Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse Osman
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse Osman
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Khamiis May 15, 2025 {HMC} Isbitaal ku yaalla koonfurta magaalada Qasa ayaa sheegay, in ugu yaraan lix iyo labaatan qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqaymaha cirka ah ee Israa’iil.
Goobaha la duqeeyay waxaa kamid ah guryo iyo teendhooyin ay ku hoydaan qoysaska soo barakacay ee Khan Younis.
Saxafiyiinta maxaliga ah ayaa ku soo warramaya in wadooyinka cisbitalka Naasir ay buux dhaafiyeen dhaawacyo badan, waxaana buuxsamay goobta meydadka lagu keydiyo.
Awaamiirta cusub ee barakicinta qasabka ah ee Israa’iil ayaa sidoo kale argagax ka dhaliyay Galbeedka magaalada Qasa.
Israa’iil ayaa sheegtay in isbitaal, iyo jaamacad iyo dugsiyo ay isu beddeleen goobo ay “gabbaad” ka dhigtaan kooxda Xamaas.
Khamiis, 15-ka May, 2025 {HMC} – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kuma jiro liiska magacyada uu Kremlin-ku shaaciyay inay ka qeybgalayaan wadahadallada nabadda ee ku saabsan dagaalka Ukraine, kuwaas oo ka dhacaya magaalada Istanbul Khamiista maanta ah, inkasta oo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ku baaqay in Putin uu ka qaybgalo.
Bayaanka Kremlin-ka ayaa lagu sheegay in wafdiga Ruushka uu hoggaamin doono la-taliyaha madaxweynaha, Vladimir Medinsky.
Zelensky wuxuu hore u sheegay inuu ka qaybgalayo wadahadallada isla markaana uu la kulmi doono Putin haddii madaxweynaha Ruushka uu oggolaado, isagoo intaa ku daray inuu sameyn doono wax kasta oo suuragal ah si kulanka fool ka fool ah u qabsoomo.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ku baaqay “wadahadal toos ah” oo uu la yeesho Ukraine
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump isaguna ma ka qeybgeli doono, sida ay warbaahintu sheegtay, inkasta oo uu horey u sheegay inuu imaan doono haddii Putin uu joogo.
Zelensky ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago caasimadda Turkiga, ww Ankara, Maanta si uu ula kulmo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.
Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka qayb galo wadahadallo toos ah oo ka dhaca Istanbul oo uu la yeesho Ruushka, balse kaliya haddii Madaxweyne Putin uu sidoo kale kasoo qaybgalayo.
“Waan sugayaa si aan u arko ciddii Ruushka uga qayb gali doonta wadahadallada, ka dibna waxaan go’aamin doonaa talaabooyinka ay tahay in Ukraine ay qaaddo. Ilaa hadda, fariimaha ay warbaahinta ka soo dirayaan wax i qancinaya ma ahan,” ayuu yiri Zelensky Arbacada, isagoo khudbad muuqaal jeedinayay.
Putin iyo Zelensky iskuma aysan arag fool ka fool tan iyo bishii December 2019-kii. Ruushka iyo Ukraine waxay markii ugu dambeysay wadahadallo toos ah yeesheen bishii Maarso 2022-ka magaalada Istanbul, wax yar kadib markii Moscow ay bilowday duullaanka ay ku qaaday dariskooda Ukraine.
Dagaalku wuxuu si xooggan uga socdaa Ukraine tan iyo markaas. Ciidamada Ruushka ayaa si tartiib tartiib ah u balaariyay weerarada dhulka ay maamulaan, gaar ahaan bariga Ukraine, sanadkii la soo dhaafay.
Axaddii, Madaxweyne Putin wuxuu ku baaqay in wadahadallo toos ah ay dhexmaraan Ruushka iyo Ukraine, kuwaas oo ka dhaca magaalada Istanbul, isagoo sheegay in aysan jirin wax shuruudo ah oo lagu xirayo.
Kadib, Madaxweyne Zelensky wuxuu ku dhawaaqay inuu si shaqsi ah u tagayo, wuxuuna filayay in Putin isna safar ku tagi doono.
Talo soo jeedinta Putin ee wadahadallo toos ah waxay ka dambeysay baaq ay Reer Galbeedku u direen labada dhinac oo ahaa in la sameeyo xabbad-joojin 30 maalmood ah, kadib markii hoggaamiyeyaasha Yurub ay Sabtidii ku kulmeen magaalada Kyiv.
Markii Trump uu Axaddii ku baaqay in Ukraine ay aqbasho dalabkaas wadahadalka, Zelensky ayaa sheegay in uu isagu u safri doonoTurkiga.
“Ma jiro wax micno ah oo ku jira in dilalku sii socdaan. Waxaan sugayaa Putin maalinta Khamiista ah.,” ayuu Zelensky ku qoray barihiisa bulshada.
Horey Trump wuxuu sheegay suurtogalnimada inuu isaguna ka qaybgalo kulanka haddii Putin uu yimaado.
Madaxweynaha Mareykanka, oo haatan ku sugan dalka Qatar, ayaa u sheegay wariyeyaasha in uusan hubin haddii dhiggiisa Ruushka uu tagi doono ” haddii isagu aanu tagin”
“Waan ogahay inuu jeclaan lahaa in aan joogo, waana suuragal. Haddii aan dagaalka joojin karno, waxaan ka fiirsan lahaa arrintaas,” ayuu Trump yiri.
Waxaa la filayaa in Mareykanka uu u diro wafdi heer sare ah wadahadallada.
Diblumaasiga ugu sarreeya dalkaas, Marco Rubio, ayaa gaaray Turkiga Arbacadii, halkaas oo uu Khamiista maanta ah kula kulmi doono wasiirrada arrimaha dibadda ee NATO.
Kahor kulankaas, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andrii Sybiha, ayaa sheegay inuu la kulmay Rubio Arbacadii. Sybiha wuxuu sheegay inuu mar kale xaqiijiyay sida Ukraine uga go’an tahay dadaallada nabadeed ee Mareykanka, wuxuuna ugu baaqay Ruushka inuu “ka falceliyo tallaabooyinka dhisidda nabadda ee Ukraine qaaday.”
Rubio ayaa qorsheynaya inuu u sii safro magaalada Istanbul maalinta Jimcaha, halkaas oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay sheegtay inuu ka qayb geli doono wadahadallo uu la yeesho wasiirrada dhiggiisa ah ee Yurub si ay uga wada hadlaan dagaalka Ukraine.
Markii uu gaaray hotel uu ka dagenyahay magaalada Antalya Arbacadii, Rubio kama uusan jawaabin su’aal ay BBC uga weydiisay oo ahayd in Putin uu imaan doono Turkiga iyo in kale.
Khamiis, 15-ka May, 2025 {HMC} – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa baadil ku tilmaamay shirweynihii xalay uu Muqdisho ku qabtay ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP, oo uu hoggaamiyo musharaxna ka yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay qorshaha loo dhisay ururkaan inuu yahay abaabul siyaasadeed oo lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna wiiqayo midnimada iyo wadajirka ummadda.
Deni ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta inay indhahooda furaan, kana hadlaan mowqifkooda kaga aaddan wuxuu ugu yeeray khatarta uu dalku wajahayo haatan.
Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay, dowladda Federaalka in aysan daacad ka ahayn in laga guuro nidaamka 4.5. Waxa uu tusaale usoo qaatay hannaanka lagu salleeyay hoggaanka sare ururka JSP, isagoo sheegay inuu ka turjumayo in lasii cayiliyay nidaamka wax ku qeybsiga qabiika.
“Golayaashii Wadatashiga Qaran waxay isku beddeleen xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka. Caddaalad haddii ay jirto, miyaa la iibsan lahaa qabuuraha? Caddaaladda ay sheegayaan maxay noqon doontaa? Wadajirkii ay ka hadleen xaggee buu yaallaa, dalkiiba waa la kala irdheeyay. Golaha doonaya in Jubbaland la burburiyo miyaa wadajir keenaya?” sidaas waxaa yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray in waddada dowladda Federaalku ku socoto ay tahay waddo xiran, isagoo xusay in loo baahan yahay dib u heshiisiin dhab ah oo Soomaalidu dhexdeeda ah.
Arbaco 14, May 2025 {HMC} Madaxweyne Dani ‘oo Fariin gaar ah u Diray Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka.
Arbaco 14, May 2025 {HMC}Gudoomiye Jawaahir ”qabiil waxaa ka Fiican in Qaran leesku Doorto”
Arbaco 14, May 2025 {HMC} Xildhibaan Cadar ”Dalka waa uu ka Gudbay Xiligii 4.5 Wax lagu so Dooran jiray”
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Talaado 14, May 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn