Home Blog Page 847

{DAAWO MUUQAALKA} Maxeey kaalmaha Hore uga soo muqan la yihiin Ardayda Gobolka Hiiraan Imtixaanka ay qaado DFS?

Arbaca 28, May 2025 {HMC}Maxeey kaalmaha Hore uga soo muqan la yihiin Ardayda Gobolka Hiiraan Imtixaanka ay qaado DFS?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Mucaaradka Soomaaliya oo maanta shir uga furmaya Muqdisho

0

Arbaco, 28 May 2025 {HMC} Xubnaha mucaaradka ku ah Dowladda ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu shir uga furmo magaalada Muqdisho kaa oo ay kaga hadlayaan siyaasadda guud ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah xubanaha Mucaaradka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta gudaha inay maanta qabsan doonaan shirweyne ay aayaha Soomaaliya kaga tashan doonaan oo ay ugu weyn tahay arrimaha Doorashooyinka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xubnaha mucaaradka qeyb ka ah ayaa xalay laga dareemayay hoyga magaalada caasimadda uu ka degan yahay mashquul aad u xoogan.

Qoraal uu bulshada la wadaagay ayuu Rooble ku xaqiijiyay jiritaanka shirka maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho kadib markii xalay uu kulan la qaatay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shariif Hassan Sh. Aden iyo xildhibaanno ka mid Golaha Baarlamaanka oo uu tilmaamay inay iska wareysteen xaaladda siyaasadeed ee uu dalka marayo.

Shirka waxaa la filayaa inay kasoo muuqan doonaan Madaxweynihi hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarayaashii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Xasan Cali Kheyre, Cabdi Faarax Shirdoon, Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Sharif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal sidoo kale waxaa jira xildhibaano hadda ku jira Golaha Shacabka iyo wasiiro hore inay madashaan kasoo muuqdan.

Wixii kusoo kordha shirka maanta ay yeelanayaan mucaaradka halkaan kala soco.

Nin dilay 5 gabdhood oo Soomaali ah oo Maxkamad lasoo taagay

0

Arbaco, 28 May 2025 {HMC} Derrick Thompson, oo 29 jir ah, ayaa toddobaadkan wajahaya maxkamad kaddib markii lagu soo oogay dacwado la xiriira shil baabuur oo dhacay 2023, kaas oo ay ku dhinteen shan gabdhood oo Soomaali Mareykan ah.

Maxkamaddiisa ayaa bilaabatay Talaadadii iyadoo la guda galay xulista xeer-beegtida. Hadallada furitaanka iyo marqaati furka ayaa la filayaa in ay billowdaan maalmo gudahood. Thompson wuxuu wajahaa 15 eedeymood oo dambi, oo ay ka mid yihiin eedeymo dil iyo dil baabuur lagu sababay. Maxkamaddu waxay socon kartaa toddobaadyo.

Sidee ayuu shilku u dhacay?
Sida ku xusan dokumentiyada maxkamadda, Thompson wuxuu waday gaari SUV ah oo la kireystay markii uu 16-kii Juun 2023 uu askari boolis ah ku arkay isagoo ku socda 95 mayl saacaddii, meel xadiga xawaaruhu ka yahay 55 mayl, gudaha waddada weyn ee Interstate 35W.

Abbaare 10kii fiidnimo ayuu ka baxay waddada weyn, isagoo si toos ah u dhaafay nalka casaanka ee isgoyska Lake Street iyo 2nd Avenue ee magaalada Minneapolis, halkaas oo uu si xoog leh ugu dhacay gaari Honda Civic ah, sida lagu sheegay galka maxkamadda. Dadka saarnaa gaarigaas — dhammaantood saaxiibo ahaa — ayaa soo marsaday cilaan iyagoo isu diyaarinayay aroos dhici lahaa maalinta xigtay.

Saraakiisha ayaa sheegay in Thompson uu lug uga baxsaday goobta shilka balse lagu qabtay meel baarkin ah oo ku dhow.

Yaa ku dhintay shilka?
Shilkaas waxaa ku dhintay shan gabdhood oo Soomaali Mareykan ah:

Sahra Gesaade, 20 jir
Salma Abdikadir, 20 jir
Sagal Hersi, 19 jir
Siham Odhowa, 19 jir
Sabiriin Ali, 17 jir
Gabdhahaasi waxay ahaayeen saaxiibo iyo qaraabo aad isugu dhow. Waxaa lagu tilmaamay “tiirar bulshada u taagan,” “xiddigo ifaya,” iyo hoggaamiyeyaal dhanka waxbarashada iyo diinta. Kumannaan qof ayaa ka qayb galay aaskooda oo ka dhacay xarunta Islaamiga ah ee Dar Al Farooq.

Qoysaskooda waxay si joogto ah uga soo qayb galeen dhageysiyada maxkamadda ee kiisaska Thompson, heer federaal iyo gobolba.

Turkiga ma Buuxin Karaa Booskii Mareeykanka ee Taageerada DFS uu siin jiray. ?

0

Arbaco, 28 May 2025 {HMC}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay xoojineyso iskaashiga milatari iyo midka amni ee ay la leedahay Turkiga, si loo sii wado dagaalka AS.

Isbeddelkan cusub ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu hoos u dhigay saameyntiisa Afrika, isaga oo joojiyay qaar kamid ah dhaqaalaha taageerada ee uu siin jiray dalal badan oo ku yaalla Qaaradda.

Soomaaliya oo muddo dheer taageero milatari ka heli jirtay Mareykanka, ayaa hadda u muuqata mid u wareegaysa dhinaca Turkiga, sida lagu qoray Warbixin uu baahiyay Wargeyska Washington Post.

Turkiga ayaa horey u dhisay saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha Muqdisho, kaasi oo lagu tababaro kumanaan askari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, hore Dowladda Federaalka ayaa Turkiga ka codsatay in ay u soo diraan Ciidamo iyo tababarayaan si ay Askarta Dowladda uga taageeraan dagaalka AS.

Mareykanka wuxuu ka caga jiidayaa dhaqaalahii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM, waxaana isbadalladani yimaadeen tan iyo 2024 oo markaasi oo uu xilka la wareegay Maamulka Madaxweyne Donald Trump.

 

DF Soomaaliya oo War kasoo saartay duqeymo ka dhacay deegaan hoos yimaado Kismaayo

0

Arbaco, 28 May 2025 {HMC} Duqeymo culus ayaa ka dhacay deegaan 40 KM dhanka Waqooyiga Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Jubbaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay duqeynta, iyada oo sheegtay in lala beegsaday xubno ka tirsan AS.

Dowladda ayaa u mahadcelisay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo ay sheegtay in ay ka taageereen duqeynta.

“Dowladda Federaalka waxay u mahadcelineysa Taliska AFRICOM, waana sii wadi doona duqeymaha aan la beegsaneyno goobaha ay ku sugan yihiin AS” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Dowladda

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta oo saacadihii la soo dhaafay dhacday, Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrikana kama hadlin.

Top Somali security officials meet Tardo elders to bolster fight against AS

Tuesday May 27, 2025  {HMC} Senior Somali government and regional leaders held a high-level meeting with traditional elders in Tardo town, Hiiraan region, on Tuesday to intensify ongoing military operations against Al-Shabaab in areas straddling Hiiraan and Middle Shabelle regions.

The delegation was led by the Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA), Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe, and included Commander of the Somali National Army Land Forces, Sahal Abdullahi Omar, HirShabelle’s Interior Minister, Abdi Daahir Guur, and several Members of Parliament representing the Hawaadle clan.

The meeting focused on the critical role of local communities—particularly the Tardo elders and intellectuals—in cooperating with federal and regional security forces to sustain momentum against Al-Shabaab, which has recently suffered territorial losses due to intensified military campaigns.

“We commend the unity and bravery of the Tardo community and the broader Hawaadle clan in their unwavering support of the Somali National Army and Ma’awisley forces,” said NISA Director Sanbaloolshe.

Officials stressed the importance of strengthened government-community collaboration, urging residents to remain vigilant and continue supporting national troops in their efforts to liberate key areas from extremist control.

In response, Tardo elders and intellectuals expressed gratitude for the visit and reaffirmed their commitment to resisting Al-Shabaab’s presence in their region.

The meeting comes amid ongoing operations in the border zones of Hiiraan and Middle Shabelle, where federal and HirShabelle forces, supported by local Ma’awisley fighters, have reportedly made notable gains over the past 48 hours.

The Somali government has signaled its intent to maintain pressure on Al-Shabaab across central Somalia, with Tardo seen as a strategic community hub in the broader anti-terror campaign.

 

{DAAWO MUUQAALKA} “Walaalaheen Abgaal Dagaalka ha galaan As weey jabeen” shariif

Talaado 27, May 2025 {HMC} “Walaalaheen Abgaal Dagaalka ha galaan As weey jabeen” shariif

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA


Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay ee Caalamka 26-05-2025

Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay ee Caalamka 26-05-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 27-5-2025.

Talaado 27, May  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.