Home Blog Page 820

Puntland oo War Kasoo Saaray inay ku lug leedahay colaadda ka taagan Suudaan

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Puntland ayaa beenisay eedeymaha sheegaya in ay door ku leedahay hurinta colaadda ka taagan dalka Suudaan, iyo wararka lala xiriirinayo Dowladda Imaaraatka Carabta in ay raadaarro ku rakibtay magaalada Boosaaso si ay ula socoto gantaallada kooxda Xuutiyiinta, si loo adkeeyo amniga xarumaha ay Imaaraadku ku leeyihiin Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in dacaayadahan ay ka dambeeyaan dalal uu ku eedeeyay inay boobayaan kheyraadka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale xusay in Dowladda Imaaraatka Carabta ay tahay saaxiib dhab ah oo taageera horumarka Puntland iyo shacabkeeda.

“Waddamo xiriir muddo kooban ah laleh Soomaaliya ayaa maanta wada olole lagu wiiqayo xiriirka Puntland iyo Imaaraatka Carabta. Waxay adeegsanayaan dacaayado aan sal iyo raad toona lahayn, iyagoo raba in ay fursad uga helaan boobka kheyraadka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku.

Lugatoor ayaa intaasi ku daray in Puntland ay si fiican u garanayso cidda wax u taraysa, isagoo ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay mideysnaadaan oo ay garab istaagaan ciidamada dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Dhawaan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Sudan ayaa si rasmi ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu gudbisay cabasho ka dhan ah maamulka Puntland, cabashadaas oo ah in Puntland ay si dadban uga qeyb qaadanayso dagaalka sokeeye ee ka socda Sudan.

Warqad rasmi ah oo loo diray Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ilo xog-ogaal ah oo maxalli ah iyo kuwa caalami ah ay muujinayaan in Puntland ay taageero istiraatiiji ah iyo mid saadka ah siineyso ciidamada RSF (Rapid Support Forces), oo ah malayshiyaad si weyn loogu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay gudaha Sudan.

Warqadda waxaa lagu sheegay in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uu noqday xarun isugu jirta safarro iyo sahay ciidan oo ay isticmaalaan ciidamada RSF, iyadoo la tuhunsan yahay in taageeradaasi ay kasoo jeeddo dalal shisheeye, oo ay ku jirto Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu wado in uu maanta u safra dalka Masar

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta soo gabagabaynaya safar labo maalin qaatay oo uu ku joogay Dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu booqahadiisa rasmiga ah ku guda jiray waxaa uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadlay arrimaha Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha, xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada wadan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare, ayaa kormeer ku tagey goobo kala duwan oo kamid tahay magaalada Carta, gaar ahaan halkii lagu qabtay shirkii sanadii 2000 ee lagu soo dhisay jamhuuriyadda sadexaad ee Soomaaliya.

Goobtan uu Ra’iisul Wasaaruhu booqday ayaa waxaa ku yaalla madxaf weyn oo ay ku keydsan yihiin dhammaan taariikhdii uu lahaa shirku iyo marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu u gudbo dalka Masar halkaas oo uu maalmaha ciidda qoyskiisa kula qaadan doono.

Mustaqbal

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo kulan wadatashi ah la qaatay xisbiyada is Diiwaan galiyey.

0

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo kulan wadatashi ah la qaatay xisbiyada is Diiwaan galiyey.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dhacdo Xanuun badan.”Labo Gabdhood oo walaalo ah uu Mas ku Cunay Galmudug

0

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Dhacdo Xanuun badan.”Labo Gabdhood oo walaalo ah uu Mas ku Cunay Galmudug

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Faah Faahin Israa’iil oo weerar xooggan ku qaadday Suuriya .

0

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Faah Faahin Israa’iil oo weerar xooggan ku qaadday Suuriya .

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Macawisley ku dhawacantay Dagaalkii Aboorey oo Furaha ku laabtay.

0

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Macawisley ku dhawacantay Dagaalkii Aboorey oo Furaha ku laabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Halkee ayuu ka biloowday Khilaaf ka dhax qarxay Madaxweyne Trump iyo Saaxiibkiis?

0

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Halkee ayuu ka biloowday Khilaaf ka dhax qarxay Madaxweyne Trump iyo Saaxiibkiis?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Qof kasto oo AS Xog u Gudbiya Godkii lagu aasi lahaa waa Diyaarinaay ”Nabadoon Qaansa weeyne”

0

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Qof kasto oo AS Xog u Gudbiya Godkii lagu aasi lahaa waa Diyaarinaay ”Nabadoon Qaansa weeyne”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shaqaale ka tirsan Qaramada midoobay oo lagu Dilay weerar ka dhacay Suudaan.

0

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Shaqaale ka tirsan Qaramada midoobay oo lagu Dilay weerar ka dhacay Suudaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04-06-2025}

Arbaco 04, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud