spot_imgspot_imgspot_img
Home Blog Page 823

{DAAWO SAWIRADA} Saalax Jamaac,”Wasaaradda Gaashaandhiggu waa tiir muhiim ah oo lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya”

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jamaac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Gaashandhigga si uu u dhiirrigeliyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka, loona taageero ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa waxaa soo dhaweeyey Wasiirka Gaashandhigga, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha sare ee wasaaradda, isagoo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda, oo ka warbixiyay horumarka laga sameeyey tababarka iyo qalabeynta ciidamada, iyo sidoo kale caqabadaha ku hor gudban dadaallada lagu xoojinayo amniga qaranka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku bogaadiyey mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo ka hortagga khataraha argagixisada.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waa tiir muhiim ah oo lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya oo nabad iyo horumar leh. Ciidamada qalabka sida waa halyeeyo u taagan difaaca sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri Mudane Salah Jama.

Intaa kadib, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, halkaas oo uu la kulmay shaqaalaha iyo xubno ka tirsan ciidamada qalabka sida, una muujiyay taageero iyo dhiirigelin.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka ee ku aaddan xoojinta xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo hubinta in howlaha qaranka lagu wado si hufan oo waxtar leh, iyadoo diiradda la saarayo dhismaha dowladnimada iyo sugidda amniga dalka.

jaamac4 Gaashaan dhiga JAAAMAC1

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho iyo Safiirka Suudaan oo Kulmay

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Mr. Ammar Ahmed babiker, iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wadda shaqeynta labada dhinac, Waxaana kulankan goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure.

Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Mr. Ammar Ahmed babiker ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir mas’uuliyada culus ee loo igmaday islamarkaana ilaahey uga rajeeyay in uu lagarab galo, iyadoo intaas kadib uu safiirka amaanay horumarada isdaba jooga ah ee ka socda Caasimadda, waxa uuna balan qaaday in safaarada Suudaan ay diyaar u tahay sidii Maamulka Gobolka Banaadir ugala shaqeyn laheyd dib u hagaajinta Bulaacadaha biyamareenka ah iyo hirgalinta warshadaha wax soo saarka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ugu duceeyay ummada reer Suudaan in ilaahey uu dib ugu soo celiyo Xasiloonidii iyo Dowladnimadii looga dayan jiray, isaga oo uga mahadceliyay sida dad reer Suudaan ay ugarab istaageen dad Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee lasoo maray.

Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo barnaamij kaste oo ay Safaarada Suudaan ee Soomaaliya uga qeyb qaadaneyso horumarinta bilicda Caasimadda iyo in fursada shao loo abuuro dhallinyada.

suudan Amiir1 Amiir 1 471967071 1102179801948625 6064126693260095747 n

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Sababta Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya uu u Gaaray Degmada Maxaas.

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC}   Maxay tahay Sababta Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya uu u Gaaray Degmada Maxaas.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon Muxuyadiin “Goba nimada aas sameysen cid sameyn karto ma jirto waana la idin ku yaqaanay”.

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC}   Nabadoon Muxuyadiin “Goba nimada aas sameysen cid sameyn karto ma jirto waana la idin ku yaqaanay”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor”Sharafta aad nagusoo dhaweyseen waad u dhalateen”.

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC}   Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor”Sharafta aad nagusoo dhaweyseen waad u dhalateen”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Afhayeenka Howlgalka kasocda gobolka Bari ee Puntland ayaa warbaahinta faah-faahin siiyay.

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC}  Afhayeenka Howlgalka kasocda gobolka Bari ee Puntland ayaa warbaahinta faah-faahin siiyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan “Arinta xalka ah ee uu wado Imaam Daahir waan soo dhaweyneynaa”

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC}  Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan “Arinta xalka ah ee uu wado Imaam Daahir waan soo dhaweyneynaa”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Maxeey Yihiin labada Hindise sharciyeed ee uu Madaxweynaha Hirshabelle maanta saxiixay ?

