Home Blog Page 852

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Madaxa Hay’adda ICRC oo booqasho ugu yimid.

Isniin, 26 May 2025  {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Laanqeyta Cas (ICRC) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Antoine Grand, oo booqasho ugu yimid si uu ugala hadlo arrimaha iskaashi wadaagga.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Mudane Antoine Grand waxa ugu hambalyeeyay Wasiirka xilka loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu ku guuleysto, warbixin guudna ka siiyay howlaha ICRC ee Soomaaliya iyo baaxadda howl-qabadkeeda guud ahaan dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta wadashaqaynta iyo ballaarinta barnaamijyada ICRC, iyadoo la hubinayo in taageerrada bani’aadantinimo si siman loo gaarsiiyo dhammaan gobollada Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isku-af-gartay xoojinta iyo kordhinta howlaha iyo isku-dubbaridka si loogu adeego baahiyaha bulshooyinka oo idil.

Dowladda Kenya oo sheegtay inay sii wadi doonto xiriirka ay laleedahay Somaliland iyo Jubbaland.

Isniin, 26 May 2025  {HMC} Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa maanta oo Isniin ah soo saartay warsaxaafadeed ay ku xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay in ay sii wadayso xiriirka iyo wada-shaqeynta kala dhaxeeya Jubbaland iyo Somaliland, iyadoo la tashaneysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu adkeeyay in Kenya ay ixtiraamayso madax-bannaanida siyaasadeed, midnimada qaranka, iyo dhul-weynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku saleysan xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyada goboleed ee ay Soomaaliya qayb ka tahay.

Bayaanka ka soo baxay dowladda Kenya ayaa kusoo beegmay xilli madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu maanta u safray magaalada Nairobi, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Kenya.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweyne Cirro uu la kulmi doono madaxda sare ee dowladda Kenya, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Kenya, William Ruto, si ay uga wada hadlaan arrimo dhowr ah oo mudnaan gaar ah u leh Somaliland. Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa xarigga ka jari doona dhismo cusub oo casri ah oo loogu talagalay in uu noqdo safaaradda Somaliland ee Kenya.

Kenya ayaa horey u soo dhoweysay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), taasoo ay si weyn uga cadhootay Dowladda Federaalka Soomaaliya, maaddaama ay dowladdu Axmed Madoobe u aqoonsan tahay dambiile loo jaray waaran maxkamadeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka aamusan safarka Madaxweyne Cirro ee Kenya, inkasta oo ilo diblumaasiyadeed ay u xaqiijiyeen HOL in dowladda Soomaaliya ay aad uga xumaatay booqashada Madaxweynaha Somaliland uu ku tegayo Nairobi.

SODMA Oo ka Jawaabtay eedeeyntii loogu jeediyay Gargaarkii Moqokori

0

Isniin 26, May 2025 {HMC}  SODMA Oo ka Jawaabtay eedeeyntii loogu jeediyay Gargaarkii Moqokori

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Taliye Feysal Abdi botaan ayaa dagaal igu qabtay Asigane waala qabtay Guul SSC Khaatumo.

0

Isniin 26, May 2025 {HMC}  Taliye Feysal Abdi botaan ayaa dagaal igu qabtay Asigane waala qabtay Guul SSC Khaatumo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaabiistii SSC Khaatumo ee Soomaaliland laga soo daayay oo laascaanod Gaaray

0

Isniin 26, May 2025 {HMC}  Maxaabiistii SSC Khaatumo ee Soomaaliland laga soo daayay oo laascaanod Gaaray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Waxaan diyaarinay Qaraar aan ku badaleeyno Gudoomiye Sacdiye.”Xildhibaan saadaq

0

Isniin 26, May 2025 {HMC} A Waxaan diyaarinay Qaraar aan ku badaleeyno Gudoomiye Sacdiye.”Xildhibaan saadaq

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Digniin Cusub oo laga Soo Saaray Bada Soomaaliya.

0

Isniin 26, May 2025 {HMC} Digniin Cusub oo laga Soo Saaray Bada Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dowladda Soomaaliya oo digniin kasoo saartay xilliga bad-xiranka

Isniin 26-May 2025 {HMC} Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku wajahan ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kaa oo ku saabsan in uu bilowday xilliga bad-xiranka, oo ah xilli ay ka jiraan mowjado iyo dabeylo xoog leh Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

War ay soo saartay wasaaradda waxa ay tilmaamtay in Muddada uu bad-xiranka socon doono ay tahay laga bilaabo 26 May 2025 ilaa 15 Sebtember 2025, waxaana ay ka digtay inaan xiilliyadaan inta lagu gudajiro aan loo dhowaan karin badda maadama mowjadaha culus ay sababi karaan khasaare hanti iyo mid nafeed.

“Wasaaraddu waxay kau wargelineysaa dhammaan dadka ay khusayso in ay digtoonaadaan inta lagu jiro muddadan, gaar ahaan doomaha yaryar, kuwa waaweyn, iyo maraakiibta cabirkoodu ka yar yahay 1,500 Metric Ton, maadaama xaaladda badda ay noqon karto mid khatar ah, Sidoo kale, shacabka waxaa si gaar ah loogu digayaa in aysan ku dabaalan badda muddadaas, si looga fogaado halis naf iyo hantiyeed ah oo ka dhalan karta xaaladaha cimilada. “ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee Soomaaliya.

Waxaana ay Wasaaraddu ku tilmaamtay in Ujeeddada wargelintan ay ku timaaday in la ilaaliyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo hantidooda, iyadoo la tixgelinayo khataraha laga filaayo xaaladda cimilada ee badda xilligan, waxaana sidoo kale ay Wasaaraddu ku dhiirrigelisay qof walba inuu si xilkasnimo leh uga jawaabo digniintan.

Admiral Faarax Qare oo khabiir dhinaca badda ah ayaa sheegay in badda khatarteedi ay aad u sareeyso maalmahaan loona baahan yahay in shacabka loo sameeyo wacyigelin ayna iska ilaaliyaan inay ku kadsoomaan inta lagu guda jiro waqtigaan ay baddu kacsan tahay.

WAR DEG DEG Ah:. Macawisleeyda Hiiraan oo Weerar ku qaaday Ceel-Cali Axmed

0

Isniin 26, May 2025 {HMC}  WAR DEG DEG Ah:. Macawisleeyda Hiiraan oo Weerar ku qaaday Ceel-Cali Axmed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Gudiga Qaban Qaabada Maalmaha Xorriyadda Qaranka oo la Magacaaway

Axad 26-May-2025 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Gudiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda Qaranka ee sanad guurada 65-aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu magacaabay Guddiga oo ka kooban 10 xubnood ayaa ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, iyadoo guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh.

Guddigaan ayaa waajibaadkooda yahay diyaarinta munaasabadaha, si gaar ah amniga iyo abaabulka dadka ka qeyb galaya Xafladaha.

Waxaa la filayaa in ay yeeshaan kulamo looga hadlayo sidii ay u qeybsan lahaayeen howlaha shaqo.