Home Blog Page 89

{DAAWO MUUQAALKA} Gacan ku dhiiglahii Walalkey Jawiil ku dilay Aabahiis Xitaa ma Rabno inaan ugu Aarno.

0

Talaado 17 Feb 2026 {HMC} Gacan ku dhiiglahii Walalkey Jawiil ku dilay Aabahiis Xitaa ma Rabno inaan ugu Aarno

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} DFS Oo Gacanta ku dhigtay Askar Maandooriye isticmaaleysay.

0

Talaado 17 Feb 2026 {HMC}  DFS Oo Gacanta ku dhigtay Askar Maandooriye isticmaaleysay

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Turkiga oo ku wahahan Itoobiya.

0

Talaado 17 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga oo ku wahahan Itoobiya

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay Howgal ka socda Sh/dhaxe

0

Talaado 17 Feb 2026 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay Howgal ka socda Sh/dhaxe

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta billaabaya wadahadallada uu la leehayay Mucaaradka Dowladda.

0

Talaado 17 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu maanta billaabayo wadahadallada xubnaha Mucaaradka isaga oo ugu horrayn la kulmaya Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Ilo kala duwan ayaa sheegay in kulankaan uu hordhac u yahay wahadallada tooska ah ee Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin labadaas Madaxweyne Dowlad-Goboleed & Mas’uuliyiin xilal dalka kasoo qabtay iyo kuwa hadda haya.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa qabsoomay kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen madaxda Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka, waxa uu dhinac weliba wadatashi ka sameeyay wadaxaajoodka furmaya ee doodaha la isku dhaafsanayo.

Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa kulamo kala duwan la qaatay xubnaha Maamulladaas ku metala Dowladda Federaalka sida Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarrada Aqalka Sare oo ay kala hadleen wadahadalka billaabanaya.

 

Maxaa Xog ah oo laga Haaya Maraakiibta Mareeykanka ku daabulay Bariga Dhexe.

0

Talaado 17 Feb 2026 {HMC} Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa soo bandhigay sawirrada Abraham Lincoln oo ay garab taagan yihiin kuwa wax burburiya, diyaarado dagaal, diyaarado ilaalo ah iyo maraakiibta ilaalada xeebaha ee ku sugan badda Carabta, taasoo muujineysa awood ciidan lixdii Febraayo, taasoo Iiraan ay la kulantay bandhiggeeda awoodeed.

Maalintii Isniinta Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa dhoolatus badeed ka bilaabay marin-biyoodka Hormuz, oo ku yaalla gacanka u dhaxeeya Cumaan iyo Iran.

Dhoolatuska ayaa lagu arkay Taliyaha guud ee IRGC Maj Gen Mohammad Pakpour oo kormeeraya maraakiibta badda ee ku sugan deked ka hor inta aan la arkin gantaalaha laga soo tuuray markab, wakaaladda wararka ee Tasnim ee xiriirka la leh IRCG ayaa sheegtay.

Marin-badeedka waxaa loo arkaa mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu muhiimsan adduunka iyo barta muhiimka ah ee marinka saliidda.

Qiyaastii shan meelood meel saliidda iyo gaaska adduunka ayaa mara marin biyoodka, oo ay ku jirto jasiiradda Kharg, oo ah meesha ugu weyn ee laga dhoofiyo saliidda Iran. Pakpour ayaa la arkayay isagoo ku dul heehaabaya jasiiradaasi diyaarad helicopter ah, warbixinta ayaa muujineysa dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay ee ciidamada Iiraan.

 

Madaxweyne Trump oo rajo ka muujiyay wadahadallada Iran

0

Talaado 17 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Iiraan ay doonayso inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka.

Hadalkiisa ayaa yimid ka hor wareegii labaad ee wadaxaajoodyada aan tooska ahayn ee u dhexeeya wakiillada Mareykanka iyo Iiraan ee ka dhacaya Geneva, iyadoo ay dhexdhexaadineyso dowladda Khaliijka ee Cumaan.

Isagoo la hadlayay weriyeyaasha xili uu saarnaa diyaaraddiisa Air Force One, Mr Trump waxa uu sheegay inuusan u maleyneynin in maamulka Iiraan ay rabaan inay wajahaan “cawaaqibka ka dhalan kara inaan heshiis la gaarin.”

Dhankeeda, wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, (iyada oo loo marayo afhayeenkeeda, Esmaeil Baqaei) ayaa sheegtay in Mareykanka uu u dhaqaaqay dhan “macquul gal ah” oo ku saabsan wadahadallada ku barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.

Isla kulankaas uu la yeeshay weriyeyaasha, Mr Trump waxa uu u sheegay inay “dhawaan” go’aan ka gaadhi doono inuu hub dheeraad ah u diro Taiwan.

Madaxweyne oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ku marti-qaaday kulan qado iyo soo dhoweyn ah.

0

Isniin 16 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ku marti-qaaday kulan qado iyo soo dhoweyn ah kaasi oo beri oo Talaado ah ka dhici doona Hotelka Decale ee ku dhax yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in kulanka qadada ah ee beri uu hordhac u yahay Shirka ay isugu imaanayaan Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka oo sida qorshuhu yahay ka dhacaya Xarunta Madaxtooyada sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku dhaw Villa Somalia islamarkaana looga hadli-doono arrimaha siyaasadda dalka sida doorashooyinka iyo doodda ka taagan wax ka badelka dastuurka.

Kulanka wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maanta Madaxweyne Xasan Sheekh uu kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Ethiopia.

Madax Dhaqameedka Gobolka Awdal oo Joojiyay Wada-shaqayntii Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland.

0

Isniin 16 Feb 2026 {HMC} Guddida Dhaqanka Beelaha Gobolka Awdal ayaa beeniyay in lasoo xidhay nabada beelaha wada daga Awdal iyo Salal sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland 14-02-2026.

Guddidu waxay sheegtay in ay bulshadu si weyn uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeedhay wasiirka, iyaga oo ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo aan ka turjumayn xaqiiqada ka jirta deegaannada ay colaaduhu ka dheceen.

War-saxaafadeedka guddida ayaa lagu sheegay in wasiirku ku andacooday in colaaddii ka taagnayd deegaannadaasi la dhammeeyay, hase ahaatee ay taasi ka fog tahay xaqiiqada dhabta ah, maadaama ay labada maalmood ee ugu dambeeyay halkaas ka dhaceen dagaallo culus oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Guddidu waxay ka biyo-diiday eedeyn ay sheegeen in wasiirku uu dusha ka saaray dhinaca beelahooda, taas oo uu ku sheegay in ay sabab u ahaayeen colaadaha.

Guddidu waxay arrintaas ku tilmaantay mid aan sal lahayn, isla markaana ka hor imanaysa wada noolaanshaha iyo nabadda bulshada deegaanka.

“Wasiirku waxa uu si cad aan oo badheedh ah u aflagaadeeyay madax-dhaqameedka beelaha Gadabuursi oo uu ku sheegay dagaal-oogayaal nabada diidan, arrintaana waxa aanu ka leenahay wasiir way kaa hoostay ee waxa aad illoowday in madax-dhaqameedka reerku ay yihiin kuwa dhaliyay ee keenay nabadda iyo quruxda aad wasiirka ku tahay.”

Geesta kale, guddidu waxay sheegtay in hadallada wasiirku ay muujinayaan isbeddel ku yimid mowqifkiisii hore, iyaga oo xusay in ay hore u jireen dadaallo nabadeed oo ay wada wadeen madax-dhaqameedka iyo masuuliyiinta xukuumadda.

Ugu dambeyn, Guddida Dhaqanka Beelaha Gadabuursi waxay ugu baaqday bulshada iyo dowladda Somaliland in si wadajir ah loogu hawlgalo nabad waarta iyo xallinta khilaafaadka jira, iyaga oo sidoo kale ku adkeeyay in la ilaaliyo wada shaqeynta iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Guddidu waxay caddeysay in ay sii wadi doonaan doorkooda nabadeynta iyo ilaalinta midnimada bulshada.

“Waxa aanu bulshadayada iyo dawladda Somaliland-ba u caddaynaynaa in aanu si ku meel-gaadh ah u joojinay wada shaqeyntii aanu la lahayn wasiirka arrimaha gudaha, maadaama oo uu wasiirku ka baxay xeyndaabkii dawladnimo. Sidoo kalena uu lumiyey dhex-dhexaadnimadii.”

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Qatar oo wadahadal Deg deg ah Yeeshay Kadib Markii,,,

0

Isniin 16 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa wadahadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar,

iyadoo labada hoggaamiye ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar, go’aankii aan leex leexadka lahayn ee ay ku garab istaagtay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku bogaadiyay taageerada joogtada ah ee ay dowladda Qatar u fidiso hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.