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa waxa uu ku saxiixay labada hindise-sharciyeed ee kala ah:-

1. Dhaqan-galka ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2025 ee Dowladda Hirshabeelle.

2. ⁠Dhaqan-galka ansixinta hindise-sharciyeedka maareynta deegaanka ee Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay golaha Wadiiradda Hirshabelle iyo golaha Baarlamaanka oo horey u meel mariyay labadan hindise sharciyeed uu maanta saxiixay.

“Waxaan u mahadcelinayaa Golaha Wasiirrada iyo Barlamaanka Dowladda Hirshabeelle oo horay u soo ansixiyay miisaaniyada iyo sharciga deegaanka ee aan maanta saxiixay. Hirgelinta sharciyadan waxa ay guul weyn u tahay bulshada Hirshabeelle.” Ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Sannadka curran doonno ee 2025 , ayaa Madaxtooyada maamulka Hirshabelle sheegtay in la ay shaqaalleysiiso shaqaallihii ugu badnaa ee ka mid noqdo shaqaallaha rayidka ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Puntlnad oo war kasoo saartay Ajaaniib lagu dilay Dharjaale i

0

Talaado 31, DEC 2024 {HMC} Dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish oo isugu jiray Soomaali iyo ajaaniib , ayaa saakay weerar xooggan oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah waxa ay kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka difaaca Puntland ku leeyihiin deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari.

Weerarkan ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in khasaaro soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa saldhigga la weeraray.

War kasoo baxay ciidamada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, ayaa lagu sheegay in saakay fashiliyeen weerar kooxda Daacish kusoo qaadeen, waxa ayna sheegeen in ciidamada dileen dhammaan xubnihii kooxda Daacidh ee weerarka soo qaaday.

”Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari, ayaa saaka fashiliyey isku dayga weerar argagixiso oo ay soo maleegeen Kooxda dhiigmiiratada Daacish, waxaana halkaasi Ciidanku ku dileen oo aysan cidi ka laaban dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo u badan Ajaanib” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidanka howlgalka ee Puntland .

Puntland , ayaa sheegtay in kooxda weerarka soo qaaday ay isugu jireen ajaaniib iyo Soomaali , waxa ayna xuseen dadka ajaaniibta ah ee la dilay ku jiraan kuwa Carbeed iyo xabashi, waxa ayna xuseen ciidamada in ay u ruqaansadeen goobihii ay weerarka saakay kasoo qaadeen kooxda Dacaish.

Weerarkan saakay lagu qaaday ciidamada difaaca Puntland , ayaa imaanaya xilli ciidamada maamulkaasi gobolka Bari ka wadaan abaabulkii ugu dambeeyay howlgal la doonayo in lagu soo afjaro maleeshiyaadka hubeysan ee katirsan Daacish iyo Al Shabaab ee ku sugan buuraha gobolka Bari.

 

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Batroolka oo Soo Gaaray Baladweyne

0

Talaado 31, DEC 2024 {HMC} Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, ayaa saakay oo Talaado ah Soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka iyo xubnaha la socady waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweryne kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan Baladweyne iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana wafdiga wasiirka loo galbiyay gudaha magaalada.

Wasiirka Batroolka iyo xubnaha la socda , ayaa magaalada Baladweyne u tagay xal u helida xiisada ka dhalatay ciidankii kasoo jeeday beesha Xawaadle ee aannada qabiil dhawaan loogu dilay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Wasiirka , ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha, odayaasha dhaqanka, kuwaa uu kala hadli doono xiisada ka dhalatay dilka askarta loo geestay, iyo sidii looga hortagi lahaa in falal aargoosi ah dhacaan.

Dilka askarta beesha Xawaadle loo geestay kaddib , ayaa furumaha hore ee dagaalka waxaa ka baxay ciidan badan oo kasoo jeeday beessha Xawaadle, kuwaa oo dib ugu laabtay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Hiiraan, iyaga oo gadood ka ahaa falkii walaalahood lagula kacay.

Dowladda Soomaaliya oo horay u shaaciday in 48 saac gudahood kusoo qaban doonto maleeshiyaadkii dilka geestay , ayaan wali ku guuleysan in ay soo qabtaan, waxa ayna dowladda wadaa dedaalo looga hortago in colaad hor leh ka dhalato dilka loo geestay askartaasi.