Arbaco 15, May 2025 {HMC} Gudiga Doorashooyinka oo shahaadada Siyeey Xisbiga uu Hogaaminayo Xasan sheekh.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco 15, May 2025 {HMC} Gudiga Doorashooyinka oo shahaadada Siyeey Xisbiga uu Hogaaminayo Xasan sheekh.
Arbaco 15, May 2025 {HMC} Xildlhibaan Odawaa Doorashada soo socoto Madaxweyne Xasan sheekh ayaa nagu hogaaminaa”
Arbaco 15, May 2025 {HMC} Ku dhawaad 30 Sano kadib Turkiga oo ku Guuleystay inuu isku keeno Mareeykanka iyo Suuriya
Arbaco 15, May 2025 {HMC} Madaxda Mucaaradka oo War Culus ka soo saaray Xaalada Siyaasadeed ee Dalka

Arbaco, May 14, 2025 {HMC} Qaar kamid ah madaxdii hore ee talada dalka soo qabatay iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah, ayaa war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ku caddeeyay in ay burburtay madashii Wadatashiga Qaran , iskuna baddeleen xisbi doonaya in talada xoog ku heestaan.
Qoraalka ay soo saareen siyaasiyiintan ayey ku sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh u dhaqaaqay jidkii mudda kororsiga ee horseedi lahaa abuurista qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Waxa ayna ku baaqeen siyaasiyiintan in lagu isugu yimaado wadatashi siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaaladaha soo kordhay.
“Ku talinaynaa in degdeg loo guda-galo wadatashi siyaasadeed oo ay isugu yimaadaan xoogagga siyaasadeed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si dalka looga samatabixiyo kalitalisnimo lagu burburinayo dastuurkii heshiiska lagu ahaa, nidaamkii federaalka iyo awood qaybsigii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa xasilloonnida dalka, loona abuuro cudud midaysan oo looga hortagayo kooxaha argagexisada.” ayaa lagu yiri qoraalka.
War-saxaafadeedkan wadajirka ah ee soo saareen siyaasiyiinta mucaaradka , ayaa looga digay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka waantoobo fidnada uu ka abuurayo mar kale deegaannada Jubbaland, sidoo kale joojiyo caburrinta iyo afduubka ay geesanayaan koox ka ammar qaadata.


Arbaco, May 14, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid horumarineed oo ku saleysan qorshaha Qaran ee dowladda, isla markaana uu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.
Intii uu kulanka socday, waxa uu guddigu ansixiyay saddexdii mashruuc ee ugu horreyey ee hoos yimaada barnaamijka TPSS – kuwaas oo dhammaantood diiradda saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah ee Soomaaliya, lagana hirgelin doono deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.
Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya ee (TPSS), waxaa maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, waxaana hirgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. iyada oo shirka uu guddigu maanta yeeshey uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya H.E. Pier Mario Daccò Coppi.
Arbaco, May 14, 2025 {HMC} Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Muqdisho kulamo kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Safiirka Turkiga iyo iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Turkiga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka AS.
Labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo salka ku haya taageerada dhanka difaaca iyo Amniga.
Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyey doorka Turkigu ka qaadanayo taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid dhidibada u aasay iskaashi walaaltinimo, ixtiraam iyo dan wadaag.
Safiir Alper Aktaş iyo wafdigiisa ayaa dhankooda xaqiijiyey in Turkigu sii wadi doono garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan la dagaallanka As, dib u dhiska hay’adaha amniga, iyo taageerada tababarka iyo qalabaynta ciidamada.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa iskaashi caalami ah, ay diyaarisay hab sahlaya in la helo, oo lasoo qabto, laguna soo celiyo dalka dadkaasi, si maxkamadooda looga dhigo gudaha Soomaaliya.
Arbaco 14, May 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn