Isniin 19, May 2025 {HMC} Baladweyne oo laga daah furay garoon cusub oo kubada cagta ah.
Gaalkacyo oo ka taagantahay Xiisad udhaxaysa Ciidamada PSF iyo Kuwa Puntland.
Isniin 19, May 2025 {HMC} Maamulka Puntland ayaa si kulul ugadigay in uu adeegsan doono taankiyo iyo madaafiic si uu u joojiyohowlgallada ciidamada Puntland Security Force (PSF) ay ka wadaan magaalada Galkacyo, isaga oo ku eedeeyay in ay si sharci-darro ah u
fuliyaan hawlgallo aan fasax ka haysan dowladda hoose.
Hanjabadda waxaa jeediyay guddoomiyaha gobolka Mudug, Faysal Sheekh
Cali (Jifo Jabsade), kaddib markii PSF ay habeenno dhowr ah ka fuliyeen
howlgallo magaalada gudaheeda. Guddoomiyaha ayaa sheegay in PSF aysan
si rasmi ah ugu diiwaangashaneyn hay’adaha amniga ee Puntland, wuxuuna
uga digay in wax kasta oo dhaq-dhaqaaq ciidan ah oo kale loo aqoonsan
doono fal dambiyeed.
“Haddii aad mar kale saldhigga ka baxdaan, magaalada waxay isu rogi
doontaa goob dagaal,” ayuu yiri Jifo Jabsade. “Waad arkaysaan taankiyada
iyo madaafiicda idinku hareeraysan. Galkacyo ma ahan meel lagu ciyaaro.”
PSF oo la aas-aasay 2002, iyadoo taageero ka helaysa Mareykanka si loogu
hortago argagixisada iyo burcad-badeedda, ayaa si tartiib tartiib ah u
noqotay cutub ciidan oo si heer sare ah u tababaran, u hubeysan, uguna
takhasusay la-dagaalanka argagixisada iyo sirdoonka. Inkasta oo si rasmi ah
ay uga tirsan tahay maamulka Puntland, haddana PSF ayaa sanadihii dambe
u dhaqmeysay si madax-bannaan, taasoo keentay khilaaf joogto ah oo kala dhaxeyo Saciid deni
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.05.2025}
Isniin 19, May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhalinyarada ugu baaqay in ay qayb ka noqdaan difaaca dalka.
Isniin 19, May 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in difaaca dalka uu yahay waajib diini ah oo dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gutaan.
“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan idin kugu yeeray oo halkaan aad u joogtaan in aan idiin soo gaarsiiyo farriin ah difaaca dalka, taas oo ah
waajib ay tahay in aan loo kala harin, dhammaanteenna aan u wada istaagno”. Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ay xaqiijisay guulo waaweyn oo la taaban karo, isla markaana ay ka go’an tahay in ay dadka Soomaaliyeed ku hoggaamiso ciribtirka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in doorashada dadweynaha ee dalka laga hirgelinayo ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed loogu soo celinayo awooddoodii ka maqneyd in ka badan 56 sano, isla markaana ay tahay waddadii dhallinyaradu ku xaddidi lahayd nooca dalkoodu u ekaanayo.
Joe BIDEN oo laga helay Cudur aad u halis badan.
Isniin 19, May 2025 {HMC}– Madaxweynihii hore ee Mareykanka
Joe Biden ayaa laga helay nooc halis ah oo kansarka qanjirka prostate-ka
ah, kaasoo ku fiday lafihiisa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay
xafiiskiisa Axaddii. Biden wuxuu hadda la tashanayaa dhakhaatiirtiisa si uu u
doorto ikhtiyaarrada daaweynta.
Madaxweyne Donald Trump, oo muddo dheer ku dhaleeceynayay Biden
da’diisa iyo awoodda maskaxeed — inkasta oo uu afar sano ka yar yahay —
ayaa sheegay inuu “ka xumaaday” warkan.
“Waxaan u diraynaa Jill iyo qoyska salaam diirran iyo rajo wanaagsan,
waxaanan Joe u rajaynaynaa inuu si dhaqso leh oo guul leh uga soo
kabsado,” ayuu Trump ku qoray barta Truth Social, isagoo tixraacaya xaaska
Biden, Jill Biden.
“Madaxweyne Joe waa halyey marar badan dagaallamay,” ayay tiri
Madaxweyne ku-xigeenkiisii hore Kamala Harris, oo la wareegtay
musharaxnimada Dimoqraadiga kaddib markii Biden ka baxay tartankii
doorashada sanadkii hore.
Dowllada Soomaaliya oo War kasoo saartay dagaaladii ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Axad 18, May 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
”Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha difaaca deegaanka ee Hiiraan ayaa ku jabiyay maleeshiyaadka Khawaarijta ah, weeraro ay kusoo qaadeen deegaano dhaca xadka labada gobal.
Geesiyaasha degaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hawlgallo socday ku dhawaad 48 saacadood ku dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta , iyagoo sidoo kale cadowga ka furtey hub aad u badan” ayaa lagu yiri warka dowllada.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray, “Geesiyaasha Qaranka waxay
Khawaarijta ku jabiyeen isku dayadii ay ku doonayeen in ay isku
ballaariyaan, waxaana ay hadda ku baacsanayaan deegaano ka tirsan
Shabeellaha Dhexe.”
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay
Ciidanka Xoogga Dalka iyo halgamayaasha reer Hiiraan ee cagta mariyey
damaca kooxda AS, isla markaana muujiyay geesinimo iyo adkaysi.
“Dawladda Soomaliya oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo
saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta,”
ayaa lagu soo gabagabeeyey warkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta
Soomaaliya.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18-05-2025}
Axad 18, May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka
Axad 18, May 2025 {HMC} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 18 05 2025.
HOOS KA DAAWO DHACDOOYINKA CAALAMKA
{DAAWO MUQAALKA} Macwisleeyda Hiiraan oo AS ka qabsaday dhul balaaran iyo DFS oo War ka soo saartay dagaaladaas.
Axad 18, May 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa ku jabiyay al shabaab, weeraro ay ku soo qaadeen deegaano dhaca xadka labada gobal ee Hiiraan iyo Sh/dhexe sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay Dowlada Somalia
“Geesiyaasha degaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hawlgallo socday ku dhawaad 48 saacadood ku dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta , iyagoo sidoo kale cadowga ka furtey hub aad u badan” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka oo sidan hoose u qoran.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA



