Home Blog Page 884

{DAAWO MUQAALKA} Macwisleeyda Hiiraan oo AS ka qabsaday dhul balaaran iyo DFS oo War ka soo saartay dagaaladaas.

Axad 18, May 2025 {HMC}  Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa ku jabiyay al shabaab, weeraro ay ku soo qaadeen deegaano dhaca xadka labada gobal ee Hiiraan iyo Sh/dhexe sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay Dowlada Somalia

“Geesiyaasha degaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hawlgallo socday ku dhawaad 48 saacadood ku dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta , iyagoo sidoo kale cadowga ka furtey hub aad u badan” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka oo sidan hoose u qoran.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 18 05 2025

0

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 18-5-2025.

0

Axad 18, may 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUUQAALKA} Cismaan Barre oo Si adag uga Hadlay Been abuurka Mucaaradka Soomaaliya.

0

Axad 18, May 20225 {HMC}  Cismaan Barre oo Si adag uga Hadlay Been abuurka Mucaaradka Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Dugsi Quraankii dhawaan Baladweyne lagu Gubay oo Dib u dhis lagu Billaabay.

0

Axad 18, May 20225 {HMC} Dugsi Quraankii dhawaan Baladweyne lagu Gubay oo Dib u dhis lagu Billaabay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

IMF reaches staff-level deal with Somalia to release 10 mln USD.

Sunday 18 May, 2025 {HMC} The International Monetary Fund (IMF) said it has reached a staff-level agreement with Somalia on the third review under the Extended Credit Facility arrangement.

The IMF said in a statement issued on Friday evening that the deal would see the lender unlock 10 million U.S. dollars, which is subject to approval of the IMF Executive Board.

“Continued external assistance from multilateral and bilateral partners remains crucial to support the authorities’ policy efforts, especially in light of the high uncertainty and significant downside risks,” the IMF said.

The lender estimated a 4 percent growth in Somalia’s real gross domestic product in 2024, driven by continued agricultural recovery, while inflation is expected to ease to 5.6 percent by the end of 2024, supported by lower global commodity prices.

The IMF, however, said the country’s economic outlook in 2025 is clouded by foreign aid cuts, irregular rainfalls and high uncertainty in the country.

“Real GDP growth in 2025 is expected to slow to 3 percent amid weaker private consumption and imports. Inflation is projected to decelerate to 4.9 percent by the end of 2025, though the pace is slower than previously anticipated,” it said, adding that downside risks dominate the near-term outlook.

Fiscal reforms, according to the IMF, continue to progress steadily while the Somali authorities recognize the importance of accelerating efforts to build stronger public finances.

However, it warned that a more severe and sustained reduction in foreign aid would have long-term economic consequences, exacerbate food insecurity and poverty, deteriorate human development indicators, and jeopardize Somalia’s progress in rebuilding institutional capacity.

SOURCE 

Shiiq Shariif oo Ka Hadlay Qarax Maanta ka Dhacay Muqdisho.

Axad 18, May 2025 {HMC}  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee saakay lagu qaaday xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu qof naftiisa haligay isku qarxiyay meel ay ku sugnaayeen dhallinyaro doonaysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, ayaa Sheekh Shariif ku tilmaamay weerarka mid bahalnimo ah oo lagu beegsaday dhallinyaro Soomaaliyeed oo u taagnaa difaaca dalkooda iyo dadkooda. Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay kooxda Al-Shabaab, isagoo ku eedeeyay inay yihiin koox ka fog damiirka bini’aadantinimo, islamarkaana si xun ugu adeegsanaya magaca diinta Islaamka.

“Sheekh Shariif wuxuu sheegay in weerarkaan nafla-caariga ah uu hoosta ka xariiqayo sida ay kooxaha caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed uga fog yihiin damiirka dadnimada, iyagoo ku been sheeganaya magaca diinteenna suubban,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha ammaanka, isagoo tilmaamay in aysan qaadan masuuliyadda sugidda amniga goobta ay ka dhacday masiibadan, inkasta oo ay si weyn u muuqato baahida loo qabo ilaalin dheeri ah oo la siiyo xarumaha lagu qorayo ciidamada.

Ugu dambayn, Sheekh Shariif ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo ehellada dhallinyaradii ku naf waayay qaraxa, isagoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhammaan dhaawacyadii ka dhashay weerarka.

Dil lagu fuliyay Nin Maalin Ka Hor Wiil Dhalinyaro Ah Ku Dilay Baydhabo

Axad 18, May 2025 {HMC}  Maxkamadda Gobolka Baay ayaa maanta oo Axad ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Axmed Cabdullahi Maxmuud oo lagu helay in uu dil ka geystay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Ninka maanta la toogtay ayaa maalin ka hor waxa uu dilay wiil dhalinyaro oo lagu magacaabi jiray Abshir Xasan Cabdiraxmaan, waxaana sida caadada ahba Maamulka Koonfur Galbeed uu dilkaasi maalin kadib uu tiirka toogashada geeyay gacan kudhiiglihii falkaasi geeystay.

Dilkaan dhimashada sababay ayaa ka dhacay gudaha xafiis uu ku shaqaynayey Marxuum Abshir, Markii la xiray iyo maxkamadeyntiisa gacan kudhiiglaha oo isku waqti uun ahaa ayaa maxkamaddu waxa ay Axmed Cabdullahi Maxmuud ku xukuntay dil iyadoo la raacayo mabda’a Islaamka ee Qisaasta.

Xukunka toogashada ah oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka amniga gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan, saraakiil ka tirsan dowladda hoose ee degmada Baydhabo iyo dadweyne aad u fara badan oo ay ku jireen ehelada marxuumka.

Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa u sheegay shacabka in Maamulka uusan marnaba aqbaleeyn in qof shacab ah si bareer ah loo dilo waxaana ay markale ku celiyeen in xoogga ay saari doonaan in dambiilaha aan waqti badan la siinin ee qofkii qof dila ay tiirka toogashada la geenayo kadib maxkamadeentiisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Dil toogasho ah oo lagu fuliyay nin shalay qof shacab ah ku dilay Baydhabo

0

Axad 18, May 20225 {HMC} Dil toogasho ah oo lagu fuliyay nin shalay qof shacab ah ku dilay Baydhabo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Xoghayaha Gobolka Banaadir iyo siyaasi Cali Cosoble oo qaatay Qaatay Kaarka codeynta

0

Axad 18, May 20225 {HMC} Xoghayaha Gobolka Banaadir iyo siyaasi Cali Cosoble oo qaatay Qaatay Kaarka codeynta

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA