Home Blog Page 818

Trump oo sheegay inuu arbacada la hadlay Putin, maxayse ka wadahadleen

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacada sheegay in uu ” wada hadal wanaagsan” la yeeshay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyagoo wicitaanka kaga wada hadlay duqaymihii diyaaradaha aan duuliyaha ee Ukriane iyo Iran.

Ka dib weerarkii ugu weynaa ee Ukraine ay ka geysatay gudaha Ruushka, Trump wuxuu sheegay in Putin uu u sheegay in Ruushka “ay ku qasbanaan doonaan inay ka jawaabaan weerarkii dhawaan lagu qaaday garoonka diyaaradaha”.

Trump ayaa sidoo kale ka digay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada in taleefoonka oo qaatay in ka badan saacad uusan ” horseedi doonin nabad degdeg ah”.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay Iran, waxaana Putin uu soo jeediyay inuu ka caawin karo wadahadalada Nukliyeerka ee dalkaasi.

{DAAWO MUUQAALKA} Turkiga oo Diyaarado Awood Badan ugu Deeqay Soomaaliya.

0

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Turkiga oo Diyaarado Awood Badan ugu Deeqay Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo Soomaaliya ku taageeray diyaarado nooca qumaatiga u kaca ee T129 Atak.

Arbaco, 4 Juun 2025 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa xoojisay taageerada dhanka difaaca ee ay Soomaaliya ka siiso dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab todobaadkan, kadib markii uu Sabtidii khadka telefoonka ay kuwada hadleen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Soomaaliya.

Ilo-wareedyo arrintan la socda ayaa Middle East Eye u sheegay in Ankara ay toddobaadkan dawladda Soomaaliya ku wareejisay saddex diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ee T129 Atak si ay u dardargeliso dagaalkeedi ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.

Ankara ayaa sidoo kale isku mar ku wareejisay ciidamada badda Soomaaliya labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, taasoo qeyb ka ah heshiis dhanka difaaca ah oo ay kala saxiixdeen labada dowladood bishii February 2024-kii, kaas oo dhigaayay in xukuumadda Ankara ay Soomaaliya ka taageereyso tababarka iyo soo saarida ciidamo awood badan oo kuwa badda Soomaaliya.

Turkiga ayaa sanadkii la soo dhaafay waxa uu tababarayay dhowr duuliye oo Soomaali ah si ay ugu shaqeeyaan diyaaradaha helicopter-ka ee Atak, Diyaaradahan Helicopters-ka ah ee la keenay Muqdisho ayaa ka dambeeysay ka dib markii Duuliyayaashu ay dhameysteen heerkii ugu dambeeyay ee tababarka.

Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa sheegay in taageerada Turkiga ee Soomaaliya ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada ay sii socon doonto, lana sii ballaarin doono, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Turkiga.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04-06-2025}

Arbaco 42 -Jun-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxaaan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiraxmaan Muuse

Farsamadii :: Yaasiin Ali Ahmed

{DAAWO MUUQAALKA} Yaa Gacanta ku Haayo Deegaanka Ceel-hareeri oo Manta Dagaal Culus ka dhaceyn.?

0

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Yaa Gacanta ku Haayo Deegaanka Ceel-hareeri oo Manta Dagaal Culus ka dhaceyn.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxaa ka jira in saacaddii qiyaamuhu soo dhawaatay?

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Saacadda laga matalay in ay tahay tan qiyaamaha, taas oo muujineysa sida aadanuhu ugu dhawyahay dhanka burburka ayaa waxa hal ilbiriqsi u durugtay dhanka hore 89 ilibiriqsina u jirsatay xilliga kala bayrka.

Barnaamijka lagu magu magacaabo Saynisyahanadda Atamka ee (BAS) oo saacada rakiba sanad walba, ayaa waxa uu sheegay in – khataraha dhanka hubka nukleyrka ee taagan, sida qaldan ee loo isticmaalo biology ga aadka u horumaray, garaadka macmalka ah iyo sidoo kale isbadalka cimilada in ay yihiin waxyaabaha aasaaska u ah baqdinta la qabo.

Danial Holz, oo ah madaxa barnaamijka gaar ahaan guddigiisa Sayniska iyo Ammaanka, ayaa waxa uu sheegay in talaabadaan ay qaaday saacaddu “ay digniin u tahay dhammaan hugaamiyaasha caalamka”.

Saacaddaan ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu saxay in ay joogto 7 daqiiqo ka hor xilliga saqda dhexe sanadkii 1947 dii. Sanadkii la soo dhaafay sagaashan daqiiqo ayay u jirtay dhanka hoogga adduunka balse waxaba kuma darsamin oo intaas ma dhaafin.

Bayaanka Talaadadii ay soo saareen BAS – oo ah hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay Chicago – waxaa lagu yiri: “Marka ay saacadda hal ilbiriqsi oo kaliya u jirsato saqda dhexe, waxaan diri doonnaa digniin adag.

{DAAWO MUUQAALKA} Qiimaha Xoolaha cirka galay xili ay soo socoto Ciidul Adxaha.

0

Arbaco 04, June 2025 {HMC}Qiimaha Xoolaha cirka galay xili ay soo socoto Ciidul Adxaha.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Faah Faahin:. Shil Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Puntland

0

Arbaco 04, June 2025 {HMC}  Faah Faahin:. Shil Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Puntland

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay yahiin Diyaaradaha dagaal ee DFS manta Turkiga ku Wareejiyay?

0

Arbaco 04, June 2025 {HMC}   Maxay yahiin Diyaaradaha dagaal ee DFS manta Turkiga ku Wareejiyay?

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 04/6/2025

0

Arbaco  4, jun ;2025{HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 04/6/2025

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN