Arbaco 15, May 2025 {HMC} Ku dhawaad 30 Sano kadib Turkiga oo ku Guuleystay inuu isku keeno Mareeykanka iyo Suuriya
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxda Mucaaradka oo War Culus ka soo saaray Xaalada Siyaasadeed ee Dalka
Arbaco 15, May 2025 {HMC} Madaxda Mucaaradka oo War Culus ka soo saaray Xaalada Siyaasadeed ee Dalka
{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Ciraaq.

Mucaaradka soomaaliya oo si cad u dhaliilay xisbiga xalay lagu dhawaaqay ee …………..
Arbaco, May 14, 2025 {HMC} Qaar kamid ah madaxdii hore ee talada dalka soo qabatay iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah, ayaa war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ku caddeeyay in ay burburtay madashii Wadatashiga Qaran , iskuna baddeleen xisbi doonaya in talada xoog ku heestaan.
Qoraalka ay soo saareen siyaasiyiintan ayey ku sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh u dhaqaaqay jidkii mudda kororsiga ee horseedi lahaa abuurista qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Waxa ayna ku baaqeen siyaasiyiintan in lagu isugu yimaado wadatashi siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaaladaha soo kordhay.
“Ku talinaynaa in degdeg loo guda-galo wadatashi siyaasadeed oo ay isugu yimaadaan xoogagga siyaasadeed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si dalka looga samatabixiyo kalitalisnimo lagu burburinayo dastuurkii heshiiska lagu ahaa, nidaamkii federaalka iyo awood qaybsigii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa xasilloonnida dalka, loona abuuro cudud midaysan oo looga hortagayo kooxaha argagexisada.” ayaa lagu yiri qoraalka.
War-saxaafadeedkan wadajirka ah ee soo saareen siyaasiyiinta mucaaradka , ayaa looga digay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka waantoobo fidnada uu ka abuurayo mar kale deegaannada Jubbaland, sidoo kale joojiyo caburrinta iyo afduubka ay geesanayaan koox ka ammar qaadata.


Ra’iisul wasaare xamse oo guddoomiyey shir muhiim ah
Arbaco, May 14, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid horumarineed oo ku saleysan qorshaha Qaran ee dowladda, isla markaana uu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.
Intii uu kulanka socday, waxa uu guddigu ansixiyay saddexdii mashruuc ee ugu horreyey ee hoos yimaada barnaamijka TPSS – kuwaas oo dhammaantood diiradda saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah ee Soomaaliya, lagana hirgelin doono deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.
Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya ee (TPSS), waxaa maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, waxaana hirgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. iyada oo shirka uu guddigu maanta yeeshey uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya H.E. Pier Mario Daccò Coppi.
Wasiir Fiqi oo dagaalka AS kala hadlay saraakiil Turki ah
Arbaco, May 14, 2025 {HMC} Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Muqdisho kulamo kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Safiirka Turkiga iyo iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Turkiga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka AS.
Labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo salka ku haya taageerada dhanka difaaca iyo Amniga.
Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyey doorka Turkigu ka qaadanayo taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid dhidibada u aasay iskaashi walaaltinimo, ixtiraam iyo dan wadaag.
Safiir Alper Aktaş iyo wafdigiisa ayaa dhankooda xaqiijiyey in Turkigu sii wadi doono garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan la dagaallanka As, dib u dhiska hay’adaha amniga, iyo taageerada tababarka iyo qalabaynta ciidamada.
Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirto in lasoo qabto dadka la shaqeeya Magafayaasha Libya
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa iskaashi caalami ah, ay diyaarisay hab sahlaya in la helo, oo lasoo qabto, laguna soo celiyo dalka dadkaasi, si maxkamadooda looga dhigo gudaha Soomaaliya.
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 14-5-2025
Arbaco 14, May 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn
Booliska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay Koox dilal iyo dhac ka geystay Muqdisho
Arbaco, May 14, 2025 {HMC} Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo maanta shir jaraa’id ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Koox dambiilayaal ah oo horey maxkamado u xukuntay balse heshiis Bulsho lagu sii daayay ay dib u bilaabeen falal amaanka liddi ku ah sida dilka iyo boobka shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in dhacdooyinka noocaasi oo kale ay saakay salaadii subax kadib ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay gacanta kusoo dhigeen seddex eedeeysane oo Moobilo iyo hanti kale kasoo dhacay Bulshada Soomaaliyeed ay gacanta kusoo dhigeen iyagoo saqraansan oo waliba isku dagaalay qeybsiga wixii ay kasoo dhaceen Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Isla degmada Xamar Jajab 9kii Bishaan, waxa uu Afhayeenka sheegay in eeedeysanayaal iyo ruux dil ka geeystay ay gacanta kusoo dhigeen kuwaasi oo dhowaan ay horgeen doonaan cadaaladda waxaana lagu hayaa xabsiyada Booliska ay maamulaan.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa shirkiisii jaraaid ku faah faahiyay dil ka dhacay shalay degmada Hodan ee qeybta Waliyow Cadde oo uu tilmaamay inuu ka dhacay dil si arxan darro ah loogu dilay Gaashanle Sare Marxuum Cabduqaadir Xuseen Cigaal oo loo qabtay shan eedeysane oo 100% lagu tuhmaayo inay ka dambeeyeen dilka marxuumkaasi oo xitaa meydkiisa la gubay si loo tirtiro cadeeymaha falka dilka.
Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilka marxuum Feysal Cabdullahi Takar iyo laba qof oo iyagu gacan ka geestay dilka marxuumkaasi sida uu sheegay afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan.
Ugu dambeeyn waxa uu shacabka ugu baaqay in si ammaan loo helo in qofkii dil ka geeysta magaalada Muqdisho loo daayo xeerarka cadaalada iyadoo laga fogaanayo hanti ka dhiibida iyo damiin in lagu sii daayo gacan ku dhiiglaha, waxaana uu xusay in boqolkiiba todobaatan kuwa dilalka ka geesta magaalada ay yihiin kuwa horey xabsi u soo maray oo diyo laga dhiibay laguna sii daayay xeerarka bulsho ay shacabka dhigteen.
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynihii Aduunka ugu Faqiirsanaa oo Geeriyooday.
Arbaco 15, May 2025 {HMC} Madaxweynihii Aduunka ugu Faqiirsanaa oo Geeriyooday.



