Khamiis 22, May 20225 {HMC} Hubkii ugu badnaa oo laga furtay kooxda AS
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 22, May 20225 {HMC} Hubkii ugu badnaa oo laga furtay kooxda AS
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 22 , May 20225 {HMC} Maxaa ka socda Degmadda Moqokori ee Gobalka Hiiiraan?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Khamiis, 22, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka hadlay labada qof ee ka tirsanaa safaaradda Israa’iil, kuwaas oo lagu toogtay meel u dhow madxafka Israa’iil ee magaalada Washington.
Trump ayaa cambaareeyay dhacdada, wuxuuna sheegay in toogashadan tahay “mid aad u murugo leh” isla markaana si cad ugu saleysan “nacaybka yahuudda”.
“Nacaybka iyo xagjirnimada boos kuma laha gudaha Mareykanka.” ayuu Trump ku yiri qoraal uu so dhigay Social truth, oo ah barta uu aasaasay.
Waxaa uu dhanka kalena tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha falkaas
Labada qof ee la dilay ayaa ahaa lammaane qorsheynayay inay is guursadaan.
Khamiis, 22, May 2025 {HMC} Laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Israa’iil ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa xalay lagu toogtay meel u dhow matxafka yahuudda oo ku yaala magaaladaas.
Labada qof ee Israa’iiliyiinta ahaa lammaane, ayaa la toogtay xili ay ka soo baxayeen xaflad ka dhaceysay madxafka oo looga hadlayay sida loo caawin lahaa dadka reer Qasa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaaladaas.
Waxaa gacanta lagu soo dhigay nin looga shakisanyahay inuu ka dambeeyay dilka, kaas oo lagu sheegay Elias Rodriguez oo 30 sano jir ah.
Weerarka ayaa dhacay markii labada shaqaale ay ka soo baxayeen munaasabad ay soo qabanqaabisay Guddiga Yuhuudda ee Maraykanka (AJC). Dadka la dilay waxaa la sheegay inay ahaayeen lammaane dhalinyaro ah oo qorsheynayay inay is guursadaan.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in dhacdadan ay u muuqato bartilmameed.Weli si rasmi ah looma shaacin dadka la toogtay oo ah nin iyo qof dumar ah.
Arbaco 21, May 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Arbaco , 21, May 2025 {HMC} Dad gaaraya laba milyan oo qof ayaa xaalad macluul ah ku wajahaya magaalada Qasa.
Waxaa indhaha lagu hayaa halka ay gawaarida gargaarka sida ay gargaarkaas geyn lahaayeen iyo qaabka ay dadka u gaarsiin lahaayeen gargaarka.
Tan iyo shalay, kolonyada gargaarka sida ayaa sugayay oo doonayay inay gargaarka dadka gaarsiiyaan balse weli waxba iskama bedelin arrintaas.
Xitaa hadii ay 100 gawaari oo gargaar sida ay gudaha u galaan Qasa, xaaladda waxba kama bedeli doonto sababtoo ah Qasa waxay cunto la’aan ahayd muddo 11 todobaad ah.
Sawiro la soo dhigay baraha bulshada oo suuqyada magaalada laga soo qaaday ayaa muujinaya in suuqa aysan waxba oolin, khudaar jirin, cunto, hilib iyo digaagna aysan suuqa yaalin.
Waxaa taasi ka muhiimsan, in isbitaalada aysan koronto lahayn, iyo sidoo kale shidaal loo adeegsado in lagu kiciyo matoorada ku shaqeeya shidaalka. Dawooyin ma leh, boqolkiiba 25 biyaha Qasa waa kuwo nadiif ahayn oo la cabi karin.
Arbaco 21 , May 20225 {HMC} Gurmad iskugu jiro rashiin iyo agab kale oo la gaarsiiyey Furimaha hore ee Dagaalka.
Arbaco 21, May 2025 {HMC}- Baarlamaanka dalka Talyaaniga ayaa ansixiyay sharci wax ka beddelaya xeerarka lagu helo dhalashada wadankaas.
Sharciganwaxaa soo jeediyay xisbiga midigta fog ee ay hogaamiso raysal wasaaraha dalkaas, Giogia Meloni bishii Maarso.
Waxaa uu qaadashada dhalashada dalkaas ku koobayaa sharcigan dadka mid kamid ah waalidiintiisu yihiin Talyaani, kuwaas oo sidoo ku hadli kara luuqadda afka Talyaaniga islamarkaana degganaa Talyaaniga muddo saddex sano ah.
Dowladda ayaa sheegtay in isbedelan uu yimid ka dib markii ay kordheen qulqulka muhaajiriinta dalkaas iyo sidoo kale dalabyo badan oo ugu imanaya meelo kale sida Mareykanka iyo Latin America.