Isniin 26, May 2025 {HMC} Digniin Cusub oo laga Soo Saaray Bada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo digniin kasoo saartay xilliga bad-xiranka
Isniin 26-May 2025 {HMC} Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku wajahan ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kaa oo ku saabsan in uu bilowday xilliga bad-xiranka, oo ah xilli ay ka jiraan mowjado iyo dabeylo xoog leh Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.
War ay soo saartay wasaaradda waxa ay tilmaamtay in Muddada uu bad-xiranka socon doono ay tahay laga bilaabo 26 May 2025 ilaa 15 Sebtember 2025, waxaana ay ka digtay inaan xiilliyadaan inta lagu gudajiro aan loo dhowaan karin badda maadama mowjadaha culus ay sababi karaan khasaare hanti iyo mid nafeed.
“Wasaaraddu waxay kau wargelineysaa dhammaan dadka ay khusayso in ay digtoonaadaan inta lagu jiro muddadan, gaar ahaan doomaha yaryar, kuwa waaweyn, iyo maraakiibta cabirkoodu ka yar yahay 1,500 Metric Ton, maadaama xaaladda badda ay noqon karto mid khatar ah, Sidoo kale, shacabka waxaa si gaar ah loogu digayaa in aysan ku dabaalan badda muddadaas, si looga fogaado halis naf iyo hantiyeed ah oo ka dhalan karta xaaladaha cimilada. “ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee Soomaaliya.
Waxaana ay Wasaaraddu ku tilmaamtay in Ujeeddada wargelintan ay ku timaaday in la ilaaliyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo hantidooda, iyadoo la tixgelinayo khataraha laga filaayo xaaladda cimilada ee badda xilligan, waxaana sidoo kale ay Wasaaraddu ku dhiirrigelisay qof walba inuu si xilkasnimo leh uga jawaabo digniintan.
Admiral Faarax Qare oo khabiir dhinaca badda ah ayaa sheegay in badda khatarteedi ay aad u sareeyso maalmahaan loona baahan yahay in shacabka loo sameeyo wacyigelin ayna iska ilaaliyaan inay ku kadsoomaan inta lagu guda jiro waqtigaan ay baddu kacsan tahay.
WAR DEG DEG Ah:. Macawisleeyda Hiiraan oo Weerar ku qaaday Ceel-Cali Axmed
Isniin 26, May 2025 {HMC} WAR DEG DEG Ah:. Macawisleeyda Hiiraan oo Weerar ku qaaday Ceel-Cali Axmed
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Gudiga Qaban Qaabada Maalmaha Xorriyadda Qaranka oo la Magacaaway
Axad 26-May-2025 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Gudiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda Qaranka ee sanad guurada 65-aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu magacaabay Guddiga oo ka kooban 10 xubnood ayaa ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, iyadoo guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh.
Guddigaan ayaa waajibaadkooda yahay diyaarinta munaasabadaha, si gaar ah amniga iyo abaabulka dadka ka qeyb galaya Xafladaha.
Waxaa la filayaa in ay yeeshaan kulamo looga hadlayo sidii ay u qeybsan lahaayeen howlaha shaqo.
{DAAWO MUUQAALKA} Saraakiil Ciidan oo Gaaray Furmaha dagaal ee Hiiraan.
Isniin 26, May 2025 {HMC} Saraakiil Ciidan oo Gaaray Furmaha dagaal ee Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 26/5/2025
Isniin 26, May 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {26-05-2025}
Axad 26-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::shugri baryare & Sahro Gabre
Farsamadii ::Abdiqani osoble
{DAAWO MUUQAALKA} Aamina Eelaay” Xildhibaanada Buuq Banaanka la taagan xarunta Barlamaanka ha yimaadan.
Isniin 26, May 2025 {HMC} Aamina Eelaay” Xildhibaanada Buuq Banaanka la taagan xarunta Barlamaanka ha yimaadan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Maxeey Yihiin Kulumada uu James Swan Muqdisho ka Wado?
Isniin 26-May 2025 {HMC} Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa magaalada Muqdisho ka billaabay kulamo uu la yeelanaya qaar ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo caasimadda soo gaaray todobaadkii hore.
Swan ayaa Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo Cumara Cabdirashiid Cali Sharmaake, isaga oo kala hadlay xaaladda Siyaasadeed ee dalka, iyo sidii qeyb looga noqon lahaa wadahallo dhex mara madaxda dowladda iyo mucaaradka.
Kulanka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa diiradda waxaa lagu saaray, “marxaladaha siyaasadeed ee hadda ka socda Soomaaliya iyo fursadaha wadahadalka loo dhan yahay,” sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay UNTMIS.
Sidoo kale kulanka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo James Swan ayaa looga hadlay, “Is baddalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo fursadaha wadahadal loo dhan yahay.”
Kulamada Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ee uu la yeelanaya madaxdii hore ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay qeyb ka yihiin kulamo joogto ah uu la yeelanaya qeybaha kala duwan ee madaxda Soomaaliya iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.
Todobaadkii hore waxaa Muqdisho soo gaaray qaar ka mid ah mucaaradka dowladda oo ay horreeyaan Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo Cumara Cabdirashiid Cali Sharmaake, waxaana maanta la filayaa in uu dalka dib ugu soo laabto Maxamed Xuseen Rooble.
Imaanshiyaha mucaaradka Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay ka shaqaynayso qabashada gogol ay isugu imaanayaan madaxda dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo la sheegay in ay ka wada arinsanayaan xaaladda dalka sida; dagaalka Al-Shabaab iyo doorashada oo ah qodobka ugu weyn ee miiska saaran xilligaan.
{DAAWO MUUQAALKA} Deefoow iyo kabxanleey Daawo la’aan ayaa ka jirto.”Xildhibaan Fiyoore
Isniin 26, May 2025 {HMC} Deefoow iyo kabxanleey Daawo la’aan ayaa ka jirto.”Xildhibaan Fiyoore



