Arbaco 21 , May 20225 {HMC} Dil ka dhashay wadada Tarabuun oo Mashquul heyd oo sababtay Dhimashada Laba qof oo shacab ah.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {21-05-2025}
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse Osman
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo Hor leh oo gaaray Furimaha hore ee Dagaalka ee Gobolka Hiiraan.
Arbaco 21 , May 20225 {HMC} Ciidamo Hor leh oo gaaray Furimaha hore ee Dagaalka ee Gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Muxuu ku soo dhamaaday Dilkii Taliye Xujaale xili Maanta Aas qaran Loo sameeyay.?
Arbaco 21 , May 20225 {HMC} Muxuu ku soo dhamaaday Dilkii Taliye Xujaale xili Maanta Aas qaran Loo sameeyay.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Gur hore leh oo la Gaarsiiyey Furimaha hore ee Dagaalka
Arbaco 21 , May 20225 {HMC} Gur hore leh oo la Gaarsiiyey Furimaha hore ee Dagaalka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} DFS oo Mashaariic Horumarineed ka fulineyso Puntland.
Arbaco 21 , May 20225 {HMC} DFS oo Mashaariic Horumarineed ka fulineyso Puntland.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay Shirciga Soomaaliya quseeya ee saxiixeen boqortooyada sacuudiga.?
Arbaco 21 , May 20225 {HMC} Muxuu yahay Shirciga Soomaaliya quseeya ee saxiixeen boqortooyada sacuudiga.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgal Cusub oo AS Dalka looga saarayo.
Arbaco 21 , May 20225 {HMC} Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgal Cusub oo AS Dalka looga saarayo.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Nisa oo War kasoo saartay Hoowlgalo aay Fuliyeen
Arbaco , 21, May 2025 {HMC} Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu shaaciyay in ciidanka gaarka ah ee Gaashaan howlgal qorsheysanaa Xalay ku dileen Horjooge sare oo Al-shabaab u qaabilsanaa qorsheynta weerarada Hoobiyeyaasha ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo sanadkii 2023.
Howlgalka lagu dilay horjoogahaan oo aysan magaciisa shaacin NISA ayaa ka dhacay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana la tilmaamay in lala dilay horjoogahaan dhamaan ciidankii ilaalada u ahaa.
“Ciidanka NISA oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa Horjoogahan ayaa Howlgalka fuliyay, kadib markii la hubiyay xogta ku saabsan Horjoogaha, iyada oo la xaqiijiyay in isla goobta lagu khaarijiyay dhammaan Maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka NISA.
Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka NISA lagu sheegay in ilaa lix howlgal oo duqeyn ahaa oo ay ka fulisay deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan Shalay ilaa Xalay in lagu dilay 46 xubnood oo isugu jiray Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsana kooxda Al-shabaab.
Howlgaladaan ay fuliyeen ciidanka NISA ayaa kusoo aadaya, iyadoo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe uu ku sugan yahay labadii maalmood ee lasoo dhaafay furimaha hore deegaanada howlgalladu ay ka socdaan ee gobolka Hiiraan.
Dowladda ka tacsiyeeysay geerida Taliye xujaale oo manta muqdisho lagu aasay
Arbaco , 21, May 2025 {HMC} Doowladda Soomaaliya ayaa ka Hadashay Aaska Taliya Xujaale oo maanta aas qaran loogu sameeyay Muqdisho,
Hoos ka aqriso warka dowladda:
Taliyihii Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/Dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.
Salaadda janaasada Marxuumka waxaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga uga qeyb galay: Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullahi Timacadde, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare, Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Wasiirka Amniga Gudaha, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senatarro, Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, masuuliyiin kale, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, iyo ehelada marxuumka.
Salaadda Janaasada ayaa lagula tukaday Taliye Xujaale gudaha Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo sidoo kale salaad janaaso qaa’ib ah loo tukaday dhammaan shuhadada Ciidanka Xooga iyo Xoogaga Macawisleyda ee ku naf waayay dagaalka lagu ilaalinayo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.
Gashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale wuxuu muddo dheer ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo noloshiisa iyo awooddiisa u hibeeyay difaaca Qaranka.
Wuxuu ahaa taliye ku tilmaaman geesinimo, daacadnimo, iyo hoggaan toosan oo aan marna ka leexan safka hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoyska marxuumka, ehelada dhammaan iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Gashaanle Dhexe Xujaale.
Geeridiisu waxay dhiirigelin iyo awood dheeraad ah u tahay xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta, kooxahaas oo maalmihii la soo dhaafay wajahayay jab iyo guuldarrooyin culus.
Dadaalka socda waa dariiqa kaliya ee umadda Soomaaliyeed ku gaari karto sharaf, karaamo iyo nabad waarta.



