Talaado, 03; jun; 2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 03; jun; 2025
{DAAWO MUUQAALKA} Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday Carta oo ahayd halkii lagu soo dhisay Dowlada Soomaaliya
Talaado 3, June 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday Carta oo ahayd halkii lagu soo dhisay Dowlada Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {03-06-2025}
Talaado 03 -Jun-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cadoow & Sahro Gabre
Farsamadii ::Abdiqani osoble
{DAAWO MUUQAALKA} Howlgalka Midowga Afrika oo ka hadlay sababtii ciidamada Burundi uga baxeen Xawaadley
Talaado 3, June 2025 {HMC} Howlgalka Midowga Afrika oo ka hadlay sababtii ciidamada Burundi uga baxeen Xawaadley
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Kenya oo weerar ku dilay xubna AS ah
Talaado 3, June 2025 {HMC} Ciidamada Kenya oo weerar ku dilay xubna AS ah
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Sacuudiga Oo Sharuud Cusub Kusoo Rogay Waayeelka iyo Caruurta Xajinayo Sanadkan.
Talaado 3, June 2025 {HMC} Sacuudiga Oo Sharuud Cusub Kusoo Rogay Waayeelka iyo Caruurta Xajinayo Sanadkan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-06-2025}
Talaado, 03, June 2025{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Afka Soomaaliga oo sanadkan lagu soo daray Luuqadaha lagu turjumayo khudbadaha Xajka.
Talaado 3, June 2025 {HMC} Wasiirka Awqaafka iyo Arrimaha Islaamka, Mukhtaar Roobow oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa shaaciyay in Luuqadda Soomaaliga kamid noqon doonto Afafka lagu turjumi doono khudbadaha muhiimka ah ee Xajka.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay magaalada Makka, kaasi oo uu la yeeshay madaxda shirkadaha Xujayda keenta Dalka Sacuudiga.
“Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha ay jeedin doonaan maalmaha Xajka ma’suuliyiin Sacuudiga waxaa lagu daray luuqada Soomaaliga, si ay Xujeyda Soomaaliyeed u fahmaan khudbadaha” ayuu yiri Wasiir Roobow.
Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in ay ka shaqeynayaan adeeg wanaagsan oo ay helaan boqolaalka Soomaalida ee sannadkan gudanaya waajibaadka Xajka.
Malaayiin Muslimiin ah ayaa ku sugan dhulka Barakeysan, kuwaasi oo ay billaaban doonaan Acmaasha Xajka, waxaana khudbadaha turjimadooda lagu soo daray Luuqadaha ay kamid tahay mida Soomaaliga.
Shacabka dalka Koofurta Kuuriya oo maanta u dareeraya goobaha codbixinta.
Talaado 3, June 2025 {HMC} Shacabka Koonfurta Kuuriya ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne cusub oo beddela Yoon Suk-yeol, oo xilka laga qaaday.
Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid xasaasi ah oo shacabka Koonfurta Kuuriya ay isha ugu hayaan cidda la wareegi doonta hoggaanka dalka xilli uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni.
Doashada ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiinta Lee Jae-myung oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Democratic Party of Korea iyo Kim Moon-soo oo u matalaya xisbiga haya talada ee People Power Party.
Doorashadan ayaa timid kadib markii bishii December ee sanadkii hore la riday xukuumaddii Madaxweynihii hore oo dalka ku soo rogay xaalad degdeg ah, taasoo dhalisay caro iyo muran siyaasadeed.
{DAAWO MUUQAALKA} Halkee Ku Dambeysay lacagtii Shilin Soomaaliga ee laga isticmaali jiray Baladweyne?
Talaado 3, June 2025 {HMC} Halkee Ku Dambeysay lacagtii Shilin Soomaaliga ee laga isticmaali jiray Baladweyne?



