Home Blog Page 885

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Macaawisl oo ku dhaw inay AS kala wareegaan Aadan Yabaal

0

Axad 18, May 20225 {HMC} Ciidamada Macaawisl oo ku dhaw inay AS kala wareegaan Aadan Yabaal

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Beesha Allagumar “Taliye Xujaale waxa lagu dilay mishin waana inuu helaa cadaalad”

0

Axad 18, May 20225 {HMC}  Beesha Allagumar “Taliye Xujaale waxa lagu dilay mishin waana inuu helaa cadaalad”

{DAAWO MUUQAALKA} “Abgaal Cismaan waxaan leeyahay dhinta adinkoo Difaacayo Naftiina iyo maalkiina” Xildhibaan Yuusuf

0

Axad 18, May 20225 {HMC}  “Abgaal Cismaan waxaan leeyahay dhinta adinkoo Difaacayo Naftiina iyo maalkiina” Xildhibaan Yuusuf

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Hiiraanweyn 18-5-2025

0

Sabti 17-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahro Gabre iyo Yaasin Cali

Farsamadii ::Cabdiqani cabdulahi

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 18/5/2025

0

 

Axad 18, May 20225 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkmadda Gobolka Baay oo Riday Xukunka Kiis Dil ah.

0

Axad 18, May 20225 {HMC} Maxkamadda Gobolka Baay oo Riday Xukunka Kiis Dil ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA


.

{DAAWO MUUQAALKA} Kenya oo baareysa sababaha ka dambeeya shilalka diyaaradahedu ku galaan Soomaaliya iyo Sudan

0

Axad 18, May 20225 {HMC}  Kenya oo baareysa sababaha ka dambeeya shilalka diyaaradahedu ku galaan Soomaaliya iyo Sudan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Hay’adda Lacagta Adduunka oo Ka Digtay Saameynta Dhaqaale ee Ka Dhalan Karta Hoos u Dhaca Deeqaha Dibadda ee Soomaaliya

Axad 18, May 2025 {HMC} Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ka digtay in hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya la siiyo uu sababi karo saameyn dhaqaale oo daran, korodhka saboolnimada iyo cunno-yarida, hoos u dhac ku yimaada horumarka bulshada, iyo carqaladeynta dadaallada lagu dhisayo awoodda hay’adaha dowladda.

“Taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan marka loo eego hubanti la’aanta sare iyo halisaha dhaqaale ee muuqda, waa mid muhiim u ah hirgelinta siyaasadaha dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’adda.

Warbixin cusub oo ay IMF soo saartay ayaa lagu sheegay in saadaasha dhaqaale ee Soomaaliya ee sanadka 2025 ay weli qarisay hubanti la’aan badan, iyadoo ay sii yaraanayaan deeqaha dibadda, roobabkuna aanay joogto ahayn.

Dhinaca kale, IMF waxay sheegtay in ay Soomaaliya la gaartay heshiis heer shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegistii saddexaad ee barnaamijka Kaalmada Deyn-bixinta Dheer (Extended Credit Facility – ECF).

Bayaanka ay IMF soo saartay ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu furayo waddada lagu sii deynayo $10 milyan oo doollar, hase yeeshee lacagtaas waxaa weli ansixin doona Guddiga Sare ee IMF.

IMF waxay sidoo kale tilmaantay in dib-u-habeynta maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya ay si tartiib ah u socoto, balse ay muhiim tahay in la xoojiyo dadaallada lagu dhisayo nidaam maaliyadeed oo hufan, si loo xasiliyo dhaqaalaha loona taageero kobaca mustaqbalka.

Madaxweynahe Ciro oo Arima Badan uga Hadlay xuska 18-ka May

Axad 18, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in ay dadaal badan geliyeen raadinta aqoonsiga Somaliland, isla markaana ay waraaqo u direen caalamka. Waxa uu sheegay in Somaliland oo qaran ah ay wax weyn ka tari karto nabadda gobolka.

Madaxweyne Cirro waxa uu xusay in go’aankii ay gaadheen guddoonkii SNM, beelaha iyo bulshada Somaliland ee ay ku dhawaaqeen ka bixitaanka midowgii, uu ahaa go’aankii ugu saxsanaa, isaga oo sheegay in haddii aan gooni isu taagga la qaadan, Somaliland aanay gaadhi lahayn halka ay maanta taagan tahay.

“Waxaanu go’aansannay in Soomaalida qolo waliba si gooni ah u saxdo wixii ka khaldamay, waxaana aaminsannahay in walaalaheen ugu dambayn arrinta ka garaabi doonaan, oo ay fahmi doonaan in siyaabo kale oo badan wax lagu wada qabsan karo,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu sheegay in reer Somaliland ay khibrad durugsan u leeyihiin dhismaha dowladnimo, isla markaana haddii ay noqdaan qaran madaxbannaan, ay wax weyn ka tari karaan dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaanu ku kalsoonahay in Jamhuuriyadda Somaliland oo qaran madaxbannaan ahi ay wax badan ka qaban karto xal u helista dhibaatada raagtay ee Soomaaliya haysta,” ayuu yidhi.

Waxa uu ugu baaqay dalalka deriska iyo waddamada caalamka in ay tixgelin siiyaan dadaallada aqoonsi-raadinta ee Somaliland, isaga oo sheegay in dhawaan uu madaxda dunida u diray waraaqo uu kaga codsanayo in Somaliland la siiyo aqoonsi caalami ah.

Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland lagu dhisay is-cafin iyo nabadaynta gudaha ah, taasoo uu tilmaamay in caalamku wax ka baran karo, islamarkaana waddamada burburay ay qaadan karaan si ay dib ugu soo noqdaan saaxadda caalamka.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xuska 18-ka May, ayaa sheegay in Somaliland ay iswaafajisay dhaqanka, diinta iyo dowladnimada casriga ah, isla markaana ay qabatay 8 doorasho oo si nabad ah, turxaan la’aan ahna u dhacay.

Nin Dilka AS Abaalmarin ku Helay oo Maanta ku Dhintay Dagaal uu la Galay AS

Axad 18, May 2025 {HMC}  Waxaa faahfaahino laga helayaa Dilka  Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan lagu dilay dagaallada culus ee ka socda xadka Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxaa la xaqiijiyay inuu dagaalka ku dhintay Cabdi Yuusuf Salaad oo ku magac dheeraad Cabdi Goomey, iyadoo la sheegay inuu ku dhintay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay maanta agagaarka degaanka Ceelhareeri ee degmada Moqokori.

Taliye Cabdi Goomey ayaa ka mid ahaa taliyeyaasha ugu waaweyn ee Macawisleyda Gobolka Hiiraan, waxaana si weyn loo bartay sanadkii 2022, markii lagu abaal mariyay lacag dhan 10,000 dollar, markii uu Madaxa kasoo jaray xubno ka tiirsan Alshabaab.

Geeridiisa ayaa gilgishay baraha bulshada, waxaana tacsi u diray dad badan oo reer Hiiraan, kuwaasi oo sheegay inuu ahaa geesi muhiim u ah dagaalka ay Alshabaab kula jiraan reer hiiraan.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay dileen Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan Cabdi Yuusuf Salaad Goomey oo ay sheegeen inay  muddo dheer ku raad joogeen.

Waxay ku eedeeyeen inuu dilay Madixii Maaliyada ee Alshabaab ugu qaabilsanaa Gobolka Hiiraan..

Dilka Taliyihii Macaawisleyda Gobolka Hiiraan Cabi Goomey ayaa yimid 24 saac gudahood, iyadoo shalay la dilay Taliyihii Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Sare Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo askari ka mida ciidamadiisa la sheegay inuu toogtay.