Home Blog Page 841

Maxkamadda racfaanka Mareykanka oo hakisay go’aankii lagu laalay canshuurihii Trump

Jimco 30, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay go’aanka maxkamadeed ee lagu hakiyay qorshihiisa canshuuraha caalamka mid laga naxo, khalad iyo mid siyaasadeed.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayay ayuu sheegay, in go’aanka garsoorayaasha takhasuska leh ay baabi’in doonto awoodiisa madaxtinimo.

Qorshaha canshuuraha waxa si ku meel gaar ah u laashay maxkamada rafcaanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadda sii wadi kara qaadista canshuuraha wax soo dejinta, sida ay sheegtay maxkamadda racfaanka, maalin kadib markii go’aan ganacsi uu ku helay in inta badan canshuuraha caalamka uu yahay mid sharci darro ah.

Maxkamad racfaan oo heer federaal ah ayaa ogolaatay dalab ka yimid Aqalka Cad oo ah in si ku meel gaar ah loo joojiyo amarkii maxkamadda hoose, kaas oo lagu go’aamiyay in Trump uu ku takrifalay awooddiisa ka dib canshuuro uu ku soo rogay dalal qaar ee caalamka, tallaabadaas oo dhabar jab weyn ku ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah siyaasadiisa dhaqaale ee dalkaas.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Ganacsiga ayaa sheegtay in Dastuurka Maraykanku uu Congress-ka siinayo awoodo gaar ah oo uu ku maamulo ganacsiga dalalka kale.

Maamulka Somaliland oo Qoraal Xasaasi ah u Gudbiyay Dowlada Kenya

Jimco 30, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo weli ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, ayaa waxa uu maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee uu yeelan doono xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa horey u diiday in Somaliland ay xafiis diblolaasiyadeed ka furato Nairobi maadaama aysan heysan aqoonsi caalami ah, waxayna Kenya sheegtay in xafiiskan uu yahay mid la xiriira arrimaha ganacsiga iyo iskaashiga.

Ciro ayaa sheegay iney tahay farxad iyo sharaf weyn inuu si rasmi ah xarigga uga jaro Xafiiska cusub ee Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya.

“Xafiiskani waxa uu astaan u yahay horumarka diblomaasiyadeed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsanayso iyo sii xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Kenya” ayuu yiri Ciro.

Waxaa uu intaas ku daray inuu la kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto ayna isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya.

Somaliland ayey wararka qaarkood sheegayaan iney Kenya u gudbisay qoraal rasmi ah oo ay kaga codsatay iney aqoonsato hase ahaatee Kenya ayaa horey u sheegtay iney ilaalineyso madax banaanida iyo midnimada Soomaliya ayna Somaliland u aqoonsatay maamul ka mid ah maamulada ka jira Somalia.

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhamaaday Badweynta Atlantic

Jimco 30, May 2025 {HMC} Ugu yaraan 20 tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku dhintay Badweynta Atlantic. xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan halkaas iyaga oo ku sii jeeday magaaladda xeebeedda Palma ee dalka Spain

Waxaana la badbaadiyay labo dhallinyaro ah oo kaliya ah sida ay sheegtay Warbaahinta dalka Spain.

Doontan oo ay saarnaayeen in ka badan labaatameeyo qof oo ka soo jeeday Maamul Goboleedyada Puntland & SSC Khatumo ayaa la helay, kadib markii ay badda ku jireen maalmo dhowr ah kuwaasoo ka cararay shaqo la’aan baahsan iyo fursado la’aan ka jirta dalkooda.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u kordhay tahriibayaasha ka baxaya dalka Soomaaliya, taasoo ka dhalatay shaqo la’aan baahsan, dhaqaale xumo iyo rajo la’aan joogto ah oo dhalinyaradda Soomaaliyeed dalkooda ka muujiyeen.

Dhacdadan murugadda leh ee maanta ka dhacday Badda Atlantic-ga ayaa waxa ay daba socotaa tii ugu dambaysay ee masiibadda ahayd ee billo ka hor ka dhacday biyaha Badweynta Hindiya gaar ahaan meel u dhow dalka Madagascar, halkaasoo ay ku dhinteen 24 tahriibayaal Soomaaliyeed ah

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30.05.2025}

Jimco 30, May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

 

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-05-2025}

Khamiis 29 May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

 

Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiraxman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO

Dowladda Maraykanka oo sheegtay in danahooda ay ku ilaalshadaan gargaarka ay dibadda u diraan.

Talaado 29 May, 2025 {HMC} Senator Marco Rubio Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka,ayaa sheegay in gargaarka dibadda ee Mareykanka uusan ahayn sadaqo ama wax la iska bixiyo, balse uu yahay qalab istaraatiiji ah oo lagu ilaalinayo danaha Mareykanka.

Hadalkan oo si weyn uga dhex muuqday baraha bulshada ayaa ka tarjumaya aragtida siyaasiyiin badan oo Mareykan ah, kuwaas oo aaminsan in gargaarka la siiyo dalalka kale aanu ku salaysnayn oo kaliya bani’aadannimo ama xiriir diblomaasiyadeed, balse uu si toos ah ugu xiranyahay danaha istaraatiijiga ah ee dalka, sida amniga, ganacsiga, iyo saameynta siyaasadeed ee caalamka.

Rubio wuxuu ku baaqay in dib loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka iyo kharashaadka gargaarka dibedda, si loo hubiyo in lacagaha la geliyo ay dhab ahaantii soo celiyaan faa’iidooyin muuqda oo istaraatiiji ah oo dalka Mareykanka dan u ah.

Dalal badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa ka faa’iideysta gargaarka Mareykanka, hase yeeshee hadalkan ayaa muujinaya in aysan jiri doonin gargaarka aan lagu xisaabtamin, balse looga baahan yahay in uu la jaanqaado qorshayaasha siyaasadeed iyo danaha Mareykanka ee gobolka iyo caalamka.

Sanadkan, Mareykanka ayaa si lama filaan ah u hakiyay barnaamijyo badan oo gargaar bini’aadantinimo oo caalami ah, isagoo joojiyay in ka badan 90% barnaamijyada USAID ee dibadda. Tani waxay sababtay hoos u dhac weyn oo ku yimid kaalinta Mareykanka ee gargaarka bini’aadantinimo ee dunida.

Mareykanku wuxuu ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini’aadantinimo ee caalamiga ah, isagoo bixiya ilaa 40% gargaarka la diiwaangeliyay ee Qaramada Midoobay sanadkii 2024.

Kenyan president apologises to Tanzania over deportation row.

Thursday 29 May, 2025 {HMC} Kenya’s President William Ruto has publicly apologised to Tanzania following days of tension between the neighbouring countries.

Some Kenyans on social media have been targeting Tanzania’s President Samia Suluhu Hassan following the recent detention and deportation of prominent East African activists.

Angry Tanzanian MPs on Monday accused Kenyans of cyberbullying and disrespecting Tanzanian sovereignty and “meddling in domestic affairs”.

Speaking at a national prayer breakfast on Wednesday, Ruto appeared to extend an olive branch to Tanzania.

“To our neighbours from Tanzania, if we have wronged you in any way, forgive us,” he said.

“If there is anything that Kenyans have done that is not right, we want to apologise,” the president added.

Ruto also apologised to young Kenyans, popularly known as Gen-Zs, who have been critical of his administration since the deadly anti-tax protesters last June.

Some of them have dismissed Ruto’s apology, insisting that the president should resign.

The president made the remarks in response to a call by visiting American preacher Rickey Allen Bolden, who urged leaders to pursue reconciliation.

The diplomatic row was triggered by the deportation of activists who had travelled to Tanzania to attend the trial of opposition leader Tundu Lissu.

Among them were Kenyan Boniface Mwangi and Agather Atuhaire from Uganda.

The two said they were held incommunicado for several days and tortured, before they were left at the border by Tanzanian security forces, sparking widespread condemnation across the region and from international rights groups.

Tanzania is yet to comment on the torture claims but President Samia had earlier warned that she would not allow activists from neighbouring countries to “meddle” in her country’s affairs and cause “chaos”.

Both Kenya and Uganda had formally protested against the detention of the activists, accusing the Tanzanian authorities of denying consular access despite repeated requests.

The alleged mistreatment of the activists triggered an online war, with social media users from Kenya and Tanzania clashing over the claims.

In a heated debate on Monday, Tanzanian parliamentarians expressed outrage over the young Kenyans trolling President Samia.

The MPs said Samia had every right to defend Tanzania’s national interests.

The legislators’ comments angered some Kenyans who hit back by sharing lawmakers’ contacts and flooding their phones with messages to express their disapproval.

Tanzania’s Iringa Town MP Jesca Msambatavangu said that most of the messages came via WhatsApp, forcing her to temporarily switch off her phone.

Msambatavangu, however, welcomed the engagement, encouraging Kenyans on social media to “counter ideas with ideas”.

She asked young Kenyans to create a WhatsApp group for further engagement and promised to engage them in a live session on Saturday.

“Kenyans are our neighbours, our brothers, and we cannot ignore each other,” she added.


Wycliffe Muia

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 29-5-2025.

Khamiis 29, May 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu yahay Abaal marinta iyo Xilka uu Asad Xaajiyoow ka helay Dowladda Soomaaliya?

Khamiis 29, May 2025 {HMC} Muxuu yahay Abaal marinta iyo Xilka uu Asad Xaajiyoow ka helay Dowladda Soomaaliya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Mucaaradka maanta uu dalka lee yahy waa mid wax duminaya ee ma ahan mid wax dhisaya.

Khamiis 29, May 2025 {HMC} Mucaaradka maanta uu dalka lee yahy waa mid wax duminaya ee ma ahan mid wax dhisaya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA