowladiina”Madaxweyne Xasan”

Khamiis 05, June 2025 {HMC} Qof walba oo ka tirsan AS Waxaan u fidiyay Cafis kusoo biira Dowladiina”Madaxweyne Xasan”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 05-6-2025

Khamiis 05, June 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} ciidan oo gaaray farumaha hore ee dagaalka

Khamiis 05, June 2025 {HMC} Saraakiil ciidan oo gaaray farumaha hore ee dagaalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Sheekh Cali Dheere “Qof kasto Soomaaliyed oo jooga Carafa ha u duceeyo dalka iyo dadka”

Khamiis 05, June 2025 {HMC} Sheekh Cali Dheere “Qof kasto Soomaaliyed oo jooga Carafa ha u duceeyo dalka iyo dadka”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamada Ciidamada oo Xukun adag ku riday xubna AS ah

Khamiis 05, June 2025 {HMC} Maxkamada Ciidamada oo Xukun adag ku riday xubna AS ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 05/6/2025

Khamiis 05, June 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

Rag lagu eedeey La Shaqeenta AS oo La Xukumay

Khamiis , 5 Juun 2025 {HMC} Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno ku riday xubno lagu eedeeyay in aay ka tirsanaayeen Kooxda AS.

Hoos ka Aqriso Xukunka aay Maxkamada Soo Saartay:

“Maxkamadda ciidamada ayaa xukun ku riday Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare” oo lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha AS iyo in uu dadka ku Tashkiilin jiray inay ku biiraan kooxdaasi iyo Marin habaabin caruurta Soomaaliyeed tan iyo 2009.

Horjoogahiisa Xuseen Fiidoow ayaa u Magacaabay Marin habaabinta Jufada Hoose ee uu ka dhashay Eedeysane Horjooge Daqare, waxaana Ka mid noqoshada Khawaarijta uu ku tashiiliyey Ex Dhamme Shariif Maxamed Barqadle (Shariif Jeego) iyo Ex Dable Xoogga Maxamed Cabdulle Nuur Abkoow Biyamaaloow.

Shariif Cagaweyne oo Qeybta Dhagaraha ka tirsan ayaa isna ahaa Horjoogihii uu Daqare ku wareejiyay Jeego iyo Biyamaloow oo markii danbe geystay Qaraxyadii Muqdisho Mall 2019, Baar Cagaweyne oo ku yaalla agagaarka Hotel Wehliye 2019 iyo weerarkii Dabley Khawaarij ah loogu dusiyay airport ka Aden Cade 2022.

Horjooge Daqare Dadkii Kale ee uu ku biiriyay Khawaarijta, Jufadiisana ahaa kadib Tahskiilintiisa waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xiggeenkii hore ee Arrimaha Bulshadda Degmadda Hodon Shariif Nuur Cali Awliyo oo lagu helay la shaqeynta Khawaarijta, uuna u ahaa Basaas iyo Dhagarqabe Maxamed Cali Kaahiye oo wali la shaqeysta Khawaarijta, kana tirsan Duur ku jirta ku dhuumaaleysta Gobolka Mudug.

Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne) oo Sargaal Xiggeen ka ahaa Xoogga Dalka, ayaa isna lagu eedeeyay in uu ku biiray Khawaarijta, kadib Tashkiilinta Abtigiis Hooyadii la ina Adeera, waana Horjooge Daqare.

Waxaa looga faa’iideysan jiray soo gelinta Caasimada Gawaarida Qaraxyada Lagu Diyaariyo iyo dhaafsiinta control-lada Ciidamada Amniga, iyaggoo xittaa raran, Madaama u heystay Aqoonsiga Ciidamada.

Hay’adaha Amniga oo si hoose ula socday dhaqdhaqaaqa Dhagarqabe Daqare ayaa gacanta ku soo dhigay.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishii May ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud Daqare Xabsi Daa’in, halka Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale(Wadne) isna lagu xukumay Afar Sano oo xabsi Argagaxiso ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.”