Home Blog Page 825

Haweeney loo xiray dahab ay ka furatay mayd la aasi rabay.

Talaado 3, June 2025 {HMC} Markii qoys murugoonaya ay arkeen qof aanay garanayn oo baroordiiqaya oo ugu yimid qubuuraha maydka lagu aasayay ee waqooyiga waddanka Faransiiska halkaas oo qaraabada ay ku sii sagootinayeen maydka, ayaanay jirin cid wax kale ka fakartayba.

Haweeneyda oo ku jirta da’da lixdameeyada ayaa la sheegay inay saaxiibbo ahaayeen qofka dhintay, marka waxaa loogaga tagay inay kaligeed maydka u ducayso xilli naxashkana uu furnaa – ama waa sida ay u maleeyeenee.

Markii ay xilli dambe soo laabteen, waxa ay arkeen maydkii oo dahabkii laga furtay, kuwii ugu xirnaa qoorta, jijimihii iyo dhegihiiba la waa meesha ay galeen, waxaa sidaasi ku warramay warbaahinta Faransiiska.

Qoyska ayaa markiiba dacwadda gaarsiiyay booliska, kuwaas oo baaray arrinta waxyar kaddibna waxa ay aqoonsadeen qofka laga sakhisanyahay; oo noqotay haweenay ku noolayd meel aanan sidaasi uga fogayn qubuuraha maydka lagu aasayay, ee magaalada Liévin. Haweeyneydii ayey xireen waxa ayna ka heleen dahabkii la la’aa.

Hasayeeshee xaaladdu halkaas kuma aanay dhammaan. Waxaa waxyar kaddib u suuragashay inay la xiriiriyaan boorso laga xaday maydka nin isla goobta dadka lagu aaso yaallay, arooryadii hore ee isla maalintaas, waa Talaadadii bisha Agoosto ay aheyd 24-ka.

Markii la baaray guriga qofka laga shakisan yahay booliska ayaa sidoo kale waxa ay soo heleen xirmooyin warqadaha dadka lagu ogaysiiyo inuu qof dhintay. Kuwaas oo ay ku jiraan xogta meelaha laga heli karo numbarka gaarka ah ee qoysaska ay ku gali karaan qolalka, halkaas oo la dhigo naxashyada ay ku jiraan maydadka.

Haweeneyda ayaa waxaa maxkamad la soo taagi doonaa sanadka soo socda ee 2022.

 

{DAAWO SAWIRADA} Adama Yusuf oo sagaal ka mid ah qoyskiisa ay ku dhinteen daadad ku soo Rogmay Deegaankooda.

Isniin 2, June 2025 {HMC} Nolosha Adama Yusuf ayaa is bedeshay tan iyo markii uu sagaal ka mid ah qoyskiisa ku waayay daadad ka dhacay waqooyiga iyo bartamaha Nigeria.

Aabahan 36 jir ka ah, ayaa sheegay in xaaskiisa iyo cunug yar oo dhawaan dhashay ay ka mid ahaayeen dadkii daadadku la tageen subaxnimadii Khamiista.

“Waxa aan ku kacay markii daadku soo rogmadeen, aniguna si degdeg ah ayaan reerkii isugu soo ururiyay, waxaanan ku iri cid kasta ha ku dhegto cidda kale oo ha qabsato, markii aanu dibadda u soo baxnay, waxa aanu meel kasta ku aragnay biyo oo qolkayaga iyo xaruntaba soo galay, way naxeen oo waanan kala lunay.

Xaaskiisa iyo canugiisa ayaa kusoo laabtay magaalada Mokwa maalin ka hor, ka dib markii ay aadeen guriga soddoggiisa kadib dhowr toddobaad markii ay dhashay.

“Waxaba uma qaban karin markii ay biyuhu qaadeen qoyskeyga, anigu waan ka badbaaday sababtoo ah waan dabaalan karay, Ilaah baa i badbaadiyay,” ayuu yiri Mr Adamu.

Tirada rasmiga ah ee ku dhimatay daadadkaasi xooggan oo Khamiistii ku dhuftay magaalada Mokwa ee dalka Nigeria ayaa gaartay in ka badan 200 oo qof, sida ay saraakiishu sheegeen.

500 oo qof oo kale ayaa weli lagu la’yahay magaalada ku taal bartamaha gobolka Niger si kastaba ha ahaatee, sarkaal maxalli ah oo lagu magacaabo Musa Kimboku ayaa BBC u sheegay in dadaallada samata bixinta ay joogsadeen sababtoo ah mas’uuliyiintu ma rumaysna in weli qof nolol lagu heli karo.

Niyadda bulshada ku dhaqan Tiffin Maza, Sabtidii waxay u ahayd mid murugo, quus iyo dhimasho.

Dharka firirsan, joodariyaal qoyan iyo saqafyo bir ah oo jajaban ayaa ka mid ah haraaga ugu dambeeya ee boqolaal guri oo burburay.

Dhismayaasha weli taagan waxa saameyn xun ku yeeshay fatahaadda, iyadoo saqafyada ay kadhaceen ama qaybo ka mid ah dhismayaasha ay burbureen.

Isagoo ku taagan meel sagxada oo buluug ah, waxa kaliya ee uu timaami karay waa halkii mar ahaan jirtay qolkiisa jiifka, Mr Adamu waxa uu eegay dhul bannaan oo ballaaran oo bedelay halkii ay degenaayeen bulshadiisu.

“Wax walba ayaan ku waayay daadkan, laakiin tan ugu xanuunka badan waa tan qoyskayga, waxa kaliya ee qaaliga ah ee aan hadda haysto waa marada aan xiranahay oo xitaa uu ii siiyaay saaxiibkay.”

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah qaraabada la helay meydkiisa oo uu “oo uu ka quustay in uu aamino in dadka kale aysan dib ugu soo laabaneyn” iyagoo nool.

Ciise Muxamed oo sagaal iyo toban jir ah oo ka qalin jabiyay dugsiga sare, ayey niyad jab ku noqotay tan iyo markii uu maqlay in gurigii macalinkiisii uu jeclaa ay biyhu qaadeen, iyadoo macalinka iyo 8 xubnood oo qoyskiisa ah ay ku jiraan.

“Laba qof oo meyd ah ayaa la helay, mid ka mid ah wuxuu ahaa canugiisii, macalinkaygii, canugiisii labaad, walaashiis iyo afar kale oo qaraabo ah ayaa wali la la’yahay, dhismo ayaa kusoo dumay xaaskiisa oo aan la joogin guriga, isla markiina way dhimatay.”

Mr Muhamed waxa kale oo uu waayay qoys, isaga oo xasuusanaya adeerkii oo ku dhintay masiibada.

“Adeer Muuse waxa uu ahaa saaxiib aad ugu wanagsan aabahay oo geeriyooday, waxa uu i xanaanayn jiray tan iyo markii uu aabahay dhintay 2023, waxa uu i baray in aan qiimeeyo waxbarashada, mar walbana waxa uu ii sheegi jiray in aan sameeyo waxa saxda ah.

“Mar kasta oo aan keli noqdo oo aan ka fikiro isaga, ilmada ayaa had iyo jeer igasoo daadanaysa. Waan seexan kari waayay tan iyo markii uu shilku dhacay,” ayuu yiri Mr Muhammed.

Waxaa agagaarka Tiffin Maza ka jira ur xun, dadka deegaanka ayaa rumeysan inay taasi cadeyn u tahay inay jiraan meydad ku hoos jira dhoobo qaro weyn oo daadku qaaday.

Waxay ka shaqeynayaan sidii ay u heli lahaayeen oo ay u gu sameyn lahaayeen meydadka aas wanaagsan si la mida sida ay dadka kale u sameeyeen tan iyo Khamiista.

“Nolosheyda weligay ma arag daadad noocan oo kale ah, laakiin waxa aan ka mahadcelinayaa in qoyskeyga ay ka badbaadeen,” Ramat Sulaiman oo 65-jir ah ayaa sidaasi tiri.

Guriga Marwo Sulaymaan ayaa gabi ahaanba burburay, taasoo qoyskeeda ka dhigtay guri la’aan.

Waxay sheegtay in 100 carruur ah oo dugsi Qur’aanka seexan jiray kaas oo laba baloog gurigeeda u jira “dhammaantood ay biyuhu qaadeena”.

“Waxay ii ahayd muuqaal xanuun badan, carruurtu waxay u ooynayeen gargaar, laakiin qofna waxba uma samayn karin, markii ay oohintoodu sii korodhay, biyaha ayaa dhismahooda qaaday.”

Wiilkeeda, Saliu, ayaa guri la’aan noqday iyo wax la’aan.

“Waxaan ku waayey ugu yaraan $1,500 fatahaadda, waxay ahayd wixii ka soo xarooday iibkii beerteyda maalintii hore, waxaan ka fikiray inaan qolka ku laabto si aan u helo, laakiin cadaadiska biyaha ayaa i cabsi geliyay,” ayuu yiri.

“Sidoo kale waxaan waayay kow iyo toban kiish oo laws ah iyo todobo kiish oo digir ah, aniga iyo xaaskayga waxba kalamaanan soo bixin qolkayaga

Waxa uu sheegay in tan iyo markaas uu ku jiray qaraw iyo riyo.

“Waan murugoonayaa.”

Maamulka ayaan weli xaqiijin haddii uu biyo-xireenku jabay, taasoo uga sii dareysa saameynta fatahaadihii dhawaan dhacay sida sida lasoo weriyay.

Madaxa degmada Mokwa, Alhaji Muhammadu Shaba Aliyu, ayaa BBC-da u sheegay in aagga uu ku yaallo keyd biyaha daadin kara “mar kasta oo roob da’o”, si kastaba ha ahaatee wuxuu intaas ku daray in baaxadda fatahaaddu ay tahay mid xad-dhaaf ah.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay rumeysan yihiin in daadadka aanay ka dhalan roobabka xooggan ee ay la kulmeen.

“Roobku ma keeni karin fatahaada sababtoo ah wuu yaraaday, meelna biyhau ma fadhiisan, dibadda ayaan joogay, waxaanan si lama filaan ah u arkay biyo xawli ku socda oo wax walba burburiyay wadadii ay marayeen” ayuu yiri Mr Muhamed.

Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Mokwa, Musa Alhaji Aliyu Kimboku, ayaa sidoo kale meesha ka saaray in roobka uu sababay fatahaadda.

Hay’adda Gurmad Qaran ayaa sheegtay in dadka dhaawacmay la daweynayo, iyadoo dhibanayaasha barakacayaasha loo qaaday xeryo dib u dejin agab gargaarna loo qeybiyay.

Hay’adda saadaasha hawada ee dalkaas ayaa saadaalisay in xilli-roobaadku ay socon doonaan illaa 200 oo maalmood bartamaha Nigeria sannadkan, halka ay muddo dheer ku sii jiri karaan inta badan gobollada koonfureed.

Bilowgii bishii May, dowladda federaalku waxay billowday olole wacyi-gelin ah oo ku aaddan fatahaadda, si muwaadiniinta looga wacyigeliyo khatarta fatahaadda.

Iyadoo dhibanayaasha ay ka qaadanayaan wixii ay ka heli karaan burburka guryahooda si ay u bilaabaan nolol cusub, kuwa waayay eheladooda sida Mr Adamu ayaa sheegay in aysan waligood ka bogsan karin, inkastoo ay aqbaleen qaddargta ku dhacday.

Xigasho BBC

 

Iran oo shuruud Adag ku xirtay wada-hadallada Maraykanka ee ku saabsan Nukleerkeeda.

Isniin 2, June 2025 {HMC} Iran ayaa sheegtay inay doonayso dammaanad ah in cunaqabataynta lagu soo rogay laga qaado, iyadoo ay sii wadayaan wada-hadallada Maraykanka ee ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in uusan wali arag wax isbedel ah oo ku yimid mowqifka Washington ee cunaqabateynta.

Sabtidii, Maraykanku waxa uu sheegay in uu Tehraan u diray hindise ku saabsan heshiis nukliyeer ah (si wax loogu beddelo kii uu madaxweyne Trump ka tagay muddadii xileedkiisii ugu horraysay ee uu xafiiska joogay).

Isla maalintaas, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka ayaa daabacday warbixin ay ku sheegtay in Iran ay xoojisay wax soo saarka Yuraaniyaamka aadka loo tayeeyay. Tehran ayaa marar badan beenisay in ay samaynayso hub nukliyeer ah.

Dowladda Ingiriiska oo Ku dhawaaqday in ciidamadeeda ay isku diyaarinayaan dagaal.

Isniin 2, June 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Dalka Britain ayaa sheegay in dib u eegis weyn oo dhanka difaaca ah oo maanta la daabacay ay u dhaqaajin doonto ciidamada qalabka sida ee UK “diyaar garowga dagaalka” si ay uga hortagaan khataraha sii kordhaya ee xilligan aan xasilloonayn.

Isagoo ka hadlayay Scotland, Keir Starmer wuxuu xaqiijiyay in dowladdu ay dhisi doonto ilaa laba iyo toban markab oo cusub oo kuwa dagaalka ah, ayna sidoo kale ku bixin doonto in ka badan labaatan bilyan oo doolar casriyeynta madaxyada nukliyeerka ee Britain, soo saarista gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxa uu sheegay in siyaasadda difaaca ee Britain ay mar walba ahaan doonto mid la jaan qaadeyso gaashaanbuurta “NATO ” — oo aysan waligood keligood dagaalami doonin. Waxa uu sidoo kale raysal wasaaraha sheegay inay ka go’an inay kordhiso kharashka difaaca oo ay gaarsiiso laba dhibic shan boqolkiiba marka la gaaro sanadda 2027.

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal khasaaro kala duwan uu ka dhashay oo ka dhacay Hiiraan.

0

Isniin 2, June 2025 {HMC} Dagaal khasaaro kala duwan uu ka dhashay oo ka dhacay Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Hub dambe AS gacantooda ma gali doono”Jen-Sulub Axmed Firin””

0

Isniin 2, June 2025 {HMC} Hub dambe AS gacantooda ma gali doono”Jen-Sulub Axmed Firin””

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Somali Defense Minister: Solution Found to AS Bombings.

Monday 2 June 2025 {HMC} The Minister of Defense of the Federal Government of Somalia, Ahmed Macalin Fiqi, today inaugurated the National Conference on Weapons, Ammunition and IED Prevention in Mogadishu.

The conference, organized by the National Security Office, will last for two days, focusing on weapons, ammunition and IED prevention in Mogadishu.

The conference was attended by security agencies at the federal, state and international levels that support the Federal Government of Somalia in the field of security and prevention of illegal weapons and ammunition.

The Minister of Defense, Ahmed Macalin Fiqi, the Deputy Minister of Internal Security, Lieutenant General Sulub Ahmed Firin, the National Security Advisor and other officials who spoke at the conference unanimously emphasized the importance of the Federal Government and the country’s governments working together to develop the 2025-2030 strategic plan.

“The Minister stated that the implementation of the Weapons and Ammunition Management (WAM) Strategy 2025–2030 is not an option, but a national obligation necessary to maintain the security and stability of the country.

He commended the progress made in the digital system for registering weapons and marking ammunition, and also expressed gratitude to international organizations and friendly governments that have supported the efforts of the Ministry of Defense,” said a statement from the Somali Ministry of Defense.

All federal and state authorities unanimously agreed to strengthen efforts to prevent illegal weapons and ammunition and improvised explosive devices.

In conclusion, the Somali Ministry of Defense stated that it is fully committed to implementing the operational and behavioral changes required by this strategy and to working closely with the Command and Control Directorate (CMD), the National Security Office (NSO), and international partners.

Dhacdooyinkii Ugu Danbeeyay caalamka 02-06-2025

0

Dhacdooyinkii Ugu Danbeeyay caalamka 02-06-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 2-6-2025.

0

isniin 2, june 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUUQAALKA} Taliska Africom oo soo saaray digniin Cusub.

0

Isniin 2, June 2025 {HMC} Taliska Africom oo soo saaray digniin Cusub.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA