Axad 25, May 2025 {HMC} Madaxdii hore ee dalka oo lagala hadlayo doorashada
 
;
Axad 25, May 2025 {HMC} Faah faahin dilka Allah u naxriistee Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya
Axad 25 ‘5 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN
Axad 25, May 2025 {HMC} Madaxdii hore ee dalka oo lagala hadlayo doorashada
Axad 25, May 2025 {HMC}– Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaanka Galcad oo hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhaxeeyey ciidamada deegaanka iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda AS.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada deegaanka ay heleen xog sheegaysa in kooxda Al-Shabaab ay afduub u geysteen saddex ruux oo ka tirsanaa dadka deegaanka, Ciidamada ayaa si deg deg ah uga jawaabay dhacdada, waxayna howlgal qorsheysan ku beegsadeen goobtii lagu hayay dadkii la afduubtay.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka ay ku guuleysteen inay dib u soo furtaan dadkii ay kooxda afduubatay, iyadoo la xaqiijiyay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.
Horjoogayaasha ciidamada deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Hiiraanweyn ayaa sheegay in ay weli ku raad-joogaan xubnihii kooxda AS ee falka afduubka geystay, islamarkaana ay heleen xog muhiim ah oo muujineysa halkii ay kasoo duuleen kooxdaasi.
Ciidamada deegaanka ayaa ballanqaaday in ay sii laba jibaarayaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaannada hoostaga Halgan, si looga hortago weerarada aay kooxda AS geeysanayaan.
Sabti 25-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::yaasiin daacad & Sahro Gabre
Farsamadii ::Abdiqani osoble
Axad 25, May 2025 {HMC} Dowlada iyo Ururada siyaasadda qaar oo ku kulmay Muqdisho
Axad 25, May 2025 {HMC} Digniin laga soo saaray Duufaan kusoo wajahan Soomaaliya
Axad 25, May 2025 {HMC}– Shir ballaaran oo u dhexeeya ururrada siyaasadda ee diiwaangishan iyo Xukuumadda Federaalka ayaa si rasmi ah ufurmay, Waxaana Kasoo qeyb galay Madax sare oo ka socoto Hay’adaha kala duwan ee Dowladda oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasiir dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda, shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga qabanqaabada Gogosha Qaran, ee uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xassan Macallin Maxamuud.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shir weynaha uu Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheikh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo qaran.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda JFS, Xasan Macallin Maxamuud oo maanta furay kullanka wadatashiga u dhexeeya Xukuumadda iyo ururrada siyaasadeed kaas oo looga hadlayo arrimaha masiiriga ah ee dalka ayaa sheegay in muddo dheer dalka ka maqnaa nidaamka ururrada siyaasadeed, balse Xukuumadda DanQaran ay si dhab ah ugu hawlan tahay dib u soo celinta nidaamkaas, iyadoo tallaabada ugu horreysa ay ahayd dib u eegista Dastuurka.
“Muddo dheer dalka waxa ka maqnaa nidaamka ururrada siyaasadeed. Xukuumadda DanQaran ee hadda jirta waxay si daacad ah ugu hawlan tahay sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamkaas ku saleysan ururrada siyaasadeed, iyadoo tallaabadii ugu horreysay ahayd dib u eegista Dastuurka dalka. Maanta waxaan kusoo laabannay waddadii saxda ahayd oo muddo dheer aan ka maqneen.” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin Maxamuud.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cali Cumar Cali (Cali Balcad) oo ka hadlay Kullanka latashiga ururada siyaasadda dalka iyo Xukuumadda Federaalka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay marayso marxalad cusub oo lagu dhisayo nidaam doorasho dimuqraadi ah, shirkaanna gogol xaar u yahay wada-tashi Qaran oo lagu xaqiijinayo in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u doortaan ciddii mataleysa, asaga oo intaas ku daray in Madaxdii hore ee dalka soo xukuntay qeyb ka yihiin gogosha uu Madaxweynuhu iclaamiyay.
Wasiir dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani ayaa ka dhawaajiy in dalka uu u jiheystay ururada xisbiyada, waxaana cadeeyay in wadooyinkii lagu soo hoogay in aan soo xirno waa in umadda dhan dheerigaliyo tahay, waana wadada kali ah ee looga bixi karo isjiid jiidka mudda dheer jiray.
Kamaal Guutale, Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay tahay tiir muhiim u ah dowlad-dhiska, islamarkaana loo baahan yahay wada-tashi iyo midnimo qaran.
Prof. Cabdullahi Xirsi Diirshe (Daacad) oo ku hadlay Afka Ururrada Xisbiyada Siyaasadeed, ayaa si diirran u soo dhaweeyay kullanka wadashiga ee Xukuumadda Federaalka iyo ururrada siyaasadda, isaga oo sheegay in ay taageersanyihiin gogosha qaran ee uu Madaxweynaha ku baaqay, kuna tilmaamay tallaabo masiiri ah oo xoojinaysa midnimada iyo wada-tashiga siyaasadeed.
Sunday 25,May 2025 {HMC} A flight with eight immigrants that left Texas this week, reportedly headed for South Sudan, will now remain in the East African country of Djibouti for two weeks to comply with a court order, White House press secretary Karoline Leavitt said on Thursday.
During a briefing, Leavitt placed blame on the U.S. District Court Judge Brian Murphy in Massachusetts, following a hearing Wednesday after eight people from Myanmar, Laos, Vietnam, Cuba, Mexico and South Sudan had been deported to a third country. Lawyers had said the flight was headed for South Sudan, but the Department of Homeland Security says it won’t confirm.
Murphy had said in the hearing the Trump administration was in violation of a previous injunction that prevented people from being sent to countries other than their own without opportunities to voice their fears of torture or persecution, or without proper notice ahead of time.
Murphy ordered that the individuals be provided legal counsel and an opportunity to raise their fears. He also ordered the deportees to be given at least 15 days to reopen immigration proceedings and challenge their deportation in the event the government still aims to send them to a third country.
Leavitt said Murphy’s order was an attempt to “bring these monsters back to our country.”
“Now Judge Murphy is forcing federal officials to remain in Djibouti for over two weeks threatening our U.S. diplomatic relationships with countries around the world and putting the agents’ lives in danger by having to be with these illegal murderers, criminals and rapists,” Leavitt said.
Leavitt, who stated the names and criminal records of the eight people who are on the flight, called Murphy’s order a “massive judicial overreach.”
“He cannot control the foreign policy or the national security of the United States of America, and to suggest otherwise is being completely absurd,” she said.
Murphy had relayed the sequence of events leading to the deportations, saying the immigrants were notified of their destination “sometime in the evening” Monday, outside business hours. He added that they left the Immigration and Customs Enforcement facility en route to a nearby airport the next morning at 9:35 CT.
Without sufficient time to consult an attorney or family members, the judge said, it was impossible for the immigrants to challenge their deportations to a third country.
“The department’s actions,” Murphy said, “are unquestionably violative of this court’s order.”
Souce NBC
![]()