Arbaco 21 , May 20225 {HMC} Ciidamo farabadan oo lagu soo bandhigay Sh/dhaxe.
{DAAWO MUQAALKA} 4-Nin oo qaraxyo iyo Daroonis Wado oo Maxkmada Gaalkacyo la horkeenay.
Arbaco 21 , May 20225 {HMC} 4-Nin oo qaraxyo iyo Daroonis Wado oo Maxkmada Gaalkacyo la horkeenay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo digniin kasoo saartay Kaluumeysiga sharci darada ah.
Arbaco 21 , May 20225 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo digniin kasoo saartay Kaluumeysiga sharci darada ah.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Xil-Raaxeeye” Moqokori Waxaa ay Saldhig u tahay Howlgalka dalka oo dhan.
Arbaco 21 , May 20225 {HMC} Xil-Raaxeeye” Moqokori Waxaa ay Saldhig u tahay Howlgalka dalka oo dhan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada deegaanka oo Qorsheeynayo in ay la Wareegaan Aadanyabaal.
Arbaco 21 , May 20225 {HMC} Ciidamada deegaanka oo Qorsheeynayo in ay la Wareegaan Aadanyabaal.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Deegaan Soomaaliyeed oo jaangooyey kharashka ku baxa Aroosyada
Talaado 20 , May 20225 {HMC} Deegaan Soomaaliyeed oo jaangooyey kharashka ku baxa Aroosyada
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Qarax khasaare sababay oo ka dhacay Pakistan
Arbaco 21, May 2025 {HMC}- Mas’uuliyiinta dalka Pakistan ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen tobonaan kalena ay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay bas arday siday.
Qaraxa ayaa ka dhacay gobolka Balochistan, halkaas oo uu baska ku sugnaa.
Booliska ayaa sheegay in ilaa afartan arday ay saarnaayeen gaariga markii uu qaraxu dhacay subaxnimadii Arbacada manta ah.
Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay qaraxaas.
Gobolka Balochistan waxaa ka jira dhaqdhaqaaq gooni u goosad ah oo si joogto ah u bartilmaameedsada ciidamada ammaanka.
Maraykanka oo Duqeeyn culus ka fuliyay Soomaaliya.
Arbaco 21, May 2025 {HMC}- Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa bilaabay weerarro cirka ah oo xawaare sarreeya oo uu ka geysanayo gudaha Soomaaliya, kuwaasoo lagu doonayo in lagu horjoogsado ururka Daacish (ISIS) oo uu Maraykanku sheegay inay weli ku qulqulayaan gudaha dalka, sida ay caddeynayaan xogaha milatari.
Markab dagaal oo Mareykanka leeyahay, oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman, ayaa qaaday weerarkii cirka ee ugu weynaa abid ee laga fuliyo markab dagaal intii lagu jiray howlgal dhowaan ka dhacay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay Admiral James Kilby, taliyaha sare ee ciidamada badda Mareykanka.
Waxaa markabkaasi laga riday hub lagu qiyaasay 125,000 rodol oo ah madaafiic iyo qalab kale oo millatari, kuwaas oo lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Soomaaliya.
Admiral Kilby ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday Xarunta Xiriirka Caalamiga ah ee Robert B. McKeon, taasoo diiradda saareysa istaraatiijiyadda milatari iyo hoggaaminta ciidamada.
AFRICOM ayaa ka fulisay 25 weerar oo cirka ah gudaha Soomaaliya, kuwaasoo inta badan lala beegsaday xubno ka tirsan ISIS, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday taliska.
Sida warbixintan lagu sheegay, garabka ISIS ee Soomaaliya ayaa si weyn u kobocday, iyadoo tirada dagaalamayaasha oo markii hore ahayd qiyaastii 500 sanad iyo badh kahor ay gaartay illaa 1,500, kuwaas oo ku dhowaad 60% ay yihiin ajaanib, sida uu u sheegay wargeyska Stars and Stripes.
Howlgal qorsheysan oo ka dhacay Sh/Hoose.
Arbacada 21, May 2025 {HMC}- Ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ee hoostaga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa xalay saqdii dhexe fuliyay howlgal qorshaysan oo ay ku beegsadeen kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellada Hoose.
Howlgalka oo si gaar ah loo qorsheeyay ayaa lagu weeraray goobo lagu tuhunsanaa in ay saldhig u ahaayeen Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ay gudaha u galeen godod ay kooxdaasi si qarsoodi ah ugu dhex jireen. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in duqeymo xooggan oo cirka ah lagu garaacay bartilmaameedyo muhiim ah.
Wararka ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha.
Sidoo kale, waxaa la burburiyay agab ciidan iyo xarumo istaraatiiji ah oo ay kooxdaasi ku lahayd deegaanka.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya oo dunida ugu baaqday in laga fogaado Kalluumeysiga Sharci darrada
Arbaco 21, May 2025 {HMC}-Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abukar Dahir Osman ayaa khudbad ka jeediyay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayay ammaanka badda.
Danjire Abukar ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta bad ammaan ah, sharciyeysan, iyo iskaashi ku dhisan.
“Waxaan ku baaqeynaa in Xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si looga hortago khataraha badda ku wajahan, Kobcinta awoodda dalalka xeebaha leh, gaar ahaan kuwa Afrika iyo lala dagaallamo kalluumaysiga sharci darrada ah” ayuu yiri Danjire Abuukar.
Sidoo kale, waxaa uu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ka go’antahay ilaalinta amniga, ganacsiga, iyo horumarka guud ee gobolka Geeska Afrika iyo caalamkaba.



