Home Blog Page 842

Maxaabiis sheegtay in Sacuudigu dili doono iidda Carrafo oo kaalmo weydiisanaya

Khamiis , 29 May 2025 {HMC} Qoysaska dad Itoobiyaan ah oo dil ay ku xukuntay Sacuudi carabiya ayaa sheegay in eheladooda la daldali doono ka hor ciidda carrafo ee nagu soo fool leh.

Waxaa Sacuudiga ku xiran 47 qof oo Itoobiyaan ah kuwaas oo dil sugeyaal ah, taas oo welwel joogto ah ku haya qoysaskooda. Waxayna dowladooda ugu baaqeen in ay arrinta dadkaas soo farageliso, si dilka looga bedbaadiyo.

Dadka dilka sugaya waxaa ka mid ah Khaalid Maxamed Ibroo, sida uu BBC u sheegay walaalkiis Mulleta. “Khaalid waa nin xaasle ah. Wuxuu leeyahay hal cunug. Waxaa la xiray wax yar ka dib markii uu galay Sacuudiga, si uu nolol uga raadiyo qoyskiisa,” ayuu yiri Mulleta oo intaas ku daray in taasi saameyn daran ku yeelatay qoyskiisa curdanka ah.

Mulleta wuxuu sheegay in markii uu maqlay warka la xiriira xukunka lagu ridey walaalkiis uu qarracan ku noqday, isla markaana uusan weli ka soo kaban tiiraanyadii ka soo gaartey go’aanka dilka.

Mullata ayaa dhawaan ku soo laabtay Itoobiya ka dib markii uu qudhiisa Sacuudiga ku soo qaatay shan sano oo xabsi, kaas oo laga soo daayey shan bilood ka hor.

Mullata wuxuu sheegay in dadka dilka ku xukuman aysan ku koobneyn Itoobiyaan, balse ay jiraan muwaadiniin dalalka, haba ugu badnaadeen Soomaali iyo Yeminiyiin iyo qaar dalkaas u dhashay.

“Dhawaan waxay gowraceen dad Sacuudiyan ah. Waxay kale oo dileen shan Soomaali ah, dsidoo kale dad u dhashay Yeman ayey birta ka asleen,”ayuuri Mullata.

Sida uu sheegayo Mullata, dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa lagu dhex jir dilaa xabsiyada Sacuudiga, gaar ahaan kuwa ku yaal gobolka Najraan ee soohdinta la leh yeman. Intaas waxaa u dheer in lagu xukumo xabsiyo dhaadheer iyo dil arxandarro ah.

“Itoobiyaanka waxaa loola dhaqmaa si ka duwan ummadaha kale. Wax xaquuq ahna ma leh. Sidoo kale waa la jir dilaa, iyaga ooaan loo kala aabbayeelin carruur, dhallinyaro, rag iyo dumar toona” ayuu yiri Mullata.

Maxay yihiin dambiyada ugu badan ee dadku ku mutaysteen dilka?


Sida lagu ogaadey cilmibaaris uu sameeyey machadka Xaquuqda Aadanaha ee Qaahira, dambiyada dadkii ugu badnaa indhawaalaha loo diley waxay salka ku hayeen xashiish iyo maandooriye kale oo si dhuumasho ah dalkaas lagu geliyo. Maxaabiista ugu badan ee dil sugeyaasha ahina waxay ka soo kala jeedaan dalalka Itoobiya, Masar, Suuriya, Suudaan, Yemen iyo Nayjeeriya.

Waayadii hore xukumada Sacuudiga dilka lagu galabsado waxay ku koobnaayeen falalka dilka bareerka ah iyo maandooriyaha cocaine iyoheroin. Laakiin marka la eego diiwaanka dacwadaha lagu soo oogey dadkii ugu dambeeyey ee dil lagu fuliyo waxaa muuqda in xashiisku uu safka hore soo galay.

Dhawaan ayey ahayd markii Amiirka sugaya dhaxalka boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan uu joojiyey in dadka daroogada lagu qabto la dilo. Wuxuuna jideeyey in dilka kaska ah oo qura lagu muteysan karo dil, balse dhowr bilood ka dib markii amarkaasi soo baxay waxaad mooddaa in weli dilkii sii socdo.

Xukunka dilku waa mid soo jireen ah islamarkaana meel badan oo dunida ah looga dhaqmo. Laakiin dalalka ku dhaqmaa waxay leeyihiin sharuuc kala duwan oo laga tixraaco iyo qaabab loo fuliyo.

Dalalka qaar waxaa dadka lagu fuliyaa dil toogasho ah, qaar wey daldalaan iyo qool lagu ceejinayo, qaar cirbad sun ah ayey wax ku dilaan, halka dalaka qaar sida Sacuudiga laga isticmaalo qoorgooyo.

Maxaay Kawada Hadleen Aadan Madoowe iyo Hogaamiye Firdhiye?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyay howlaha maamulka SSC-Khaatumo iyo shaqada uu u hayo bulshada ku nool deegaanadda maamulkaasi.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn bogaadiyay dowlad goboleedka SSC-Khaatumo iyo shacabka deeganadaasi, ayaa kula dardaarmay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo howlaha uu haayo maamulkiisa iyo sidoo kale sida ay muhiim u tahay dhameystirka maamulkaasi,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay habdhowre ku-xigeenka golaha shacabka Xildhibaan Sahra Bundubte, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka.

Maxey tahay sababta uu Maraykanka gargaarka ugu dalalka caalamka?

Khamiis 29, May 2025 {HMC}  Maxey tahay sababta uu Maraykanka gargaarka ugu dalalka caalamka?

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN Dagaal culus oo ka dhacay gobalka Hiiraan

Khamiis 29, May 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dagaal culus oo ka dhacay gobalka Hiiraan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

RM Xamse oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya

Khaniis 29-May-2025 {HMC} – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab kuwaas oo ay wadaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanku.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howgala dalka iyo caqabadaha hortaaggan si xal loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.

“Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale u dallacsiiyey darajada Safiir, Mudane Axmed Jaamac Cumar, iyada oo la tixgalinayo Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa.” Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada.

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 29/5/2025

0

khamiis,29/5/2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 29/5/2025

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEY

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {29-05-2025}

Khaniis 29-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani osoble

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa looga hadlay maanta kulankii golaha Wasiiradda?

0

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamadda Gobolka Sh/dhexe oo xukun dil ah ku riday nin horay u geestay dil

0

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaad ka ogtahay Xaajiga ay dhowr jeer duuli weysay dayaarad laga reebay?

0