Home Blog Page 844

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Macawisley oo gudaha u galay Aboorey.

Khamiis 29, May 2025 {HMC} Ciidanka Macawisley oo gudaha u galay Aboorey.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29.05.2025}

Khamiis 29, May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

 

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Maalqabeenka Elon Musk oo ka tegaya shaqadii uu Trump u magacaabay

Khamiis , 29 May 2025 {HMC} Bilyaneerka Elon Musk ayaa bartiisa bulshada ee X ee hore oo oran jiray Twitter kaga dhawaaqay in uu ka tagayo shaqadii uu u magacaabay Donald Trump, oo ah xubinamada guddiga kharashka dhimista ee madaxweynaha.

Musk ayaa sheegay in waqtigii loo qorsheeyay ee ahaa in uu ahaa shaqaale dowladeed oo gaar ah uu dhamaaday, waxaana uu uga mahadceliyay Trump fursada uu siiyay.

Waxaa uu gacan weyn ka geystay olole ballaaran oo lagu dhimayo baaxadda tirada shaqaalaha ee dowladda Mareykanka sla markaana kumanaan ka tirsan shaqaalaha dowladda shaqada laga ceyriyay.

Tehistiisa ma aha mid lama filaan ah, waxayna ku soo beegantay maalin un ka dib markii uu Elon dhaleeceeyay gundhigga sharci dejinta ee agendaha Trump.

Waxaa uu kaalin weyn ka qaatay isbedellada uu maamulka Trump ka waday Mareykanka.

Who Was General Morgan, Who Died in Nairobi?

Wednesday, 28 May 2025 {HMC} – General Mohamed Said Hirsi Morgan has passed away in Nairobi, Kenya, where he had reportedly been ill for some time, according to officials from the Puntland administration.

The general had a long-standing history with the Somali National Army. He most recently served as a security advisor for the Puntland administration, where he played a major role in the fight against ISIS, as confirmed by Puntland’s Minister of Interior, Abdi Farah Juha, in a statement on his Facebook page.

In an interview he gave two years ago, General Morgan stated that he was born in 1949. He received his primary and middle school education at Haji Mire School in Bosaso, located in the Bari region.

He mentioned in the same interview that his father later sent him to Mogadishu, where he completed his education at a school then known as “Allaahida.”

The general later joined the military. In 1967, he was among the officers Somalia sent for military training in the Soviet Union, and he returned to the country in 1970.

He began his career at the presidential palace, serving in the presidential guard for about seven years.

He also received further training in the United States. Afterwards, he held senior positions in the government of then-President Mohamed Siad Barre, including Minister of Defense and Minister of Public Works.

General Morgan was the last serving Minister of Defense before the government was overthrown in 1991.

Mohamed Haji Ingiriis, a historian and researcher, told the BBC that General Morgan held several important roles in Somalia.

He noted that in the early 1970s, the general married one of President Siad Barre’s daughters, which he said contributed to Morgan’s rapid rise through the ranks.

Haji Ingiriis added that in recent years, General Morgan spent most of his time in Nairobi, Oman, and most recently in Garowe, the capital of Puntland.

“He will be remembered for what happened in the northern regions,” said Ingiriis.

Morgan was once the commander of the 26th Division, which operated in what were then known as the Northern Regions—now the self-declared independent Republic of Somaliland.

He was among the Somali military officials accused by many of committing human rights violations in those regions during the civil conflict.

The general was also involved in the power struggles in the city of Kismayo. In 2004, the Somali Reconciliation Facilitation Committee of IGAD, which was hosting peace talks in Kenya, imposed sanctions on him, citing alleged involvement in actions that disrupted the peace process.

In his final years, General Morgan lived in Garowe, serving as a security advisor to the Puntland administration.

Trump: “Putin dab ayuu ku cayaarayaa”

Arbaco, 28 May 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu Ruushka ka badbaadiyay “waxyaabo badan oo xun”.

“Vladimir Putin ma oga in haddii aysan aniga ahaan lahayn, in waxyaabo badan oo xun ay hadda ku dhici lahaayeen Ruushka,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth, isaga oo aan faahfaahin ka bixin oo dheeraad ah.

” Dab buu ku ciyaarayaa!” – ayuu Trump intaas ku daray.

Sanadkii hore, Donald Trump wuxuu ballan qaaday inuu dagaalka Ukraine ku joojin doono “24 saacadood” gudahood.

Usbuucii tegay, wuxuu sheegay in arrintaasi aysan xallismi doonin ilaa isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay si fool-ka-fool ah isu arkaan oo ay si wadajir ah uga wadahadlaan.

Isniintii, mowqifkaasi wuu isbeddelay.

Kadib markii uu laba saacadood taleefan kula hadlay Putin, Trump wuxuu sheegay in xaaladaha heshiiska nabadeed kaliya laga wada xaajoon karo inta u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine – waxaana laga yaabaa in uu ka qeyb qaato Baadariga Vatican-ka.

Madaxweyne Trump oo goor dambe oo Axaddii ah wariyeyaasha kula hadlayey gobolka New Jersey, ayaa sheegay in uu Putin yaqaannay muddo dheer, islamarkaana uu mar walba si fiican iskula jaanqaadi jireen, laakiin uusan la dhicin duqeymaha uu ku hayo.

Trump ayaa goor dambe ku qoray boggiisa Social Truth in Putin “dhab ahaantii waashay”.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo sheegay in la dilay hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Maxamed Sinwar

Arbaco, 28 May 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in milatarigoodu ay “ka takhaluseen” hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Mohammed Sinwar, oo ka mid ahaa ragga sida weyn loo doondoonayo, isla markaana ay walaalo yihiin hoggaamiyihii geeriyooday ee kooxdaas Yahya Sinwar.

Mohammed Sinwar ayaa ahaa bartilmaameedka weerar ballaaran oo Israa’iil ay ka geysatay barxadda iyo agagaarka isbitaalka Yurub ee ku yaalla koonfurta magaalada Khan Younis 13-kii Maajo, kaas oo ay milatariga Israa’iil sheegeen in ay burburiyeen “kaabayaasha dhulka hoostiisa” ee Xamaas ee halkaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay xilligaas in 28 qof ay ku dhinteen. Xamaas lafteedu ma ay xaqiijin mana beenin geerida Sinwar.

Yahya Sinwar, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday Israa’iil, waxaa dilay ciidammada Israa’iil bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Israa’iil ayaa Qaza ka billowday olole milateri oo ay kaga jawaabayso weerar ay Xamaas ku qaadday xuduudda 600 maalmood ka hor, kaasoo lagu dilay illaa 1,200 oo qof, 251 kalena lagu qafaashay.

Ugu yaraan 54,084 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-05-2025}

 

Arbaco 28 May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiraxman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO

Kumuu ahaa Janaraal Moorgan oo Nairobi ku geeriyooday?

Arbaco, 28 May 2025 {HMC} Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa goor- dhaweyd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay inuu ku xanuunsanaa muddooyinkii dambe, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Wuxuu janaraalku taariikh dheer ku lahaa Ciidanka Xoogga Soomaaliya. Wuxuu la taliye amni haddeer u ahaa Puntland oo uu qayb weyn ka ahaa dagaalka lagula jiro Daacish, sida uu wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Janaraal Moorgan ayaa mar uu labo sano kahor wareysi siiyay warbaahinta wuxuu ku sheegay inuu dhashay sanadkii 1949, waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexe ayuu kusoo qaatay iskuulkii Xaaji Mire ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wuxuu wareysiga ku sheegay in kadib aabbihiis uu u diray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku dhammeystay waxbarashada isagoo dhigtay dugsigii la oran jiray “Allaahida”.

Janaraalka ayaa kadib ku biiray ciidamada milatariga. Sanadkii 1967 wuxuu ka mid noqday saraakiil ay Soomaaliya tababar ciidannimo ugu dirtay dalka Ruushka, wuxuuna dalka ku laabtay sanadkii 1970-kii.

Shaqadii ugu horreysay ayuu ka bilaabay madaxtooyadii xilligaas, isagoo ka mid ahaa ciidamada ilaalada madaxweynaha, wuxuuna ciidankaas ka tirsanaa muddo toddoba sano ah.

Sidoo kale wuxuu tababarro kusoo qaatay dalka Mareykanka. Kadib wuxuu xilal sare kasoo qabtay dowladdii xilligaas ee Maxamed Siyaad Barre, sida isagoo noqday wasiirka gaashaandhigga iyo kan howlaha guud.

Janaraal Moorgan, wuxuu ahaa wasiirkii ugu dambeeyey ee gaashaandhigga, kahor inta aan dowladdii xilligaas xukunka laga tuurin sanadkii 1991.

Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan taariikhda uruuriya ayaa BBC-da u sheegay in Janaraal Moorgan uu xilal muhiim ah kasoo qabtay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in janaraalka uu horaantii 1970-meeyadii uu guursaday gabar uu dhalay madaxweynihii xilligaas Maxamed Siyaad Barre, “halkaas ayayna dallacaaddiisa degdegga ah kasoo bilaabatay,” ayuu yiri.

Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa intaa ku daray in janaraalku uu u badnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Cummaan iyo muddooyinkii ugu dambeeyay oo uu ku noolaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

“Waxaa janaraalka lagu xusuusan doonaa wixii ka dhacay gobollada Waqooyi.” Ayuu yiri.

Moorgan ayaa soo ahaa taliyihii qeybta 26-aad ee halka markaas loo yaqaannay gobollada Waqooyi, haatanna ah Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.

Wuxuu ka mid ahaa janaraalku saraakiishii militeriga Soomaaliya ee ay dad badani ku eedeeyaan inay berigaas halkaas ka geysteen xad-gudubyo xagga xuquuqda aadanaha ah oo la sheegay inay ka dhaceen.

Sidoo kale janaraalka ayaa qeyb ka ahaa hardan ka socday magaalada Kismaayo, iyadoo sanadkii 2004 uu Guddiga Fududeynta Shirka Soomaalida ee IGAD ee ka dhacayay Kenya, laguna heshiisiinayay Soomaalida ay cunaqabateyn kusoo rogeen isaga, sababo la xiriira ficillo ay sheegeen inuu ku lug lahaa.

Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa magaalada Garowe, halkaas oo uu la taliye amni uga ahaa maamulka Puntland.

WAR DEG DEG AH Muungaab oo loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Arbaco, 28 May 2025 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalads Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo harumarunta caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 28-da May, 2025.

DHAMMAAD

{DAAWO MUUQAALKA} Maxuu yahay xukunka lagu riday Askari saaxibkiis u dilay 1 Xabo oo sigaar ah?

0

Arbaca 28, May 2025 {HMC} Maxuu yahay xukunka lagu riday Askari saaxibkiis u dilay 1 Xabo oo sigaar ah?

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA