Home Blog Page 855

Ethiopia confirms 1st mpox cases in infant and mother.

0

Monday 26,May 2025 {HMC} Ethiopia has confirmed its first mpox cases, involving a 21-day-old infant and the child’s mother in the southern border town of Moyale, health authorities said on Sunday.

The Ministry of Health and the Ethiopian Public Health Institute said the virus was likely brought in from neighboring countries, as the infant’s father had recently traveled across the border.

Moyale, which serves as a major trade and transportation hub, is located along Ethiopia’s southern border with Kenya and near Somalia, both of which have reported mpox cases in recent years.

Several relatives who had contact with the family are currently quarantined as a precaution.

“The source of the infection is under investigation, but initial findings suggest cross-border transmission,” a joint statement said. “Public health teams have been deployed to trace contacts and prevent further spread, particularly in border areas.”

While this marks Ethiopia’s first confirmed mpox case, the country has been on alert since 2022, when the World Health Organization declared the outbreak a global public health emergency.

Maamulka Puntland oo gacanta ku dhigtay dooni iyo Dadkii Saarnaa.

0

Isniin 26-May 2025 {HMC}  Maamulka badda ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xabsiga dhigay 27 kaluumaysato Yemeni ah oo uu ku jiray hal qof oo Soomaali ah, xilli ay doontii ay wateen ay si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay gudaha badda degaanada Puntland.

Kalluumeysatada ayaa lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharciga kalluumeysiga, waxaana Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Puntland ay tilmaamtay in doonidan oo lagu magacaabo “Maimon 1” ay leedahay dowladda Yemen.

Waxaa doontaan iyo kalluumaysatadii saarneeyd gacanta kusoo dhigay ciidamada ilaalada xeebaha ee gobolka Raas Casir 14-kii bishan iyadoo adeegsaneysa hab loo yaqaan “Hawi” taasoo mamnuuc ka ah sharciga Puntland.

Warku wuxuu intaa ku daray in doonidaan aysan lahayn wakiil rasmi ah oo ka diiwaan gashan wasaaradda, taasoo ka dhigan xadgudub kale oo ka dhan ah xeerarka iyo shuruucda u degsan Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in la ogeysiiyay safaaradda Yemen ee Muqdisho, iyadoo ay la socdaan mas’uuliyiinta kale ee ay khuseyso.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in doonida ay weli xiran tahay, waxaana lagu wadaa in todobaadkan la horgeeyo maxkamadda darajada koowaad ee degmada Baargaal si looga qaado tallaabo sharci ah oo lagama maarmaan ah.

Dhankeeda, Hay’adda Guud ee Kalluumaysiga ee Badda Carabta, ayaa shalay sheegtay inay xiriir joogto ah la samaynayso Hay’adaha ay khusayso ee Soomaalida, iyadoo la fulinayo awaamiirta ka soo baxday Maamulka Deegaanka ee Gobolka Xadhramaut, si loo daba-galo kiiskan, loogana shaqeeyo sidii loo sii dayn lahaa Kalluumaysatada.

Xildhibaano ka hor yimid mooshin xildhibaanada looga jarayo $500 oo mushaarkooda ah.

0

Isniin 26-May 2025 {HMC}  Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hor yimid mooshin sabtidii la hor keenay baarlamaanka, kaasi oo dhigayay in xildhibaannada mushaarkooda laga jaro $500 oo bil kasta ah.

Sida uu sheegay guddoonka Baarlamaanka, dhaqaalahan laga jarayo mushaaraadka xildhibaanada ayaa loogu talagalay in lagu taageero ciidamada Mucaawisleyda ee ku sugan gobolka Hiiraan, kuwaasoo dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaan Cabdirashiid Jiley iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa si weyn uga hor yimid mooshinkan, iyagoo ku tilmaamay qorshe dowladda federaalku ay ku doonayso inay si gaar ah u maalgeliso ciidan ka howlgala deegaan gaar ah.

“Waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay istiraatiijiyad qaran oo dhameystiran, si caddaalad ahna loogu taageero dhammaan ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka kula argagixisada,” ayuu yiri Xildhibaan Jiley.

Xildhibaan Jiley ayaa xusay in dowladda aysan wax taageero ah ka siinin ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Daacish, isagoo intaas ku daray in sidoo kale ciidamada ku sugan Koonfur Galbeed ay u baahan yihiin taageero dowladda ka timaada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), ayaa sheegay in xildhibaanada ay saaran tahay mas’uuliyad qaran oo ku waajibtay in ay garab istaagaan ciidamada Soomaaliyeed ee halganka ugu jira la-dagaallanka argagixisada.

Fadhigii sabtida, buuq ka dhashay mooshinkan, laguma guulaysan meel marintiisa si uu u noqdo qaraar rasmi ah oo dhaqan gala, kadib muran xooggan uu ka dhex bilowday Golaha dhexdiisa.

Madaxweynaha Soomaaliland oo ku Wajahan Kenya.

0

Isniin 26-May 2025 {HMC} Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), ayaa maanta safar rasmi ah ku tagaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee uu madaxweyne Ciro ku tago dal dibadda ah tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska madaxtooyada ayaa sheegay in safarka uu salka ku hayo xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii uu kulamo ula yeelan lahaa Madaxda Kenya.

Safarkaan ayaa Mr Cirro waxaa ku wehlin doono xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale, iyaga oo Madaxa Kenya kala hadli doono xiriirka labada dhinac.

Hore Madaxweyne Cirro wuxuu hore u tagey dalalka Imaaradka Carabta iyo Jabbuuti oo maalmo ka hor uu ka soo laabtay.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa is badali kara haddii Mushaarka loo kordhiyo Ciidanka Dowladda?

0

Isniin 26, May 2025 {HMC} Maxaa is badali kara haddii Mushaarka loo kordhiyo Ciidanka Dowladda?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dhacdooyinkii ugu danbeeyay caalamka 25-05-2025

0

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 25-5-2025.

0

isniin 25, May  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiyaha SoDmo oo Qalabka Mooto Feykoonta Daawo ahaan u geeyay Dagmada Moqokori.

0

Axad 25, May 2025 {HMC} Gudoomiyaha SoDmo oo Qalabka Mooto Feykoonta Daawo ahaan u geeyay Dagmada Moqokori.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} HIrshabelle oo XIriirka u jartay hay’adda Sodma

0

Axad 25, May 2025 {HMC} HIrshabelle oo XIriirka u jartay hay’adda Sodma

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {25-05-2025}

Axad 25 May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO