Home Blog Page 845

{DAAWO SAWIRADA} IBS Bank oo Soo dhaweeysay halyeeyada kubadda cagta Afrika iyo Aduunka.

Arbaco, 28 May 2025 {HMC}  Waxaan ku faraxsanahay inaan xarunta dhexe ee IBS Bank ku soo dhawayney halyeeyada kubadda cagta Afrika – Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha – kuwaas oo booqasho taariikhi ah ku yimid Dalka.

Booqashadan muhiimka ah waxay muujinaysaa horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isboortiga.

IBS Bank oo ah taabagaliyaha rasmiga ah ee Somali National League wuxuu si joogto ah uga go’an horumarinta ciyaaraha iyo dhiirigelinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxaan aaminsanahay in isboortigu yahay dariiqa mideeya bulshada, ka qeybqaata nabadda, kobciyana rajooyinka jiilka cusub. IBS Bank waxaa sharaf u ah inay garab taagnaato safarka horumarineed ee kubadda cagta Soomaaliyeed.

Xukunka Dil ka dhacay Xiro Ciidan.

Arbaco, 28 May 2025 {HMC} Dable Xoogga Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf, ayaa loo soo xiray dilka saaxiibkiis kala tirsanaa Ururka 222 aad, Guutada 22aad ee Boliis milataara Marxuum Ex dable Xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey.

Dilkaan, ayaa ka dhashay Muran ka billowday Xabad sigaar ah, waxaana uu ka dhacay xerada dhista ee degmadda Deyniile, Toban iyo Todobadii bishii Labaad ee Sanadkaan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddex iyo Tobankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Dable Xoogga C/qaadir Xaaji Yuusuf Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Ex dable Xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 28/5/2025

0

Arbaco , 28, 5 ,2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 28/5/2025

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN

Maxeey Yihii Xaaladaha Adag oo aay Wajahayaan Ciidamada Danab?

Arbaco, 28 May 2025 {HMC} Ciidanka Danab oo uu Mareykanku tababaray, ayaa wajahaya xaalado adag kadib markii sanadkan hoos loo dhigay sahaydii raashinka iyo shidaalkii ay heli jireen, halka bishii Febraayo laga jaray mushaharkii dheeraadka ahaa ee gaari jiray $400 bishii askari kasta.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The Washington Post, qaar ka mid ah askarta Danab ayaa ka baxay ciidanka, halka tababarayaashii shisheeye ee la shaqeyn jiray ay dalka isaga baxeen.

Waxaa sidoo kale su’aal la gelinayaa sida maamulka Madaxweyne Trump uu mudnaan u siinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo lagu eedeeynayo dowladda Soomaaliya in aysan weli helin kalsooni ku filan oo ay ku hoggaamiso dagaalka, sababo la xiriira musuqmaasuq baahsan ee dalka ka jira.

“Maamulka Trump uma muuqdo inuu u arko Al-Shabaab khatar toos ah oo ku wajahan danaha Mareykanka,” ayuu yiri Matt Bryden, aasaasaha xarunta cilmi-baarista ee Sahan Research, oo fadhigeedu yahay Nairobi. Si kastaba ha ahaateewuxuu raaciyay, “haddii Al-Shabaab horumar dheeri ah sameyso, waxay si weyn u saameyn doontaa siyaasadda Mareykanka ee Afrika iyo Bariga Dhexe.”

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa walaac ka muujinaya sida dowladda Soomaaliya ay wajigeeda uga leexisay la-hawlgalayaashii reer Galbeedka, iyadoo xiriir dhaw la yeeshay Turkiga si ay gacan uga hesho dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xiriirka sii xoogeysanaya ee Ankara iyo Muqdisho ayaa sababay heshiisyo cusub oo la xiriira baarista shidaalka, keenista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo imaatinka boqolaal askari oo Turki ah bishii lasoo dhaafay.

Dowladda Turkiga ayaa hadda si qoto dheer ugu lug leh Soomaaliya, iyadoo tababartay laba guuto oo gaaraya ilaa 6,000 oo askari Soomaaliyeed, halka diyaaradohooda aan duuliyaha lahaynna ay duqeeyeen bartilmaameedyo muhiim ah oo Al-Shabaab ah.

Hoos u dhaca joogitaanka Mareykanka ee gudaha Soomaaliya ayaa la sheegay in uu halis gelin karo dadaallada lagu xakameynayo mid ka mid ah khataraha ugu halista badan ee ka imaanaya Alshabaab.

{DAAWO MUUQAALKA} aragti Muhiim ah oo dalka lagu badbaadinaa ayaa shirka laga soo saara.”Eng Rooble

0

Arbaca 28, May 2025 {HMC} aragti Muhiim ah oo dalka lagu badbaadinaa ayaa shirka laga soo saara.”Eng Rooble

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Nabadoon Maxamed shugri oo Mucaaradka Soomaaliya u sheegay Hal arin

0

Arbaca 28, May 2025 {HMC} Nabadoon Maxamed shugri oo Mucaaradka Soomaaliya u sheegay Hal arin

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Jesoow ”Ciidankii kasoo baxay Aadan yabaal ilaa Guriceel ayey sii qaxaayeen”

0

Arbaca 28, May 2025 {HMC} Xildhibaan Jesoow ”Ciidankii kasoo baxay Aadan yabaal ilaa Guriceel ayey sii qaxaayeen”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {28-05-2025}

Arbaco 28-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani osoble

Kala qeybsanaanta Qabiilka oo la sheegay in khatar ku tahay horumarka loo marayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Arbaco, 28 May 2025 {HMC} Larry Andre oo ahaa safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya intii u dhaxeysay Febraayo 2022 ilaa May 2023, ayaa ka digay in khilaafaadka qabiil iyo loolanka siyaasadeed ay caqabad weyn ku yihiin nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay The Washington Post wuxuu tusaale u soo qaatay rabshadihii doorashooyinka ee 2022, isagoo yiri, “In kasta oo ay jiraan isku dayo lagu mideynayo dalka, haddana saamaynta joogtada ah ee kala qaybsanaanta qabiilku waxay khatar ku tahay horumarka loo marayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.”

Hadalka Andre ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah, iyadoo doorashooyin soo socda ay dhawdahay iyo weliba caqabado amni oo ka imaanaya Al-Shabaab.

Wuxuu walaac ka muujiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xoogga saaray siyaasadda, taas uu sheegay in ay ka mashquulin karta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhismaha maamul wadajir ah.

Mareykanka, oo ah xulafada Soomaaliya, ayaa sidoo kale cabsi ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan murannada ku saabsan hababka doorashada.

“Kala qaybsanaanta qabiil ee Soomaaliya ayaa muddo dheer carqalad ku ahayd xasilloonida, waxayna hurisaa colaadaha iyo fashilka dowladnimada federaalka,” ayuu yiri Larry, safiirkii hore ee dowladda Mareykanka ee Soomaaliya.

Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in haddii aan laga shaqeynin xalinta khilaafaadka qabiilka, horumarka Soomaaliya uu halis ugu jiro inuu istaago.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Kooshin”Dowladnimadii Soomaaliya waxaa laga dhigay Dukaan lagu Ganacsado”

0

Arbaca 28, May 2025 {HMC}M Xildhibaan Kooshin”Dowladnimadii Soomaaliya waxaa laga dhigay Dukaan lagu Ganacsado”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA