Home Blog Page 832

Kenya Met lists Nairobi & Mombasa among counties to receive rains for next 5 days

0

Sunday 1, June  2025 {HMC} The Kenya Meteorological Department has predicted continued rainfall in several parts of the country for the next five days, up to Tuesday next week.

Kenya Met, in its five-day weather forecast published on Friday, May 30, stated that moderate to heavy rains were expected in the Highlands East and West of the Rift Valley, the Lake Victoria Basin, the Central Rift Valley, and the Coast.

In the Lake Victoria Basin and Rift Valley regions, rains were projected in Siaya, Kisumu, Homa Bay, Migori, Kisii, Nyamira, Trans Nzoia, Baringo, Uasin Gishu, Elgeyo Marakwet, Nandi, Nakuru, and Narok.

According to Kenya Met, downpours in these counties would be heavy and were likely to begin in the afternoon, accompanied by thunderstorms.

“Sunny intervals are expected in the mornings, though occasional rains may occur over a few places. Afternoon and night showers and thunderstorms are likely to occur over several places,” Kenya Met revealed.

While heavy rains were expected in the Lake Victoria Basin and Rift Valley regions, the weatherman projected moderate downpour in the Highlands East region, which encompasses Nairobi County.

Besides Nairobi, other counties within the Highlands East region are Nyandarua, Laikipia, Nyeri, Kirinyaga, Murang’a, Kiambu, Meru, Embu, and Tharaka Nithi.

Kenya Met noted that mornings in the aforementioned counties would be cloudy, giving way to sunny intervals and subsequently light afternoon and night showers.

A similar weather pattern was forecasted in the Coastal counties of Mombasa, Kilifi, Lamu and Kwale, as well as some parts of Tana River County, where light rains were expected in the morning hours.

In its advisory, the meteorological department also warned Kenyans who live in Nyandarua, Laikipia, Nyeri, Kirinyaga, Murang’a, Kiambu, Meru, Embu, Tharaka and Nairobi to brace for very cold nights.

Kenya Met noted that cold temperatures of between 6°C and 8°C were expected in the said counties for the next five days beginning Friday, May 30.

Similarly, hot daytime temperatures were predicted in the counties found in the Coastal, Rift Valley, and Lake Victoria Basin. According to Kenya Met, daytime temperatures were expected to soar up to 36°C.

Counties in these regions include Mombasa, Kilifi, Lamu, Kwale, Siaya, Kisumu, Homa Bay, Migori, Kisii, Nyamira, Trans Nzoia, Baringo, Uasin Gishu, Elgeyo Marakwet, and Nandi.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamadan Kumaandooska Gorgor oo heegan la galiyay

0

axad 1, June 2025 {HMC} Ciidamadan Kumaandooska Gorgor oo heegan la galiyay

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA}Sabti 1, June 2025 {HMC}

0

Sabti 1, June 2025 {HMC} Maxuu yahay ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa ugu ambabaxay dalka Jabuuti?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 1/6/2025

0

axad 1, jun 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 1/6/2025
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN

Muxuu Yahay Ninka aay Gacanta Kusoo Dhigen Sirdoonada Turkiga iyo Pakistan?

Axad, 01, June 2025{HMC}  Sirdoonada dowladaha Turkiga iyo Pakistan, ayaa howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen sargaal sare oo katirsanaa kooxda Daacish, sargaalkan nolosha lagu qabtay ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga.

Howlgalka wadajirka ah ay fuliyeen sirdoonka Turkiga ee MiT iyo sirdoonka Pakistan ee ISI, ayaa lagu soo qabtay ninkii ugu sarreeyay saadka iyo warbaahinta ururka Daacish ee Abu Yasir Al-Turk, waxaana ninkan laga soo qabtay uu ku dhuumaaleesanayay xadka ay wadaagaan Pakistan iyo Afganistan.

Ninkan kasoo jeeda dalka Turkiga xubin sarana ka ahaa kooxda Daacish, ayaa in muddo ah waxaa raadinayay sirdoonnada dowladaha Turkiga, Mareykanka iyo Yurub, waxaana ninkan uun ku jiray liiska xubnaha ugu khatarta badan ee kooxda Daacish.

Dowladda Turkiga ayaa soo qabashada ninkan amniga dalkaasi khatarta ku ahaa ku tilmaantay guul weyn, waxa ayna soo qabashada ninkan kusoo aadeysaa xilli ay hubka dhigeen koxda PKK ee dagaalka kula jiray Turkiga, taa oo soo xireysa albaabka Turkiga ee khataraha amniga Qaranka ee dibadda ugu imaan jiray.

Doowladda Hindiya oo Qiratay in khasaare ka soo Gaarey Dagaalka Pakistan

Axad, 01, June 2025{HMC}  Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Hindiya, General Anil Chauhan, ayaa qirtay in dalkiisa la kulmay khasaare hantiyadeed iyo mid naf intuu socday dagaalka kala dhaxeeya Pakistan.

Taliyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare dhinaca diyaaradaha cirka ay soo gaareen, isaga oo aan caddeyn inta uu la eg yahay.

Xilli uu la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, isaga oo ku sugan Singapore wuxuu yiri “Waxa ugu muhiimsan ma ahayn khasaaraha, balse waa sababta ay u dhaceen iyo tallaabooyinka aan qaadayno kadib,”

Hindiya iyo Pakistan ayaa galay dagaal afar maalmood socday bishan, waxaana la tilmaamay inuu ahaa iskahorimaadkii ugu xumaa tan iyo dagaalkii Kargil ee 1999-kii. Colaaddaasi ayaa dhammaatay 10-kii May kadib markii labada dal ay isla oggolaadeen xabbad-joojin.

Wararka labada dhinac laga helayo ayaa is-khilaafsan, waxaana la sheegaya in in ka badan 70 qof ay ku dhinteen weerarro ay ku jireen gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn (drone) iyo madaafiic.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in ay dishay in ka badan 100 qof oo ay ku tilmaantay “argagixiso”, kadib duqeymo ay ku beegsatay “xeryo argagixiso” oo ku yaalla gudaha Pakistan.

Dowladda Pakistan weli kama aysan hadlin si rasmi ah tirada khasaaraha ay ka soo gaartay weerarradaasi, balse waxay sheegtay in la beegsaday dad rayid ah iyo saldhigyo ciidan.

Xasan Shiikh oo shaaciyay xilliga ay furmeyso gogosha Wadatashiga

Axad, 01, June 2025{HMC}  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuu ayaa casuumaad u diray siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada daneynaysa in ay ka qeyb galaan Gogosha uu hore u cillaamiyay.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha wuxuu ku sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu watashiyo la yeeshay qaar ka tirsan madaxdii hore ee dalka, madaxda dowlad gobaleedyada, ururuda siyaasadda, iyo bulshada rayidka.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada taas oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15ka Juun 2025.

“Waxaa laga codsanayaa siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan shirkaas muhiimka u ah dawladnimadeena ayna soo ajiibaan casuumadda rasmiga ah ee Madaxweynaha.” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Madaxtooyadda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in gogosha arrimaheeda farsmo ay ka shaqeyn doonaan guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u saartay fududaynta gogosha iyo shirarka ka horeeyaba.

Mahad Salaad oo Markal loo Magacaaway Taliyaha NISA

Axad, 01, June 2025{HMC}  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid shir deg deg ahaa ayaa ansixiyey soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha oo la xariirtay inuu noqdo Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA ayaa xilkaan kala wareegi doona Agaasimahii hore ee hay’addaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo todobaadyadii dambe ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka Golaha Wasiiradda.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe mudadii uu xilka hayey shaqadii uu u qabtay Qaranka.

Ugu dambeyntii Mahad Maxamed Salaad ayaa markii labaad qabanaya xilkaan, wuxuuna horay xilkan u soo qabtay sanadkii 2022-kii, waxaana magacaabistiisa ay kusoo aadeysa xili todobaadyadii lasoo dhaafay si weyn loo hadal haayay in xilkaan dib loogu magacaabayo Mahad Maxamed Salaad.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {01-06-2025}

Sabti 01 -Jun-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali Amed & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani osoble

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay Gogosha Wadatashiga mucaaradka iyo dowlada

0

Sabti 1, June 2025 {HMC}  Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay Gogosha Wadatashiga mucaaradka iyo dowlada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA